Dilla: Carruur Mataano Ahaa Oo Ku Geeriyooday Dab Ka Kacay Gurigooda

0
503

Dila (Geeska) – Laba Carruur ah oo Mataano ahaa, ayaa ku Geeriyooday dab qabsaday Gurigooda oo ku yaalla Degmada Dila Shalay.

Labada Carruur ah oo kala ahaa Wiil iyo gabadh jiray 9 bilood, ayaa Gurigooda dab qabsaday xilli Waalidkooda ka maqnaa, Guriguna uu dusha kaga xidhnaa, sida ay sheegeen Ciidammada Dab-damiska oo baahiyey War ku saabsan masiibadan.

Warka ay Ciidammada Dab-damisku ku faahfaahiyeen Dabkan labada Carruur ahi ku dhintaan ayaa u qornaa sidan “Laba Caruura oo mataano ah ayaa maanta ku dhintay dab qabsaday hoygii ay ku noolaayeen oo ku yaalla degmada Dila ee gobolka Awdal gaar ahaan xaafadda Laanta Hawada. Ciidanka Dab-demiska Awdal oo gurmad u fidiyay ayaa damiyay dabka oo guriga wada haystay, sidoo kalena carruurta guriga dusha lagaga xidhay. Ciidamada ayaa si degdega goobtaa u gaadhay, waxaana ay damiyeen dabkii, Isla-markaana ka soo saareen meydka Carruurtii. Carruurta ayaa ahaa mataano da’adoodu ahayd 9 bilood , waxaana magacyadoodu kala ahaayeen Muuna Cabdiraxmaan Jaamac iyo Mahdiya Cabdiraxmaan Jaamac. Intaa kadib ciidamada ayaa baadhista iyo Meydkii ku wareejiyay maamulka degmada.

Ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan tacsi uga dirayaa qoyskii ay ka baxeen labadaa carruuri, waxaanu ilaahay uga baryaynaa in beddel kheyr leh siiyo. Dhanka kale ciidamadu waxay marwalba bulshada uga digayaan dhacdooyinka noocan oo kale ah, kuwaasoo waayadan dambe soo noq noqatay.”

Geeska.net/Hargeisa Office