DP World Oo Markii U Horeysay Shaqaalaha Dekada Berbera U Dirtay Tababar Dalka Dibadiisa Ah

40
4260

Hargeysa(Geeska)-Shirkadda DP world ee gacanta ku haysa maamulka dekedda Berbera ayaa markii u horaysay shaqaalaha dekedda Berbera dalka dibadiisa ugu dirtay tababar.

Warsaxaafadeed ay shirkadu soo saartay ayaa wuxuu u qornaa sidan “Shirkadda DP World ee gacanta ku haysa maamulka dekadda Berbera ayaa markii u horeysay tababar aqoon iyo xirfad korodhsi ah dalka dibadiisa ugu dirtay qaar ka mid ah shaqaalaha dekadda Berbera.
Xubno ka mid ah shaqaalaha iyo masuuliyiinta DP World Berbera ee waaxaha hawlgalada, qorsheynta iyo maamulka, ayaa muddo bil ah tababar aqoontooda shaqo kor loogu qaadayo ku tagay Terminalka dekadda Caalamiga ah ee Laem Chabang ee dalka Thailand. Waxaana Xubnahaasi oo kale ah Axmed Maxamuud Maxamed, Maxamed C/raxmaan Cilmi iyo Maxamed Cismaan C/laahi oo uu weheliyo maamulaha qaybta hawgalda Allan Sanchez, halkaasi ku soo dhaweeyay maareeyaha guud ee Dekadda Caalamiga ah LCIT Mudane Alpesh A Sharma.
Tababarkan muddada bisha ah socon doona ayaa waxay ku baran doonaan masuuliyiintaasi iyo shaqaalaha DP World Berbera habka iyo hanaanka dhabta ah ee looga shaqeeyo dekaddaha caalamiga ah, gaar ahaan hawlaha terminalka kontaynarada. Waxaanay aqoontaasi ay soo bartaana ay uga faa’iideysan doonaan shaqada dekadda Berbera. Waxaanay tababaro ku qaadan doonaan qaybaha kale duwan ee maamulka, isgaadhsiinta, hawlagada iyo qorsheynta ee dekaddaasi caalamiga ah si ay ugu dabaqaan aqoontaasi xirfadeed ee ay soo barteen dakadda Berbera, taasi oo ay ku horumarin doonaan shaqada iyo hawlaha dekadda iyagoo uga faa’iideyn doona kuna tababari doona shaqaalaha kale ee DP World Berbera.
Bishii Sebtember, 2016 ayay DP World ku guuleysatay inay 30 sanno gacanta ku hayso maamulka dekadda Berbera, iyadoo horumar balaadhan ku samayn doonta dekadda iyo hawlaheeda. DP World waxa markasta u taagan tahay horumarinta iyo kor u qaadida aqoonta iyo xirfadda shaqaalaheeda.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here