Diyaaradaha Aan La Wadin Ee USA Oo Halis Ku Haya Hawada Somaliya

0
739

Picture4Washington (Geeska/Washington Post)- Saraakiil Qaramada Midoobay ka tirsan ayaa cadeeyey in hawada Soomaaliya ayey buuxdhaafiyeen diyaaradaha aan la wadin oo halis ku haya duulimaadyada isla markaana si weyn u wiiqay cuna-qabatayntii hubka ee saarnaa dalkaa.

Warbixin dhowaan loo gudbiyey ayey saraakiishu cadeeyeen inay marar badan laga badbaaday halis diyaaradahaasi ku soo dhaceen xeryaha qaxootiga, isla markaana is duqeyn gaadheen diyaarado rakaab madaarka Muqdisho.

Inkastoo baadhayaashu si toos ah ugu dhaleecayn  halistaa Maraykanka, ayaa ciidamada Maraykanku sameeyeen duulimaadyo badan hawada Soomaaliya ay kaga hortagayaan hawlgalka la dagaalanka argagaxisada.

Inkastoo duulimaadyada diyaaradaha aan la wadin qarsoodi ahaayeen, maamulka Obama ayaa bishii hore markii ugu horeysay cadeeyey inay ku hawlan yihiin hawlgalo loola jeedo argagaxisada Al Qaacida iyo saaxiibadooda Soomaaliya.

Aqalka Pentagon ayaa u geeyey dhowr nooc oo diyaaradaha gacanta laga tuuro e eloo yaqaan  Ravens, ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya, laakiin, noocyada kale sida  Predator iyo Reaper  ee ciidamada Maraykanka aya aduulimaadyo sare ku duula, sida  Matthew Bryden, isku-xidhaha guddida ilaalinta hubka Soomaaliya sheegay.

Afhayeen u hadlay ciidamada maraykanka iyo wasaarada Arrimaha Dibedda ayaa diiday inuu jawaab ka bixiyo duulimaadyada Drone ee Soomaaliya. Ciidmaada Maraykanka aya ala sheegay inay qorshaynayaan sidii ay in badan oo diyaaradaha abasaasida ugu diri lahaayeen Soomaaliya, siday u sheegeen aqalka Odayaasha Maraykanka bishii hore, iyagoo sided nooca gacanta laga tuuro ku qalaban doona ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in halistii diyaaradaha amarkii ugu horeysay dhacday Nov.13keedii, markii noocyada yaryar halis gelisay goob shidaal oo Qaramada Midoobay iyo UNISOM Muqdisho ku leeyahiin, iyadoo la sheegay inaan la garan cida waday diyaaradaa.

Sarkaal u hadlay ciidamada AMISOM ayaa diiday ka jawaabista su’aal laga weydiiyey diyaaaradahaa.