Mujaahid Cali-Gurey Oo Madaxweynaha Ugu Baaqay Inuu Saleban Dalka Ka Badbaadbiyo

0
442

Picture6

Hargeysa (Geeska)-Gudoomiye ku  xigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID Mujaahid Cali Maxmaed Yuusuf (Cali Guray),ayaa dhaliil culus oo ku saabsan muddo kordhinta Xukuumadda u soo jeediyey Golaha Guurtida, waxaanu   si gaar ah u beegsaday guddoomiyahooda Saleban Maxamuud Aadan.

Gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID Mujaahid Cali Maxmaed Yuusuf (Cali Guray),oo shalay Shir jaraa’iid ku qabtay Xafiiska guud ee Xisbiga UCID ayaa sidoo kale wax lala yaabo ku tilmaamay Xildhibaan Indho indho oo loo magacaabay Afhayeenka Golaha Guurtida, waxaanu yidhi “Dawladnimadii Somaliland way fashilantay bay ku socotaa. farriinta aynu caalamka u dirayno ee aynu cid walba u dirayno waxa weeye dawlad noqda baanu is nidhi laakiin, waanu ku fashilanay oo waanu noqon karri waynay, markaynu runta isku sheegno waa sidaas.

Cali Guray ayaa mar uu ka hadlaayey heshiiska muddo kordhinta ee Saddexda Xisbi ayaa yidhi  “Heshiiska anaga dedaal badan baa nagaga baxay, aflagaado badan baa nagu gaadhay, anaga Ucid ahaan baa xataa ku siganay inaanu ku burburno, anagoo mucaarad ahayn baa haddana ugu yaraan laba goor Ergo Ucid ahi Madaxweynaha ugu tagtay in dalka laga badbaadiyo khilaaf keena burbur”  Cali Guray ayaa mar uu ka hadlayey qaabka uu u dhacay heshiisku ayaa yidhi :”Waxaad moodaysay in Madaxweynuhu aqbalay in khilaafka lagu soo afjaro wada hadal, wada hadalkana waxaa gudoominayay oo saddexda xisbi dhexdhexaadinayay Madaxweyne xigeenkiisa,Mucaarad ahaan waxaanu ka tagnay wax faro badan, waxaanu ka tagnay in doorashadu bishan qabsoonto oo sharci ahayd, waxaanu ka tagnay inay sanadkak dhammaadkiisa qabsoonto, waxaanu ka tagnay tii Komishanku asteeyay ee ahayd 1-da June 2015-ka, December 2016 ayaanu isla tagnay. Heshiiska waxaa nala galay Madaxweynaha oo ku xigeenkiisa ayaa gudoominayay xisbigiisuna wuu nagula jiraye haddii ay ka baxaan halkaas baanu ku kala leexanaynaa, wixii halkaas ka dambeeyana taladeeda Ucid oo qudhi ma leh ee qaranka ayaa wada leh anaguna qayb uun baanu ka noqonaynaa ee ma balan qaadi karo, waxaanuna ognahay in shacabka Somaliland yahay shacab dulli ah oo indhahooda hortooda lagu burburin karo wixii ay u soo dhinteen, wixii dalkooda loo soo burburiyay oo inan yar oo iska fiiq-fiiqle ah oo doonayo danihiisu uu ku hor burburinkaro. Mujaahid Cali Guray ayaa mar uu ka hadlaayey Guddoomiyaha Golaha Guurtida ayaa yidhi  “Waa Kibir iyo faaq waxa Saleebaan Gaal wadaa. Go’aankii aanu halkaas ku gaadhnay waxay ahayd in Madaxweynuhu ka shaqeeyo oo Xal siyaasi ah ku dayo ilayn sharci dhimay oo dastuur dhimaye waxay ahayd in xalkii siyaasiga ahaa ee aanu ku heshiinay in sidii uu u dhaqan galin lahaa Madaxweynuhu ka shaqeeyo, mixnada taagan waa tii Daahir Rayaale Somaliland ka badbaadiyay ee waxaanu Siilaanyo uga fadhinaa inuu maanta Saleebaan Gaal Ka badbaadiyo Somaliland. 26-ka June inta ka horaysaana waa fursad, haddii 26 June ay gaadho iyadoon xal la gaadhin oo ay noqoto in Madaxweynuhu heshiiskii ka baxay taladu Ucid kaliya uma taalo ee qaranka oo dhan baa tashan”

Cali Guray oo hadalkiisi sii wada ayaa yidhi “Anigu Saleebaan ilaa sagaashankii ayaan aqaanay, dadku waa sama talis iyo xuma talis, markhaati waxa aan ka ahay oo Maalinta qiyaamaha la ii soo taaga intaas dhacdo xun ee ka soo dhacday dalka inuu mid walba xuma talis uu ahaa, Maantana uu xuma talis uu yahay, Indho indho ayuu ka dhigtay.” Dhanka kale Muujaahid Cali Guray ayaa waxa aad loola yaabo ku tilmaamay in qaar laba xildhibaan oo ka mdi ah Golaha Guurtida la yidhaahdo anshax marin ayaa la marinayaa, waxaanu sheegay in labadaas Xldhibaan ahaayeen laba Xildhibaan oo iyagu waajibkoodii qaran gutay, isla markaana ka soo hor jeestay muddo kordhinta loo sameeyey Xukuumaddan.

Dhinaca kale Xisbiga UCID ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar laga baahiyey Xisbiga, oo sheegay in Xisbiga dhexdisa loolan ka socoda, oo musharaxnimada la isku haysto, waxaanu yidhi “Waxaanu shirkan Jaraa’id u qabanay arrin  Shacbiga Somaliland iyo taageerayaasha Ucid ba aad uga yaabisay, arrintaas oo ah War ku soo baxay wargeyska Foore caddadkiisa maanta oo bishu 8 tahay,warakaas oo ay ciwaan uga dhigeen ‘Xisbiga Ucid oo laga dhex wado dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo hor leh oo lagu soo dhawaynayo rag Miisaan ku leh Kulmiye, iskana dhex sharaxaya Ucid’. Haddaba waxaanu shacabka Somaliland iyo taageerayaasha Ucid ba u caddaynaynaa in warkaasi yahay war been abuur ah, meel laga keenay iyo meel laga soo xigtayna aanu lahayn, waxaanu leenahay waa jaah wareer siyaasadeed oo la galinayo Xisbiga Ucid, waxaanu leenahay waa war looga dan leeyahay in Masuuliyiinta Xisbiga la isku dhufto, laguna jaah wareeriyo taageerayaasha Ucid”