Dr. Gaboose Oo Kor & Hoosba Ula Hadlay Madaxweynaha, Kana Dardaar-weriyey Khatar Somaliland Ka Dhaxli Karto Covid_19, Haddii Taladu Xumaato

0
626

Hargeysa (Geeska) – Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ka mid ah dhakhaatiirta waaweyn ee Reer Somaliland, ayaa Digniin culus ka soo saaray Xanuunka Dunida dhibaatada ku haya ee Covid_19, kaasi oo shantii Qof ee ugu horreeyay laga helay Somaliland.

Dr. Gabboose wuxuu sheegay in Xanuunkani uu halis badan gelin karo Shacabka reer Somaliland, haddii inta aanu dalka si rasmi ah uga dillaacin laga tabaabulshaysan, gacmahana la isku qabsan sidii si wada jir ah loogaga hor-tagi lahaa.

Dakhtarta oo Jimcihii Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa isagoo ka hadlaya khatarta Xanuunka Covid_19 wuxuu yidhi  “Dadkeena ayaa ka maqlaa Geerida Ilaahay baa ii qoray oo Wakhtigayga dhaafi maayo, Geerida uu geystay Coronavirus waxa toban jeer ka badan dhibaatada aan xalka loo hayn ee uu kaga tagayo Qof, Qofka marka uu dilayaa waa mar aanu waxba kaga tagin, laakiin Dad badan oo ka bedbaaday ayaa Sambabadii wada fadhiyaan, wadnihii dhaawacmay, kelyihii dhaawacmeen, Maskaxdii dhaawactay, markaa qofku wuxuu la noolaanayaa Xanuun culus, Arrintu Geeri keliya maaha, waxa la rejaynayaa Xanuunka uu kaga tago Dadka waaweyn daawayntooda inaan xitaa Dawladaha waaweyn kharashkooda bixin Karin muddo dheer. Sidaasi darteed, Walaalayaal Qof kasta, Anigana ha ahaatee Geeri ha ku talo-galo, haddaanu dhimana dhaawac haku talo-galo, haddaanu Dhimana ha ku talo-galo Geerida Qof Qaraabadiisa ah oo uu jecel yahay.”

Dr. Gaboose wuxuu ka hadlay sida looga guulaysan karo Covid_19 “Maxaa lagu kala guulaysan karaa, Dagaalka adag waa Dagaalka ay Dawladaha Shiinaha u dhow galeen, waana in inta aanu dadka laynin ee aanu soo shaac-bixin inaynu adeegsano wax Alaale iyo waxaynu awood leenahay, waxaad qiyaastaan hadduu xanuunku na soo galo, ma Sariiro ayaynu u haynaa, ma Dhakhaatiir ayaynu u haynaa, ma kalkaaliyeyaal ayaynu u haynaa, ma daawo ayaynu u haynaa, ma Mishiinnada Neefta ayaynu u haynaa, intaaba Anigaa ka shaqeeya oo idiin xaqiijinayee uma hayno.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Intaan dhibaatada meesha ugu dambaysa la gaadhin, maxaynu qaban karnaa ? waa inaynu garanaa Jaadku muxuu qayb ka qaadan karaa xanuunka Covid_19, Jaadku waa cunto aan daboolayn, aan bac lagu soo xidhin, aan Warshad ka soo bixin, aan la maydhin, aan la soo daweynin oo iyadoo nadiif ah Qofkii uu bacda ka furanayo, Dad baa gacan ku soo habeeyay, Gaadhi-baa la soo cararray, Dad kalaa taabtay, halka lagu iibinayo ee Kolayga la yidhaahdo, Qofbaa soo maraya, wuu iska eegayaa oo wuu naqaysanayaa, Gacanta ayuu ku taabanayaa, Adigaa yimid oo qaatay kii laga naqaystay, kii hore ee taabtayna wuxuu qabay Xanuunka Covid_19, waad la baxday (Jaadkii) oo Gurigaaga ayaad la tagtay, Carruurtaadii ayaa kuu damaanad-qaadaya, Xaaskaaga, Walaalahaa iyo Qaraabadaada aad la dhex fadhiisatay yaa kuu damaanad-qaadaya?, waa Ibtilo aad ku fidinayso Qoyskaagii, Dadkaagii, sidaasi darteed Masuuliyadda ugu culus ee aynu Maanta kaga bixi karno Xanuunka waa Qof kasta oo naga mid ahi uu Masuul noqdo.”

Dr. Gaboose wuxuu farriin u diray Xukuumadda Madaxweyne Biixi “Xukuumaddu hadday yidhaahdeen dhaqaale ayaa naga soo gala (Jaadka), Cashuur baa naga soo gasha, Madaxweyne waxa kula hadlaya Aniga, Anigu waxaan ku haystaa laba Takhasus oo ay yar tahay Qof Soomaali ah iyo Reer Somaliland ahi inay haystaan, dalka Ireland ayaan ka soo qaatay, Ilaahay Mahadi haka gaadhee Cabdiraxiim Caabbi Faarax ayaa Kooraskaa iga bixiyey, sanado ayay igu qaadatay, mid waxa la yidhaahdaa ‘Tropical Medicine,’ midna waxa la la yidhaahdaa ‘International Health’, waxa lana soo baray xanuunnada la midka ah Covid_19 ee caalamka ku faafa, side looga hor-tagaa, berigaan jabhadda ahayn ee aynu dibedda maraynay ayaan u bartay inaan Hay’adaha Caalamka ugu shaqeeyo, markaa waa inaan Maanta Dadkayga iyo Dalkayga uga faa’ideeyo” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu si toos ah farriin ugu diray Madaxweyne Muuse Biix Cabdi “Qaado talada (Madaxweyne), waxa kula hadlaya nin waayeel ah oo Dawladdii Maxamed Siyaad Barre ahaa Wasiir ku-xigeenka u qaabilsanaa Xanuunnada faafa sida Fayraskan oo kale, anigaa Masuulka ugu weyn ahaa Min Hargeysa illaa Kismaayo, khibradda intaa leeg miyaad igu aamini kari wayday Madaxweyne, haddaan ku idhaahdo Jaadka korkiisa wuu saaran yahay Fayrasku, Miyaanad ka nixi Karin Aabbo, Qof aad u tahay Walaal, yaa kuu xaqiijiyey in aanu Adiga kuu soo galayn, Adiga iyo Anigu liiska Geerida ayaynu ku jirnaa ee ku talo-gal, haddaynu ka bedbaadnana liiska dhaawaca ayaynu ku jirnaa, haddaynu ka bedbaadnana Qaraabadeena ayaa nolol iyo Geeri ku jirta Madaxweyne.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Madaxweyne, miyeyna wax laga naxo ahayn in Guddiga Wacyi-gelintu ay Gacmaha maydha, Sanka xidha, ayna ka baqeen ama ka xishoodeen inay ku daraan Wacyi-gelinta, haddaan la joojin Karin Madaxweyne waxaan kaa codsanayaa inaad Wacyi-gelinta ku darto Qofka (Cunayaa) isagu ha is-dilee.”

Dhakhtarku wuxuu Madaxweynaha u soo jeediyey inuu shirayo Ganacsatada iyo Culimada “Madaxweyne, Shiri Ganacsatada iyo Wadaaddada, Zakadii ayaa taagan ee maxaa diiddan in Lacag la naga qaado, maxaa diiddan in lacagtaa Raashin lagu soo iibiyo, ilayn arrimuhu way sii xumaan doonaane, maxaa diiddan in Dadkeena inta jilicsan Zakada wax laga gaadhsiiyo oo Raashin loo qaybiyo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Madaxweyne, Aabbihii Ummaddaad tahay, nacayb kuuma lihin, waxaan kuu sheegayaa inay doqoniimo tahay in Siyaasad iyo Mucaaradad ay Maanta oo kale dhexdeena ka furmaan, Maanta dalku dagaal buu ku jiraa, Mid ku neceb iyo mid ku jecelba waxaan kula talin lahaa oo aan anigu igu horreeyo in lagugu daba faylo ee adiguna waanada qaado Madaxweyne.”

Ugu dambayn, wuxuu sheegay Gaboose “Haddii Taladu naga xumaato, waa Dadkaagii Dadka aad dhawaan ku arki doontid Xabaalo faro badan, Ilaahay innaguma keenee..”ayuu yidhi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here