Wasiirka Ganacsiga Oo Cadeeyay Inay Dib U Celiyeen Markab Siday Shidaal Wasakhaysan

0
561

 

Picture3Hargeysa(Geeska)-Wasiirka ganacsiga Md. Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa cadeeyay inay dib u celiyeen markab siday shidaal wasakhaysan oo ku soo xidhay dekedda Berbera, kaas oo ay iska lahaayeen ganacsato reer Somaliland ahi.

Wasiir Khaliif, oo shalay shirjaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, wuxuu sheegay in markabkaas la celiyay ka dib markii hubin lagu sameeyay tayada shidaalka uu sido. “Todobaadkii Hore Dhamaadkiisi Wax Dalka Yimid Markab Siday Shiidaal oo ku soo Xidhay Berbera, Marka Sida Caadada inoo ahayd waxanu u Diray Baadhistii loo diri jiray oo dalka Dibadiisa loo Diri jiray si loo hubiyo in Tayada Shiidalku Ay wanagsan tahay, Jawaabtii ka soo Noqotay Shiidalkaasina waxay noqotay in aanu Tayada Shiidalkasi waafaqsanayn Heerkii lagu eegi jiray tayada Shiidalka Dalka soo gala oo uu noqday mid liita, Runtii Shiidalka Waxaynu u Baadhna Saddex iyo Tobon Nooc, Marka saddex ka mid ah ayuu noqon wayey, sidaasi daradeed markii aanu eegnay in heeshiiskii ay wada galeen wasarada ganacsiga iyo Ganacsatadu in shuruudihii aanu u dhignay aanay buuxinin ayaanu go’aansanay in dib loo celiyo.”

Wasiirku isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “markabkiina sidaasi ayuu ku noqday, runtii Ganacsatadii Shiidalka lahaydna way nala qaateen in Dib loo Celiyo.”Ayuu yidhi wasiirku.