War-bixin Sheegtay In Sannadka Dhammaanaya Ee 2021 Uu Ahaa Sannadkii Dadkii Ugu Badnaa Lagu Xidhay Somaliland & Walaaca Daneeyayaasha Xuquuqda Aadamaha

0
271

Tirada Dadka Somaliland lagu xidhay sannadkan sii dhamaanaya iyo Talooyinka loo soo jeediyey Xukuumadda Talada Haysa

Hargeysa (Geeska) – War-bixin Sannadle ah oo ay soo saartay Xarun Xuquuqal iinsaan oo fadhigeedu yahay Magaalada Hargeysa, ayaa lagu sheegay in sannadkan dhamaanaya ee 2021 uu ahaa sannadkii Dadkii ugu badnaa lagu xidhay Somaliland.

War-bixinta Xarunta HRC oo Shalay soo baxday, ayaa lagu sheegay in sannadkan oo keliya Somaliland lagu xidhay 114 Qof, kuwaasi oo isugu jira Sucxufiyiin, Suugaanyahanno iyo Dad kale oo Shacab ah.

War-bixinta oo sidoo kale lagu xusay inay jiraan Tacadiyo Haweenka qaar loo geystay, ayaa iyadoo dhamaystiran u qornayd sidan “Maanta oo ay bishu tahay 29, December, 2021 (Shalay) xarunta xuquuqal insaanka madaxa bannaan ee Somaliland waxay soo saartay war bixinteedii xuquuqal insaan ee sanadka 2021.

Warbixinta xarunta xuquuqal insaanka madaxabanaan ee 2021, wuxuu nuxurkeedu yahay oo ay la xidhiidha tacadiyo xuquuqal insaan oo dalka gudihiisa ka dhacay sanadkan.

Sanad walba xaruntu waxa ay soo bandhigta tacadiyo iyo gefaf xuquuqal insaan oo la xidhiidha arrimo ka dhan ah xuquuqda aadamaha oo ay diiwaan galiso inta u dhaxaysa bilaha January – December.

Waxa jira xaalado soo noqnoqda oo ah tacadiyo Xuquuqal Insaan, kuwaasoo si joogto ah u dhaca laga soo bilaabo 2013, xaruntu waxay si toos ah ula socatay heer ka ay joogto dhowrista xuquuqada aadamaha ee Somaliland.

Xaruntu waxay si weyn uga walaac santahay in sanadkan 2021, uu noqday sanadkii ugu xadhigga badnaa marka la barbar dhigo sanadihi hore xadhigyadii ay xaruntu diiwaan galisay.

Cabudhinta aragtiyaha, xadhigga warbaahinta madaxa bannaan iyo xadhigyo tiro badan oo sharci-darro ah ayaa waxay caadi iyo caado ka noqdeen Somaliland gudaheeda.

Xaruntu sanadkan waxa ay diiwaan galisay 114  qof oo dhammaantood sifo aan sharci ahayn oo dastuurka khilaafsan loo xidhay.

Dadkasi waxay isugu jiraan 13, suxufi, 10 siyaasi  iyo 91 qof oo kale oo bulshada inteeda kale ah.

Dadka loo xidhay inay aragtidooda cabireen seddex ka mid ah ayuu xukun maxakamadeed ku dhacay , kuwaas oo kale ah guddoomiye ku xigeenki Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga mucaarad ka ah ee Wadani, Weli Cabdi Jaamac oo lagu xukumay laba sano iyo laba bilood oo xadhig ciqaabeed ah, Cabdilaahi Cabdi Jaamac (Abwaan Qanciye) oo lagu xukumay hal sano iyo seddex bilood oo xadhig ah iyo Maxamuud Maxamed Xaaji Ibraahim oo is na hal sano lagu xukumay.

Dadka dhammaan tood waxa lagu wada xidhay qoraalo ay baraha bulshada ku qoreen ama ay warbaahinta la wadaageen

Arrintaas oo runtii ka hor imanaysa mabaadiida uu ku dhisan yahay Dastuurka Jamuuriyadda Somaliland.

Waxa sidoo kale warbixintaku xusan tacadiyo boolisku dad shacaba kula kaceen kuwaas oo aanay jirin cid loo xidhay amaba loo maxkamadeeyay.

Sidoo kale war bixinta waxa ku jira xaaladda maxabiista iyo saldhigyada dalka, oo runtii cidhiidhi badani ka jiro, iyado xilagan ay jiraan xaalado caafimaad daro oo uu sababay xanuun ki covid-19.

Dhanka kale, warbixinta xaruntu waxay tilmamaysaa xaaladaha nololeed ee ay ku sugan yihiin dadka dalka gudihiisa ku baro kacay.

Warbixinta waxa sidoo kale ku jira tacadiyada ka dhanka ah haweenka.

Waxa muddoyinkan dambe soo batay tacdiyada haweenka ka dhan ah taas oo ay sabab ay u tahay inaanu jirin xeer iyo qawaaniin gaar u ah oo lagu xakameeyo amaba lagu tacaala.

Talo soo jeedin.

Ugu danbeyn xaruntu waxay dowladda Somaliland u soo jeedinaysaa arrimahan hoos ku xusan.

  1. In la joojiyo xadhiga lagula kaco warbaahinta madaxa-banaan, siyaasiyiinta iyo dadka aragtiyahooda cabira ee dowladda dhaliila.
  2. In la ixtiraamo xuquuqaha uu dastuurku damaanad qaadayo ee la xidhiidha xorriyadda hadalka iyo aragti dhiibashada.
  3. In booliska dib u habayn ballaadhan lagu sameeyo, lana joojiyo sifaha siyaasadaysan ee marar badan loo adeegsado.
  4. Sidoo kale in la helo cid ka garnaqda khaladaadka iyo tacadiga booliska marar badan u gaysto bulshada.
  5. In la dhowro xuquuqda maxaabiista saldhigyada ku xidhan lana daryeelo.
  6. In ay dowladu hoos eegto lana socoto xaaladda ay ku sugan yihiin dad ka dalka gudihiisa ku barakacay.
  7. Ugu danbayna xaruntu waxay soo jeedinaysa in xeer lagu xakameeyo loo helo tacadiyada haweenka ka dhan ah.”

War-bixintan waxa ku saxeexnayd Guddoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka

Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud

 

Geeska.net/Hargeisa Office