Xoghayihii Qorshaynta Ee Xisbiga WADDANI Oo Iscasilay & Sababta Uu Tallaabadan U Qaaday Oo Uu Sharraxay

0
472

Wuxuu Hoggaanka Xisbiga ku eedeeyay Inay kala qaybinayaan Bulshada Gobolka Togdheer

Hargeysa (Geeska) – Xoghayihii Qorsheynta ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Bashiir Cabdi Xariir,ayaa iska casilay xilku Xisbigan uu ka yahay, waxaanu is-casilaaddiisa sabab uga dhigay safarka ay Madaxda Xisbigani ay ku tageen Gobolka Togdheer iyo kala qaybin uu xusay inay Bulshada ku kala qaybinayaan, qoys qoys iyo reer reerna ay u kala qaadayaan.

Xoghayihii Qorsheynta Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Siyaasi Bashiir Cabdi Xariir, oo arintan ka hadlay Shalay wuxuu ugu horeyn yidhi “Waxaan sheegaya in muddooyinkii ugu dambeeyey aan Xisbi siyaasadeed ka tirsanaa, shaqada aan Xisbiga Waddani ka hayey waxay ahayd Xoghayihii Qorsheynta oo aan muddooyinkaas dambe ku shaqaynin, sababo badan oo jira darteed, su’aalo badan oo damiirkaygu i waydiinayeyn ama dareenkaygu qabay, sida aan wax u arkayeey markay ii muuqan weyday ayaan goostay inaan Xisbiga shaqadiisa ka fadhiisto”.

Mar uu ka hadlayey sababaha ku kaliftay is-casiladdiisa wuxuu yidhi “Sababaha igu kalifayna waxaa ka mid ah safarkaas uu Xisbiga aan ka tirsanaan jiray ku tagay Gobolka Togdheer oo aan aad iyo aad u saluugay, mustawihii aan ka shaqeynaynay todobaada sanno in aanu noqon Xisbiga keeni karaya is beddelka dalka, oo god ku dhacay mar labaad, dadkiina dib ugu celiyey mar labaad qoys qoys, qayb qaybin, boqol meel lagula qadeeyo, labaatan meel loogu yeedho, maalinba laba reer la yidhaahdo labadeena ayaa is raacayna, oo xukunka qabanayna iyo ashkhaas”

 

Geeska.net/Hargeisa Office