Diyaarado Dagaal Oo Duqeeyay Deegaano Ka Tirsan Oodweyne Iyo Madaxda Ammaanka Oo Ka Waramay

0
561

Hargeysa (Hargeysa)-Taliyaha Booliska  gobalka Daad-madheedh  Maxamed Cali Cabdi ayaa ka hadlay Diyaarado duqeeyey isla markaana rasaas ku riday Deegaanka Bali reer Cilmi oo hoos yimaada Oodweyne, waxaanu sheegay in ilaa hadda cid ku dhimatay ama wax ku noqotay aanay jirin, balse ay xaqiiqo tahay oo rasaastii hubka ay gacanta ku hayaan.

1

Taliyaha Booliska Oodweyne Maxamed Cali Cabdi iyo Taliye ku xigeenka Oodweyne Cabdilaahi Diiriye Cilmi Caduur oo Wargeyska Geeska Afrika khadka telefoonka ugu waramay iyagoo ku sugan  Deegaanka ay Diyaaraduhu rasaaseeyeen ayaa waxay sheegeen in ilaa hadda baadhitaano wadaan, oo aanay hayn war rasimya oo ku saabsan Dayuuradahan iyo halka ay ka yimadeen, , waxaana Taliyaha oo aanu ugu horeyn weydiinay waxa Diyaaradahan ayaa yidhi“Hadda lafteeda ayaanu meesha maraynaa oo baadhitaankii ayaa socda, Diyaaraduhuna waa dhab, balse cidna waxba may yeelin, oo meel bay rasaas ku rideen, meesha ay rasaasta ku rideena waxaanu ka soo gurnay Khasharo yar yar,oo aan ahayn qoryaha waaweyn, Deegaanka ay Diyaaraduhu rasaasta ku rideena waa Deegaanka Bali Reer Cilmi oo Oodweyne ka tirsan ayey Barri kaga beegan tahay.”

Mar aanu Taliyaha weydiinay inay aqoonsadeen Diyaaradahan iyo halka ay ka yimadeen ayaa yidhi “Diyaaradahani mar kasta wey maraan, oo si toos ah ayey u soo maraan, oo waligoodba wey marayeen, waana waddadooda, oo waxay ka soo kacaan Jabuuti oo waxay qabtaan dhinacaas iyo Koonfur, oo joog hoos ayey ku socdaan, oo  dhirta dushooda ayey maraan  markay Koonfur ku socdaan, marna kale meel sare ayey maraan, oo tobaneeye cisho ayey maqnaadan, oo guud ahaan waa la aqoonsan yahay Diyaarahan halka laga leeyahay, laakiin anagu hadda xaqiiqada ma sheegi karno, oo walina baadhitaanada ayaanu wadnaa”:

Taliyaha ku xigeenka Booliska ee Oodweyne Cabdilaahi Diiriye Cilmi Caduur ayaa isna dhankiisa noo xaqiijiyey in Diyaarado ay duqeeyeen isla markaana rasaas ku rideen Deegaanka Baliga Reer Cilmi, isla markaana ay wadaan baadhitaano ku saabsan Diyaaradahan iyo sababta keentay inay rasaasta  ridaan.