Dowladda Imaaraadka Oo Shuruudo Adag Ku Xidhay Xoolaha Nool Ee Soomaalida Uga Taga Iyo Wadamo Kale

0
526

Picture8Abu Dhabi (Geeska)- Wasaaradda deegaana iyo biyaha ee dalka isu-tagga Carabta ayaa soo saartay sharci cusub oo hadda kadib lagu dabbaqayo xoolaha dalkeeda ka soo gala dalalka Koonfur Afrika, Itoobiya, Soomaaliya, Giriigga, Ustaraaliya, iyo Talyaaniga. War lagu baahiyey degelka The National oo laga leeyahay dalka Imaaraadka ayaa lagu sheegay in dalka Imaaraadku uu hadda kadib xoolaha ka imanaya dalalkan ka rabo in ay wataan caddaymo caafimaad oo lagu kalsoonaan karo. Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay The National waxa ay wasaaraddu ku sheegtay in xoolo kasta oo ka soo dhoofaya dalalkan kor ku xusan laga rabo shahaadooyin caafimaadkooda caddaynaya, taas oo shardi u noqon doonta in noocyada kala duwan ee xoolaha sida, lo’da, adhiga iyo qoobleyda kale  iyo sidoo kale noocyada shimbiraha ee dalalkan ka yimi ay galaan gudaha Imaaraadka Carabta.

Wasaaraddu waxa ay sheegtay in hadda kadib dalalkan looga baahan yahay in ay shixnad kasta oo xoolo ah ay soo raaciyaan shahaado  muujinaysa in laga soo raray deegaanno si rasmi ah uga bad-qaba xanuunnada ay ka mid yihiin cudurrada xoolaha kaga dhaca afka iyo lugaha, xumadda Rift Valley, cudurka lo’da waallida ku keena, hargabka shimbiraha iyo xanuunnada kale ee ku dhaca xayawaannada kala duwan.

Waxa ay wasaaraddu sheegtay in Shixnad kasta oo xoolaha dalalkan ka taga ah la marin doonaa shuruuc iyo xerar la xidhidhiidha karantiilka xoolaha iyo xeerarka aadamaha, ee dhaqan-galka ka ah dalka Imaaraadka Carabta.