Dilkii Usaama Bin Laadin: Buug Daaha Ka Rogaya Runtii Uu Maamulka Obama Qariyey Kamaal A. Cali… (Qaybta 7aad)

0
558

Haddii qof uun gudaha gurigan ku jiraa hub haysan lahaana si fudud ayaa uu u waxyeellayn lahaa ciidamada ku soo daatay, oo sanqadha iyo qaraxa diyaaraddu ka soo horreeyey, sida uu xaalku noqon lahaa, waxaa inooga warramaya, sarkaalka hawlgabka ah oo ku soo koobay, “Haddii wax jawaab difaac ahi jiri lahayd, si weyn ayaa ay u baylahsanaayeen” (Ciidanka guriga galay).

1

Sida uu ku warramay sarkaalka hawlgabka ahaa, difaac gudaha kaga yimaadda iyo dhabar jebin midna ciidamada Maraykanku kama ay baqayn oo xog buuxda iyo kalsooni ayaa ay ka heleen sirdoonka ISI, waxaana intaas dheeraa sarkaal ISI ka tirsan oo isgaadhsiinta qaabilsanaa ayaa la socday ciidamada Maraykanka ee SEALS, isaga oo ahaa nin hore u sii arkay guriga gudihiisa iyo qaybihiisa kala duwan ayaana gadhwadeen u ahaa ciidamada Maraykanka. Gudcurka jira ilays ugama ay baahnayn ciidamada Maraykanku waxa aanay daba socdeen sarkaalkan gadhwadeenka u ah, oo la fuulay illaa sallaanka taga dhismaha dabaqa ah qaybta uu Usaama Bin Laadin ka deggenaa.

Baakistaanta ayaa hore hoggaanka SEALS ugu sii sheegtay in albaabo culus oo bir ahi ay ku xidhan yihiin halka uu ka bilowdo iyo illinka uu ku dhammaado sallaanka taga dabaqa sare ee uu Usaama Bin Laadin deggenaa. Qolka Usaama waxa uu ku yaallay dabaqa saddexaad ee sartan. Ciidankii duullaanka ahaa ee SEALS iyaga oo ka duulaya xogtaas ay ka heleen ISI waxa ay si sahal ah u qarxiyeen labadii albaab ee ku xidhnaa jaranjarrada, iyaga oo aan cid wax dhaawac ah gaadhsiin.

Mid ka mid ah xaasaskii Sheekh Usaama Bin Laadin oo maqashay dayaanka qaraxa, fahamtayna weerarka ayaa muusannowday oo si aad ah u qaylisay.

Xabbad, weliba laga yaabo in aanay iyada ku socon ayaa jilibka kaga dhacday xaaska Usaama, marka laga tago xabbaddaas gabadha ku dhacday, ma’ay jirin xabbad kale oo cid kale ama jiho kale u dhacday oo aan ahayn ta sida tooska ah loola beegsaday Usaama Bin Laadin.

Ciidanka galay guriga Usaama kuma ay dawakhin in ay baadhaan qaybaha iyo qolalka kala duwan ee Kaamboolkan oo aan yarayn, waayo si fiican ayaa ay u garanayeen qolka uu joogo ninka ay doonayaan. ‘Dabaqa saddexaad, marka aad sallaanka ka soo gasho, albaabka koowaad ee dhinaca midig kaa qabanaya ka ku xiga ayaa uu ku jiraa Usaama Bin Laadin” sidaa waxaa yidhi sarkaalka hawlgabka ahaa oo caddeeyey in sirdoonka ISI ay si waafi ah xogtii loo baahnaa oo dhan u bixiyeen. Waxa aanu sheegay in markiiba ciidamada Maraykanku kadinka ka galeen qolka Usaama oo xagga kadinka u soo socdayna dib u celiyeen. Isaga oo ka warramaya waxa ka dhacay qolka Usaama gudihiisana waxa uu yidhi, “Halkaas toos u soco” ayaa ay ciidamada Maraykanku ku yidhaahdeen Usaama. “Usaama oo didsan ayaa dib ugu gurtay gudaha hore ee qolka Hurdada, laba shiishyahan ayaa dabagalay, kadibna rasaastii si ku talogal ah ugu furay ayaa uu yidhi, isaga oo intaas ku sii daray, “Si fudud, oo aan wax caqabad ahi ka hor iman, oo xirfaddaysan ayaa ay xabadda ugu dhufteen”

Qaar ka mid ah ciidamadii Maraykanka ee hawlgalka fuliyey ayaa naxdin iyo amakaag ay ku noqotay markii ay maqleen Guriga Cad ee Maraykanka oo ku doodaya in dilka Usaama Bin Laadin uu ku yimid is-difaacid ay ciidamadoodu iska difaacayeen iska cabbin uu Usaama isku dayey. Sarkaalka hawlgabka ahaa oo inoo sifaynayey muuqaalka sida ay wax u dhaceen ayaa yidhi, “Lix-da askari ee ugu fiicnaa uguna waayo-aragnsanaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee SEALS, ayaa laga horgeeyey oday waayeel ah, oo shicib aan hubaysnayn ah, si ay u dilaan iyaga oo ku andacoonaya in ay naftooda difaacayaaan” ayaa uu yidhi sarkaalka ka tirsanaan jiray sirdoonka Maraykanka ee xogtan bixiyey.

Guriga gudihiisu waa uu is dhex yaallay, oo habayn la’aan iyo isku dhexdaadsanaan ayaa ka muuqatay, Usaama waxa uu kaga noolaa qolkan oo sida xabsiga daaqadihiisa biro xadiid ah lagu xidhay, saqafka sare ee gurigana lagu wareejiyey xadhig koronto oo dabaysan. Sababta loo dilay ma’ay ahayn in uu isku dayey in uu hub qaato. Balse amarka uu marka horeba ciidanku qabay ayaa ahaa in ay dilaan ninkan. Sidoo kale waxaa been ah warka uu markii dambe sheegay Guriga Cad ee odhanaya Usaama Bin Laadin waxaa lagu dhuftay laba xabbadood oo keliya. Waa waxba kama jiraan iyo hadal la iska yidhi.

Sarkaalka sirdoonka Maraykanka ka hawlgabay ayaa yidhi, “Ciidanka Maraykanku toos ayaa ay albaabka qolka Usaama uga soo galeen, kadibna waa ay ka takhaluseen. Buuggan oo sida aynu hore u soo sheegnay soo bandhigaya xogo aad u culus oo badankooda laga helay dad xog-ogaal u ahaa dilka Usaama bin Laadin iyo geeddi socodkii diyaarinta hawlgalka, waxa uu si cad u iftiiminayaa in Usaama Bin Laadin aanu Maraykanku dileen ee uu qaadan lahaa, balse sababta ku kalliftay ay ahayd keliya shardigii Baakitaan ku xidhay iskaashiga ay la samaysay hawlgalkan oo ahaa in Usaama aanu nolol kaga bixin Baakistan, iyada oo laga cabsi qabo in uu soo baxo warka ah in Baakistaan ay dhiibtay. Sidoo kale Buuggu waxa uu si cad u tilmaamayaa in Usaama Bin Laadin muddo dheer maxbuus ku ahaa gurigan oo xitaa dabaqa uu fooqa ka deggen yahay gudihiisa uun uu dhex socon karayey balse aanu dabaqa hoos uga soo dhaadhici karin oo kadimo bir adag ah lagu xidhay, daaqadda biro lagu jaray, saqafka sare ee gurigana Koronto lagu xidhay si aanu uga bixin, isla markaana dusha sare ee kaamboolkan ay 24 ka saac ilaalin jireen ciidamada gaarka ah ee sirdoonka Baakistaan.

Waxa kale oo uu buuggu hore inoogu soo iftiimiyey kaalinta muuqata ee uu Dr. Amiir Casiis oo ka tirsan janaraallada caafimaadka ee ciidamada Baakistaan ku lahaa hawlgalkan, Casiis waxa uu xog-ogaal u ahaa xaaladda caafimaad ee Usaama oo uu hore u daweeyey, waxa aanu ka haystay Usaama kalsoonida u suurtogelisay in uu Maraykanka ka caawiyo sidii DNA ga Usaama iyo dadka guriga kula nool loo soo heli lahaa. Janaraalkan Dhakhtarka ahi waxa uu kaalin weyn ku lahaa isku-dubaridka weerarkan, waxa aanu qaatay qayb ka mid ah lacagtii Maraykanku uu saaray madaxa Usaama Bin Laadin, isaga oo taas beddelkeedana waajib lagaga dhigay in aanu abidkii sheegin xogta arrintan la xidhiidha. Usaama waxa uu ahaa nin da’ ah, xanuunsanaya, aan hubaysnayn, La soco…