Saylici Oo Suldaan Wabar Ku Calaamadiyay Khaa’inal Wadan

0
682

Picture7

Hargeysa(Geeska):-Madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyada Somaliland Md:Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylaci), ayaa si adag uga hadley xaaladii muddooyinkii danbe ka taagneyd gobalka Awdal, ee salka ku haysay mid ka mid ah madax-dhaqameedka gobalkaasi oo ku dhawaaqey hadalo lid ku ah qaranimada Somaliland, waxaana uu sheegay in Suldaankaasi uu yahay nin qaran dumis ah,isla mar ahaantaana jabiyey axdi qarameedkii ay reer Somaliland wada dhigteen, waxaana uu carabka ku dhuftay in aan dadka lagu qaldin hadalka Suldaan Waber in uu  salka ku hayey tabashadii madax-dhaqameedka ka soo jeeda gobalka Awdal. Balse uu yahay nin ka baxay xayn daabkii qaranka Somaliland.

Md:Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylaci), ayaa hadalkan ku sheegay shir-jaraa’id oo uu shaley ku qabtey magaalada Hargeysa, safar shaqo oo uu muddooyinkii danbe ugu maqnaa gobalka Awdal si ay arrintan u soo xaliyaan,waxaana uu ugu horeyn uu sheegay in laba arrin oo aan hore looga fileyn dadka reer Awdal ay ka soo baxday."Gobalku waa nabad imika, waxaana runtii gobalka dhawaan ku soo koradhay xaalad aan laga fileyn, Laba arrin oo runtii dhaqanka reer Awdal oo looga baran, runtiina ku cusbaa ayaa ka soo baxay. Waa midoo iyada oo Awdal ay ahayd nabadii meeli ugu adkaa wakhtiyadii dagaalkii sokeeye ee bur burkii Somaliya dhacay iyada oo maydku uu yaalo, gobalkii ay ahayd gobalkii Koowaad ee nabada qaatay ee ku dhiiraday in dadkii walaalaha ahaa ee isleynaayey ayey ahaayeen ku wii ku dhiiraday in ay nabada qaataan, isaga oo arrinkuu caynkaas ahaa ayaa arrinta Koowaad ee lama filaanka noqotay waxaa ay ahayd gobal dhismay oo nabadiisa ku dhismay iyo waxyaabaha badan ee horumarka leh ee lagaga daydo sida Jaamacada ku taala Somaliland, markaa waxaa lama filaan noqotay in Awdal maanta la yidhaahdo jabhad ayaa ka bilaabmeysa, waxaa ay runtii ay noqotay arrin aan laga filaneyn reer Awdal, waxaa kale oo mucjiso noqotay in dhaqankeena Somaliland aan looga baran in Suldaal uu ku dhawaaqo in uu qori uu qaato, sababta oo ah waxaa inta badan qori iyo colaad ku baaqa waa nin Siyaasi ah, mar walba mansab iyo wax caynkaas ah raadinaaya, laakiin aan looga baran Suldaan oo suldaanku waxaa uun uu ka taliyaa waa nabada iyo in uu illaashado dalka"Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Saylaci.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md:Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylaci),waxaa uu sida oo kale uu faah faahin ka bixiyey qaabkii ay ka wafti ahaan uga hawl galeen sidii arrinta khuseysa gobalka Awdal xal looga gaadhi lahaa, waxaana uu tibaaxay in kadib wafti hore oo ay halkaasi u direen ay hadana iyagu u daba mareen sidii arrintaasi xal loogu heli lahaa.waxaana uu tilmaamey in Suldaan Waber uu ka mid yahay dadka ka falaagoobey Somaliland. Isla mar ahaantaana qaranku u aqoonsan yahay nin khaa’in wadan ah.

"Runtii arrintaas markii aanu aragnay waxaanu u dirnay wafti hor dhac ah, si aan loo buun buunin si hoosena loo xaliyo uu ku talo galku ahaa , dee bina Aadam ayaanu nahoo mid kasta oo inaga mid ahi reer ayaa uu ka soo jeeda qabyaaladuna waa wax inagu suntan oo wax laga war wareegi karo maaha, waxaana aanu ku bilownay in jufada uu ninkaasi ka so jeedo oo Somalidu waxaa ay ku maah maahdaa nin waalan tolkii ayaa u miyir qaba oo ay arrinta horta jufadu ka hawl gasho oo ay qabato, tiina waa ay nagu yara fogaatey runtii oo markii ay arrintii jiitantay kadib ayaanu anaguna aanu tagney runtii tiibaanan ka xumuumadan ahaan aanu nidhi maanta umadda reer Somaliland wax arrinkaasi inaga qabta maaha, arrinta ninkaasina maaha mid ku fadhida tabashadii reer Awdal oo dadka yaan la qaldin. tabashadu qofka isaga oo Somaliland ah ayaa uu tawdaa laakiin ninkaasi waxaa uu ka baxay heshiiskii umada reer Somaliland ee ahaa Somaliland in la wada dhisto mustaqbalka cidii ka baxdaana ee axdi qarameedkii lagu heshiiyey 93-dii waxaa uu ahaa in cidii ka baxda ama reerkii ka baxa ay Somaliland  gacan isku mid ah ay saarto, markaa ninkaasi waxaa uu ka baxay xayndaabkii iyo heshiiskii umada reer Somaliland waxaanan ninkaas u aqoonsanay nin qaran dumis ah isaga iyo waxii la socdaana qaranka waxaa ay ugu astaysan yihiin maanta niman khaa'in wadan ah sida aanu ku soo saarnay war-mutiyeedkayaga, arrin ku salaysan tabashana maahee waa sidii dee awalba ay cidi uga maqantahay ee ay ku falaagoobi jirtey, Somaliland dee maanta waa dal qaan gaadhey maanta oo aan waxaa u jabeyn"Ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mr:Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylaci).