Golaha Guurtida Oo Ka Wada Hadlay Aafada Tahriibka

0
538

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaanada Golaha Guurtida ayaa dood adag ka yeeshay Aafada Tahriibka, waxayna sheegeen in shaqo laanta baahsan ee dhalinyarada haysata qayb ka tahay tahriibkooda, waxayna Xukuumaddu ugu baaqeen inay dhalinyarada shaqo abuur u sameeyso.

1

Kalfadhigii shalay ee Golaha Guurtida oo uu shir guddoominaayey Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Guurtida ayaa Xildhibaanadii kalfadhigaas ka hadlay waxa kale oo ay Xukuumadda ugu baaqeen in qurba jooga dalka ku soo noqonaya aanay muhiimada wada siin ee ay Dhalinyarada dalka wax ku baratay muhiimada kowaad iyo ahmiyad siiso, si aanay dhalinyaradu uga niyad jabin dalka, isla markaana aanay nafahooda u biimaynin, baddahana ugu daadan.

Dhanka kale waxay Dhalinyarada u soo jeediyeen inay dalkooda aaminaan oo wadamada shisheeye ee ay u tahriibayaan aanay u hanqal taagin ee dalkooda ka shaqeeystaan oo aqoontooda iyo xirfadooda uga faa’iideeyaan, waxayna ku baaqeen in Siyaasadda cad laga yeesho Tahriibka Dhalinyarada oo meel looga soo wada jeesto.