Washington (Geeska)- Haddii aad in badan maqli jirtay hal-ku-dhegyada ay Soomaalidu doqonniimada ugu soo hal-qabsato waxa aad dareemaysaa in ay qaarkood ku xidhiidhinayaan cudur iyo inay xanuuno qofka ku dhacay tahay. Tusaale ahaan, waxa aad maqashay doqonniimadu waa cudur ama iyada oo intaas loogala sii dhowaanayo oo af-suuqa caadiga ah lagu sheegayo in ay doqonniimadu tahay “Cudur la kala qaado” malaha Soomaalidii hadalladan tidhi waxa ay dareensanaayeen waxa uu soo baxay khubaro u dhashay dalka Maraykanak oo cilmi-baadhis ay dhowaan sameeyeen ku ogaaday in doqonniimada uu sababo Cudur-side (Fayras), la mid ah fayrasyada cudurrada kaleba sababa. Daraasaddan oo natiijadeeda lagu baahiyey degel internet ka ah oo uu leeyahay Akademiga Qaranka ee Sayniska ayaa lagu sheegay in fayraska doqonniimadu uu qofka ku sii siyaadiyo doqonniimada, mar kasta oo uu ku sii bato, iyo in ay jiraan Malaayiin dad ah oo sida Fayraskan qofka kaga tegaya raad muddo dheer jiraya, dhibta uu keenaana ay tahay in maskaxda uu ku abuuro firfircooni darro iyo saaqidnimo. Iyaga tilmaamay in cudur-sidahan doqonniimadu uu ku nool yahay dhuunta.
Cudur-sidahan oo lagu magacaabo Chlorovirus ATCV-1 muddo qarbiyo ahba saynisyahannadu waa ay aqoonsanaayeen waxaana lagu ogaa in uu ku nool yahay xayaabada cagaaran ee ku dhalata biyaha macaan, laakiin imika ayaa markii ugu horreysay la ogaaday in uu aadamaha u soo gudbo oo uu weliba maskaxda ku yeesho raad taban oo hoos u dhiga fariidnimada is beddel muuqdana ku sameeya firfircoonideeda iyo garashadeeda. Khubarada samaysay daraasaddan uu Geeska Afrika natiijadeeda soo turjumay ayaa sheegaya in fayraskani uu dhex galo dhiigga iyo unugyada kadibna uu wax ka beddelo firfircoonida iyo garashada maskaxda. Si gaar ahna waxa uu wax uga beddelaa shaqada hidde-sideyaasha ay ka mid yihiin kuwa soo saara maadadda Dopamine oo saamayn ku leh xusuusta maskaxda, caadifadda iyo shucuurta, feejignaanta, xarakaadka jidka, hab-dhaqanka iwm.
Professor Robert Yolken oo ka hadlaya daraasaddan cusub ayaa sbeegay in natiijadani ay khubarada ku hoggaamin karto in ay isku dayaan wanaajinta iyo daweynta awoodda maskaxdeed iyo garasho ee aadamaha, gaar ahaan qofka doqonka lagu tilmaamo. Bare-sare Robert Yolken oo sheegay in loo baahan yahay in iyada oo natiijadan laga duulayo la raadiyo xalkii doqonniimada lagu dabiibi lahaa ayaa hadalladiisa waxaa ka mid ahaa, “Waxa aynu hadda u baahannay in aynu samayno baadhitaanno iyo daraasado dheeraad ah, si aynu u garanno sida ugu habboon ee aynu wax uga beddeli karno fayraska doqonniimada, si aynu u wanaajinno heerka garasho ee maskaxda qofka” Yolken waxa uu ku taliyey in loo baahan yahay in la sameeyo baadhitaanno dheeraad ah oo lagu ogaanayo fayrusyada kale ee badan ee ay khubarada cilmigu og yihiin jiritaankooda balse aan illaa hadda la ogeyn raadka ay qofka ku yeelan karaan, maadaama oo ay suurtogal tahay in sida imikaba dhacday la helo fayrusyo kale oo iyaguna raadad kale oo qarsoon ku leh caafimaadka iyo hab-dhaqanka qofka.