Washington (Geeska) Waxa ay dadka Maraykan aaminsan yihiin in ku safridda diyaaradda madaxweynaha Maraykan ay ka mid tahay riyooyinka uu hiigsanayo nin kasta oo xil madaxweyne isaga soo sharraxaya dalka Maraykanka. Haddaba haddii ay taasi sax noqoto, waxaa muuqata in ragga sidaa ku hammiyaya laga reebi doono maal-qabeenka dhowaan loo doortay madaxweynaha Maraykan ee Donald Trump. Sababtuna waa in diyaaraddiisa gaarka uu u leeyahay ay qiimo ahaan iyo qurux ahaanba ka sarrayso diyaaradda madaxweynaha Mararykanka.
Diyaaradda Madaxweynaha Maraykanka waxaa lagu magacaabaa Air Force One oo looga jeedo in ay tahay diyaaradda sida lambarka koowaad ee tirada lagu asteeyo diyaaradaha ciidamada cirka Maraykanka, maadaama oo uu madaxweynuhu yahay taliyaha guud ee ciidamada qalabka sidana, diyaaraddiisu waxa ay ka mid tahay diyaaradaha ciidamada cirka.
Khamiistii toddobaadkii dhowaa oo uu Trump tegey Aqalka Cad ee Maraykanka si uu ula kulmo madaxweynaha waqtiga xilkiisu sii dhammaanayo ee Barak Obama waxa uu Trump sii raacay diyaaraddiisa gaarka ah ee nooceedu yahay Boeing 757, taas oo la sheegay in ay tahay tallaabadii koowaad ee uu Trump kaga baydhay dhaqanka looga bartay madaxweynayaasha la soo doortay ee Maraykanka oo ahaa in madaxweynaha la doortay kulanka koowaad ee uu Aqalka Cad kula yeelanayo madaxweynaha uu beddelayo, uu u sii raaco diyaaradda madaxweynaha Maraykan ee Air Force One.
Arrintan ayaa markiiba dadka Maraykanka ka dhex abuurtay su’aalo iyo doodo la xidhiidha suurtogalnimada in madaxweyaha 45-naad ee Maraykanku uu xilligiisa madaxweynenimo ku sii dhex jiri doono nolosha barwaaqada iyo dhaldhalaalka badan ee uu abid ku soo dhex jiray, tusaale ahaan in uu iska sii deggenaan doono sartiisa quruxda bada ee Trump Tower oo ka kooban 58 dabaq, kua taalla magaalada New York.
Sidoo kale waxaa si xiise badan la isu barbar dhigay, diyaaraddiisa gaarka ah oo la sheegay in ay si aad ah uga sarrayso qiime ahaan iyo qurux ahaanba diyaaradda madaxweynaha Maraykanka loogu talogalay ee Air Force One. Trump diyaaraddan waxa uu iibsaday sannadkii 2011ka, kadibna waxa uu geliyey lacag aad u badan oo dib loogu qurxinayo, loona samaynayo wax kasta oo qofku raaxo u dareemi karo xilliga nashada iyo xilliga shaqada labadaba.
Sida agu sheegay filim talefishanka Maraykanka ee Discovery uu ka sameeyey diyaaradda Trump, waa diyaaradda gaar loo leeyahay ee dunida ugu qiimaha badan dhinaca raaxada iyo ballaadhka. Trump oo diyaaraddiisan aad ugu faana, jacaylka uu u qabaana hadalladiisa ka muuqdo ayaa diyaaraddan ku magacaaba, Diyaaradda T. sidoo kale mar uu saxaafadda ugu warramay dusheeda isaga oo safar ku jira xilligii ol’olaha doorashada uu ku jiray, waxa uu ku magacaabay, ‘Trump Force One’ oo sida muuqata uu ku canjilayo diyaaradda madaxweynaha ee Air Force One. La soco…