Dood Dhex Martay Laba Xildhibaan Oo Ku Kala Aragti Duwan Qaddiyada Saami-Qaybsiga

0
660

Hargeysa (Geeska) – Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale iyo Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo labadooduba ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada ayaa dood ka yeeshay khilaafka ka taagan Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada.

Labada Xildhibaan oo BBC-duu qabatay Dood adag ayaa si aad ah ugu kala aragti duwan Cidda leh Masuuliyadd ah in xal laga gaadho Saami-qaybsiga.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale ayaa sheegay in Baarlamaanku uu ku fashilmay inuu arrintan wax ka qabto, waxaanu yidhi “Xeerkii Doorashadu waa diyaar oo Golaha ayuu dhex yaallaa, waxa ka dhiman Qodobka Saami-qaybsiga oo muran ka taagnaa, waxaase hadda ku soo biiray Kootada Haweenka iyo Beelaha Gabooye..”

Xildhibaan Tukaale wuxuu sheegay inaan Arrinta Saami-qaybsiga waxba ka qaban Karin Golaha Wakiilladu “Qodobbadaasi waxay u baahan yihiin in lagaga doodo Dood uu Madaxweynuhu hoggaaminayo, markaa hadba hoggaamiyaha meesha joogaa ku dhacaa ayuun baa looga baahan yahay.

Qodobkaa (Saami-qaybsiga) malaha Baarlamaanku, waayo? Gobollada ayay ka soo jeedaan, Aniga iyo Maxamed Cali Xirsi kuma heshiin karayno kursiga Burco qaadanayso iyo kursiga Boorama qaadanayso, markaa waxay u baahan tahay kulan uu Madaxweynuhu hagayo, kaasi oo aqoonyahannada iyo indheer-garadku ka qayb-galaan, iyadoo la isku tixgelinayo oo is ficishiga laga saarayo.”ayuu yidhi.

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi wuxuu sheegay oo uu ka warramay Nidaamka Dimuqraadiga ah ee Somaliland ku dhaqanto “Dalkani wuxuu doortay Dimuqraadiyad iyo Doorasho Cod iyo Qof ah, waxaan u Mahad-naqayaa Daahir Rayaale Kaahin oo ahaa Madaxweynihii bilaabay Dimuqraadiyadda Maanta Somaliland gacanta ku hayso. Haddii Dimuqraadiyadi timaaddo waxa lagu xisaabtamayaa Gobollo iyo Tirada Shacabka. Laakiin markii Gobol kastaa cawday ee uu tiro sheegtay ayuu Madaxweynihii xilligaasi fadhiyey uu go’aansaday in doorashada lagu galo habka aanu Maanta ku fadhino Baarlamaanka. Waxaanu fadhinay 2005 illaa 2015-kii, Saami-qaybsiga la sheegayaa waa Xeer, Xeerka yaa ka masuul ah ? Ma Madaxweynaha ayaa ka masuul ah, ma Beelahaa ka masuul ah, Runta markaynu isku sheegno Xeerka waxa ka masuul ah Aniga iyo Tukaale (Baarlamaanka), waxaanu Baarlamaanka u fadhinaa inaanu dalka u soo saarno Xeerar lagu hago, halka Arrinkaasi ka dhaqaaqi la’yahay waa Baarlamaanka.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Eeddaa koowaad waxa leh Annaga oo Baarlamaanka ah, Xeerkan la isku haystaa waa Shaqadayadii, Xisbiyadu way ku heshiiyeen, laakiin waxaan qabaa in aanay xaqba u lahayn, laakiin waxa meesha ka baxay Awooddii uu Golehayagu wuu wax ku xallili lahaa.”

Xildhibaan Obama wuxuu sheegay in Xeerkan uu Madaxweyne Biixi u soo gudbiyey Golaha, laakiin uu xilligaa u sheegay in doorashada Baarlamaanka lagu galo sidii 2005-tii “Madaxweynuhu wuxuu horraantii 2019-kii uu Golaha keenay Xeerka, isagoo leh waxaanu Anigoo Dawladda Madaxweyne ka ah jecelahay in mar labaad doorashada sideedii lagu galo, sidaasi darteed illaa hadda Golahayagu kama doodin.”