Diblumaasi Maraykan Ah Oo Soo Jeediyey In Somaliland Loo Tixgeliyo Aqoonsigeedii Lixdankii

0
448

Hargeysa (Geeska) – Ambassador Tibor Nagy oo hore u soo noqday kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka ee Afrika, sidoo kalena soo noqday danjiraha Maraykanka u fadhiya dalalka Ethiopia iyo Guinea, ayaa waraysi uu siiyay Telefiishanka “ABC” kaga hadlay aqoonsi-raadinta Somaliland.

Waxa kale oo uu ka warramay sababta ay midowga Africa iyo Maraykan u aqoonsan la’yihiin iyo waliba kulan markii uu danjiraha ka ahaa Ethiopia uu la yeeshay Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal.

Ambassador Tibor Nagy, ayaa sharraxaad ka bixiyey Taariikhda Somaliland ee lixdankii, Xorriyaddii ay ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska, Midowgii ay la gashay Soomaaliya oo ay Dawladnimada kaga horaysay iyo sababta ay xilligan u raadinayso aqoonsi Caalamiya, iyadoo Sanadkii 1960-kii ay heshay aqoonsiga Dalalka Caalamka.

Timbor Nagy wuxuu sheegay in Somaliland oo xornimadeeda kala soo noqotay Soomaaliya 30 sano ka hor ay xilligan tahay Dawlad si Madax-banaan u shaqaysa, laakiin faham-darrada jirtaa tahay in Ururka Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ku soo dhaweyn la’yihiin inay kuraas ku yeelato, maaddaama oo ay xaq u leedahay, haddii hore u heshay aqoonsiga Caalamiga ah.

“Anigu ma ihi xeer-ilaaliye Caalamiya, laakiin marka la eego Taariikhda, Somaliland waxay ahayd dal jira oo sharci ah muddo Toddobaad ah, ka hor markii ay Soomaaliya noqdeen laba dal oo midoobay ama isku biiray…” ayuu yidhi Ambassador Timbor Nagy oo u warramay Telefiishanka ABC, waxaanu intaa ku daray oo uu tilmaamay inay ahayd in Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay u ogolaadaan Inay Somaliland ka mid noqota Dawladaha ku midaysan “Markaa, waxa aan sheegayaa waxa weeyaan, In la eego wakhtigii laga yimid (Taariikhda Somaliland) ee ahaa Inay heshay xaqiijin Caalami ah (oo ah in la aqoonsaday), sidaasi darteedna la yidhaahdo waa sax (qadiyaddaadu) ee ku soo dhawow oo ka mid noqo Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, arrintaasi ayaa ah waxa illaa hadda la la’yahay, waana ta jaho-wareerka ku ridday guud ahaan Reer Somaliland..”

 

Geeska.net/Hargeisa Office