Donald Trump Oo Si Aan Laga Filayn, Haweenay Masar U Dhalatay Ka Dhigtay La Taliyaha Dhaqaalaha

0
739

1Washington (Geeska)- Madaxweynaha la doortay ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa gabadh asal ahaan ka soo jeedda dalka Masar oo lagu magacaabo Dina Xabiib waxa uu u doortay in ay noqoto la taliyihiisa hindisiyaasha dhaqaalaha.

Diina Xabiib waa Masaariyad ku dhalatay dalka Masar oo qoyskeeda oo ay ku jirtaa ay sannadkii 1973kii kadib dhammaadka dagaalkii Oktoobar ee Carabta iyo Yuhuudda sannadkii 1973kii. Diina Xabiib waxa ay ku barbaartay waxna ku baratay dalka Maraykanka, madaxweynihii hore Maraykanka George Bush waxa ay kala shaqaysay dhinaca samofalka, oo ay madax ka noqotay haayadda samofalka ee Goldman Sachs, muddo kadib waxaay la shaqaysay wasiirkii arrimaha dibadda Maraykanka ee xilligaas Condoleezza Rice oo ay u noqotay Kaaliyaha wasiirka arrimaha dibadda ee dhinaca waxbarashada iyo dhaqanka. Kadib waxa ay u sii dallacday ku xigeenka Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka ee dhinaca diblumaasiyadda dadweynaha, waxa aanay ku guulaysatay daryeelka iyo dhiirrigelinta dumar aanay tiradoodu ka yarayn 10 kun si ay u fuliyaan mashaariic guulo badan laga gaadhay, mashaariicdaa lagu dhisayey awoodda shaqo iyo dhaqaale ee dumarka, Mashaariicdaas ay hoggaaminaysay ee guulaystay waxaa kamid ahaa mashruucii caanka noqday ee marwo lagu magacaabo Audigy Maajabu oo ka soo jeedda magaalada Logos ee dalka Nayjeeriya. Marwo Audigy Maajabu sannadkii 2007dii ayaa ay Kijo ganacsi ah ku furatay raasamaal 8 Doolar oo keliya ah, kijadaas oo cuntada ay ku kariso looga soo dalban jiray xafladaha, casuumadaha iyo munaasabadaha kala duwan muddo gaaban kadib waa uu kobcay oo uu noqday mid ka mid ah hudheellada ugu fiican magaalada Logos. Mashruucaas waxaa hal-abuurkiisa lahayd Diina oo gabadhan caawisay, sidoo kale waxaa la xasuusan yahay mashruucyo kale oo ay dumar daafaha dunida ku nool ku gacan qabatay, kadib markiiaylacag dhan 600 oo Milyan oo doolar ka qaadatay baanka adduunnka si ay dumarka ganacsiga u diyaarka ah ugu caawiso raasamaal, talooyinka ay u baahan yihiinna u siiso.

Madaxweynaha la doortay oo xilka la wareegi doona Jimcaha fodda innagu soo haya, ayaa in uu doorto ruux ka soo jeedda dal Carbeed oo weliba aan ku dhalan Maraykan waxa ay dad badan ku abuurtay in ay dib ugu noqdaan fahamkii ay ka haysteen ee ka dhashay hadalladii haddidaada iyo isir nacaybku ka buuxeen ee uu ku celcelin jiray, kuwaas oo laga fahmayey in uu iska fogeyn doono dadka aan Maraykanka  caddaanka dhaladka ah aan ahayn.