Dilkii Usaama Bin Laadin: Buug Daaha Ka Rogaya Runtii Uu Maamulka Obama Qariyey Kamaal A. Cali… (Qaybta 25aad)

0
627

ddddWaxaa MaraKala shakiga Sirdoonka Maraykanka iyo Baakistaan kuma koobna sunta la siiyey Kelton ee lagu tuhmay sirdoonka Baakistaan, balse waxaa jira dareen intaas ka fog oo qolo kastaa gaarkeeda u aaminsan tahay in qoladaasi aanay daacad u ahayn, isla markaana aanay marnaba u seegayn fursad kasta oo ay u arkaan in ay munaasab ku tahay wax yeellaynta qolada kale, haddana iyada oo aan laga tegayn wada shaqaynta guud iyo in dunida la tuso is-xulafaysi.  Kala shakiga ka dhashay xidhiidhkooda aan kalsoonida ku dhisnaynna waxa uu gaadhay heer, ay qaar badan oo ka mid ah shaqaalaha hadda jooga iyo kuwii hore ee sirdoonka Marayanku aaminsan yihiin in sirdonka Baakistaan ay maleegaan mu’aamarado badan oo ka dhan ah warfidiyeenka iyo diblumaasiyiinta Maraykanka ah ee dalkooda jooga. Sidoo kale waxa uu Maraykanku dareensan yahay in sirdoonka Baakistaan si qarsoodi ah u beegsado la-taliyeyaasha milateriga iyo khubarada sirdoonka ee Maraykanku u soo diro Baakistaan, iyaga oo inta ay khaarajiyaan ka dhigaya in ay Daalibaan iyo Al-Qaacida dishay ama Daalibaan iyo Al-Qaacida qudhooda u fududaynaya khaarajinta raggan.

Marka ay sidaas tahay ma jiro wax Baakistaan u diidaya in ay dhigto mu’aamarad ay ku khaarajinayso basaaska Mark Kelton ee CIA wakiilka uga ahaa hawlgalladeeda Baakistaan, iyada oo ay sirdoonka Baakistaan si fiican u ogaayeen in uu Kelton ka qayb qaatay qorshaynta iyo dhiirrigelinta Tobannaan ah weerarro diyaaradaha Is-wada ee Maraykanku ay ka fuliyeen gudaha ciidda Baakistaan, taas oo labada dal ka dhex abuurtay xiisad joogto ah, waxa aanay arrintu sii xumaatay markii Kelton qudhiisu uu ka qayb qaatay hawlgalkii lagu khaarajiyey Usaama Bin Laadin deegaanka Abottabad.

In kasta oo xogta aynu soo baahinnay qaybihii u dambeeyey muujinaysay in sirdoonka Baakistaan ku lug lahaa dilka Usaama, oo iyagu ay ogolaadeen isla markaana sameeyeen wax kasta oo ay ku dambabasi karayeen soo galitaanka Maraykanka diyaaradihiisu ku soo galeen gudaha Baakistaan ee weerarkan ay ka fuliyeen gurigii Usaama deggenaa, haddana waxaa hubaal ahayd in dilka Usaama Bin Laadin, haddii Baakistaan ay ku jirtay iyo haddii kalaba uu sumcad darro aad u weyn u soo hooyey sirdoonka Baakistaanta ee ISI oo lagu tiriyo kuwa adduunka ugu awoodda badan. Waxaa si aad ah hoos ugu dhacday kalsoonidii ay dadka reer Baakistaan ku qabi jireen sirdoonkooda, waxa aana ku beermay shaki ah in ay ku aamini karaanba in amnigooda ay sugaan, sidoo kale sirdoonnada dunida ee aan hoos u ogeyn waxa jira ayaa dib ugu noqday fahamkii ay ka haysteen sirdoonka Baakistaan, waayo waxaa liidashadooda xujo ugu filan in dhabarkooda dambe iyaga oo aan ogeyn lagala soo baxay Usaama bin Laadin, oo waa marka hore ee aanay ogeynba in uu dhulkooda joogo (Sida ay ku andacoodeen sirdoonka Baakistaan), waa marka labaad ee ay ogaan kari waayeen ciidanka soo duulay ee dilay, intii ay diyaaradaha qummaatiga u kaca ku soo dhex marayeen dalka, iyo weliba muddadii uu weerarku ka socday guriga Usaama Bin Laadin. Arrintani waxa ay cadho ku beertay sirdoonka Baakistaan oo qoomameeyey iskaashigii ay CIA ka caawiyeen dilka Usaama, waayo waxa ay marka hore filayeen in Maraykanku uu ka soo baxo wacadkii ay galeen ee ahaa in Maraykanku uu sheego beenta ah in Usaama Bin Laadin lagu dilay buuraha Afgaanistaan, waxaa iyaduna sirdoonka Baakistaan ku adkaatay in uu si badheedh ah u sheego in uu isagu Usaama Bin Laadin keenay Abottabad oo uu gurigan muddo lix sano ah ku hayey, kuna laalinayey. Cadhada ka dhalatay arrintan ayaana sii hurisay cadaawadda ISI ay u haysay CIA, waana mid ka mid ah sababaha keenay in ay ku kacaan ficillada aargoosiga ah ee Maraykanka qudhiisuna dareemay.

Wararka uu helay wargeyska Washington Post oo qormadan qaybo ka mid ah uu Geeska Afrika ka soo xigtay ayaa sheegaya in wakaaladda CIA du ay Kelton ku qasabtay in aanu shaqadiisa dadka u sheegin xitaa markii dambe ee uu hawlgabka ka noqday sirdoonka. Laakiin sababtu wax ay ahaydba, Kelton amarkaas dheg uma uu wada dhigin oo magaciisa iyo qayb muhiim ah oo ka mid ah taariikh-nololeedkiisa gaarka ah ayaa uu ku faafiyey mid ka mid ah baraha Internet ka ee dadka oo dhami si caadi ah u daalacan karaan lacag iyo shuruud la’aan. Laakiin dhinaca uu amarkaas ka fuliyey ayaa ah in aanu sheegin shaqadiisii Baakistaan, isaga oo boggan ku qoray kelmado kooban oo muujinaya uun kaalinta uu ku lahaa hawlgalka lagaga takhalusay hoggaamiyihii Al-Qaacida Usaama Bin Laadin.

Wargeyska Washington Post oo sii baadhay colaadda u dhexeysay Kelton iyo sirdoonka Baakistaan ayaa masuuliyiin aanu magacaabin oo CIA ka tirsan ka soo xigtay in Kelton intii uu shaqadaba ka hayey Baakistaan uu colaad dhex dhigay CIA iyo ISI isaga oo ku guulaystay in uu sirdoonka Baakistaan ee ISI ku daro liiska uu Marayanku ku magacaabo Xeerarka Moscow oo ah liiska uu ku qoro dawladaha iyo wakaaladaha muuq ahaan saaxiibka laga filanayey laakiin runtu ay tahay in ay cadow ku yihiin Maraykanka, isaga oo magaca Moscow ugu duurxulaya xidhiidhkii Maraykanka iyo Midowga Soofiyati.

Kelton markii uu Maraykanka ku soo noqday, xanuunka kadib waxaa loo magacaabay ku-xigeenka waaxda la dagaallanka sirdoonka cadowga, waxa aanu qayb muhiim ah ka ahaa ol’ole ballaadhan oo CIA ay ugu talogashay in ay iskaga ilaaliso in uu soo dhex galo sirdoon cadow ku ahi. Dhammaad.