Doorashada Somaliya Oo Maanta Dhacaysa, Madaafiic Xalay Lagu Garaacay Goobta Doorashada Agteeda, Faroole Oo Fakaday Iyo Afarta Nin Ee Tartanka Adagi Dhex Marayo

0
573

Muqdisho(Geeska/W.Wararka)-Doorashada madaxweynaha Somaliya oo maanta ku beegan, ayaa waxa ku loolamaya 22 murashax, kuwaas oo loolankooda laga dareemay magaalada Muqdisho.

1

Xalay cawayskii dambe waxa Muqdisho ka dhacay weeraro iyo qaraxyo kala duwan oo laga maqlay magaalada Muqdisho. Laba madfac oo la aaminsanyahay inay Al-Shabaab soo riday ayaa ku dhacay duleedka garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho oo ah halka ay doorashadu ka dhacayso saaka. Madfac saddexaad ayaa isna ku dhacay degmada Xamar-weyne oo u dhow garoonka.

Sidoo kale qaraxyo kale ayaa iyaguna ka dhacay goobta loo yaqaano jidka KM4 oo ah waddo halbawle ah, waxaana la isweydaarsaday rasaas xoog badan. Ma jiro wax khasaare ah oo qaraxyadaas ka dhashay.

Baarlamaanka Somaliya oo ay tiradoodu tahay  329  ayaa cod qarsoodi ah maanta ugu codaynaya madaxweynaha cusub ee Somaliya. Hanaanka Soomaaliya ayaa waxa lagu tilmaamay inuu yahay mid u burbursan sidii kaabayaasha dalkaas oo kale. Ma jiro diiwaanka cod bixiyeyaasha, mana jiro sidoo kale hanaanka kaadhadhka cod bixinta ee  muwaadinimo, waana sababta ay u codaynayaan dad kooban oo baarlamaan ahi.

Boqolaal ciidammada ammaanka aya ku sugan waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho oo la xidhay. Waxaa sidoo kale la hakiyay duulimaadyada diyaaradaha ee Muqdisho tagi lahaa ama ka duuli lahaa.

Cabdiraxmaan Faroole oo ahaa madaxweynihii hore ee Puntland ayaa shalay ku dhawaaqay inuu ka hadhay tartanka doorashada, waxaanu sheegay in majarihii uu ka habaabay  xildhibaanadii labada aqal, gaar ahaa kuwii cusbaa oo garan waayay murashixii ay codkooda siin lahaayeen taasina ay keentay inuu isagu bilaabo oo ka baxo tartanka si uu fursad u siiyo xildhibaanadda Codaynaya.

Mid ka mid ah walaacyada ugu weyn ee hadheeyay doorashadan ayaa ah Musuqmaasuqa. Wax is daba marin xoog leh ayaa la sheegayaa in ay ka dhacaday doorashadii baarlamaanka markaasoo xildhibaannada qaarkood la sheegay inay codadka iibsadeen. Khubaro ayaa ka digaya in musuqmaasuqu uu wiiqi karo kalsoonidii laga qabay doorashadan.

Hase yeeshee murashixiinta ayaa u muuqda inaanay dheg u dhigayn dhawaaqyadan, waxaanay lacag xad dhaaf ah ku iibsanayaan codadka xildhibaanada codaynaya.

Ragga tartanka sida aadka ahi u dhex marayo waxa ka mid ah Xasan Sheekh Maxamuud, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Cumar Cabdirashiid, waxaanu mid waliba guclo iyo orod ugu jiraa sidii uu u noqon lahaa madaxweynaha Somaliya.

Waxa jirta cabsi ammaan oo laga cabsi qabo inay kooxda Al-Shabaab weeraro is qarxin iyo ismiidaamin ah ka fuliyaan Muqdisho Arbacadan maanta, waana sababta keentay in la bedelo goobtii loogu tallo galay inay doorashadu ka dhacdo oo ahayd xaruntii Booliska, waxaana hadda loo bedelay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho oo ah goob ay ammaankeeda gacanta ku hayaan ciidamada AMISOM iyo kuwa kale oo ajaanib ahi.

Si kastaba ha ahaate, dadka ayaa u dheg taagaya ninka noqon doona madaxweynaha Somaliya ee heli doona codadka ugu badan ee xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya.