Dekedda Berbera: Shirkadda DP WORLD Oo Halkii Koontiinar Ee Lagu Dejin Jiray $ 650, Ka Dhigtay 859 Dollar & Dadka Dekedda Galaya Oo Lacag Lagu Soo Rogay

0
688

Kordhinta Qiimaha lagu dejiyo Alaabta oo sababtay in cabasho laga muujiyo iyo Qaylo-dhaan loo diray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

Berbera (Geeska) – Dhibaato ayaa ka taagan Dekedda Berbera, ka dib markii Shirkadda Maamusha Dekeddu ay kordhisay Qiimaha Dejinta Alaabooyinka Dekedda ay Maraakiibta iyo Doonyuhu keenaan.

Shirkadda DP WORLD oo Maamusha Dekedda, ayaa lacag ku dhow kala-badh ku kordhisay Qiimihii lagu dejin jiray alaabooyinka Dekedda ay keenaan Maraakiibtu, halka Dadka Dekedda galaya lagu soo rogay lacag dhan 2 dollar, arrintaasi oo ah wax cusub.

Sidaana waxa sheegay Xildhibaan Dayib Xasan Axmed oo ka mid ah Golaha Guurtida oo kormeer ku soo maray Dekedda Berbera, waxaanu yidhi “Koontiinarka 20 fiit ah wuxuu ahaan jiray (oo lagu dejin jiray) 320 dollar, halka ay imika ka dhigeen 482 dollar, farqiga u dhexeeya waa 162 dollar, qodobka labaad kontiinarka 40 fiit wuxuu markii hore ahaa 650 dollar, halkay imika ay ka dhigeen 859 dollar, farqiga u dhexeeya intay ku dhigeen waa 209 dollar, alaabta ku iman jirtay koontiinar halkii tanba waxay ahaan jirtay 10.5 dollar, halkay imika ka dhigeen 15 dollar, taaba waxaa ka sii daran qof walba oo galaya (Dekedda) haddii ay fara cad tahay iyo haddii ay qof kale oo miskiin ah oo meesha tagayba ama mid xamaal tagayba, waxay yidhaahdeen qof kasta oo galaya laba dollar ayaa laga qaadayaa”.

Xildhibaanku wuxuu farriin u diray Madaxweynaha Somaliland “Mudane Madaxweyne, qaabkaas ayaa meesha ka jira Shirkaddii waxay damacday inay dadkii cadaadis weyn ku saarto dekeddii, DP World waxaan leeyahay waad u soo shaqo tagteen wixii ay Somaliland ka qaadan jirtay idinka ayaa qaata, hantidii aanu arki weynay ee aanu ku dhisan kari weynay ayaad qaadateen oo aad ku dhisateen meesha, ee dadka ay abaaraha iyo Covid_19 ku dhacay ka daaya sicir-bararka iyo waxan aad ku kicinaysaan oo ILLAAHAY ka baqa, dawladdana waxaan leeyahay nimankani meesha dhib aad u weyn bay ku hayaan ee waxaan soo jeedin lahaa Mudane Madaxweyne meeshan cid walba oo ku shaqo lehiba iyo Wasiirka Ganacsigaba, inaad ka war haysaan meeshan ayaa loo baahan yahay.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in dhibaato ka taagan tahay Dekedda isla-markaana muddo 7 Maalmood ah ay xidhan tahay Dekeddu, maaddaama oo Ganacsatadii Alaabtu ka taallay ka maagayaan inay alaabtooda la soo baxaan “Maanta (Shalay) ayaa u todoba u ah oo Dekeddu xidhan tahay, khasaare inteed leeg baa Somaliland ugu jira..”

Shirkadda DP WORLD ayaa Lacag kiro ah ka qaadda Alaabta laga soo dejiyo Dekedda Berbera, halka Cashuurta alaabtaasna ay qaabilsan tahay Wasaaradda Maaliyaddu.

Geeska.net/Hargeisa Office