Kuwait (Geeska)- Cabdulcasiis al-Muntari oo ah Diblomaasi u dhashay dalka Kuwayt, aqoon dheerna u leh mandaqadda gobalka Geeska Afrika, ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska Geeska Afrika,wuxuu ku sheegay in Somaliland looga baahan yahay olole ay caalamka ugu bayaaminayso in wada xaajoodkooda Soomaaliya yahay sidii laba wadan u noqon lahaayeen, maadama Sheekh Shariif midnimo ugu sheegay. Mr. Al-Mutantari wuxuu ahaa Diblomaasi sare oo ka hawlgala safaaradii ay Kuwat ku lahayd dalka Somaliya dabayaaqadii siddeetamaadkii.
Al-Muntari oo wakhtigan ah qoraa falanqeeya siyaasada Geeska iyo barriga dhexe, isla markaana ka mid ah saaxiibada Somaliland, ayaa soo jeediyay inay xukuumadda Somaliland abuurto dad uga ololeeya fagaarayaasha caalamka, isla markaana, sii wado la hadalka Soomaaliya, oon la filayn in natiijo degdeg looga gaadho, laakiin, Somaliland waa inay xaqiijiso inaan madaxbanaanideeda qorqortan lahayn.
Cabdulcasiis al-Muntari oouu Maxamuud Walaaleye, oo Geeska Afrika ka tirsani uu la yeeshay waraysigan, isagoo ku sugan dalka Kuwayt ee uu u dhashay, wuxuu ku sheegay inaanu inta badan la xidhiidhin madaxda Somaliland marka laga reebo Marxuum Cigaal, balse uu qalinkiisa ugu hiiliyo qaddiyadda Somaliland. Waraysigaas oo dhammaystirani wuxuu u dhacay sidan:
Sidaad u aragtaa dedaalka xukuumada Somaliland ee ku aadan xidhiidhka dibedda marka loo eego xukuumadii hore?
Xukuumada wakhtigan waxay ku jihaysan tahay wada xaajoodka Soomaaliya, oo midho-dhal noqon kara. Wakhti badan ma siiyaan dhisitaanka xidhiidhkooda wadamada Afrika, gaar ahaan, wadamada Geeska, sida Kenya, Koonfurta Sudan iyo Itoobiya.
Xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya waa shardi inuu xoogaysto, isla markaana Somaliland waa inay xaqiijiyaan iskaashi amaan adag oo Itoobiya la wadaagaan. Waxaan rumaysnahay, in Itoobiya indhaha ku hayso xasiloonida Somaliland marka loo eego xiligan, taasi waa inay isbedesho, sidoo kale, isbedelka hogaamineed ee Itoobiya, waa inaanay saamayn ku yeelan saaxiibtinimada Itoobiya iyo Somaliland. Somaliland waa inay ilaashato xidhiidh wanaagsan oo Itoobiya yeeshaan, maadama, Addis Ababa, saamayn balaadhan ku leedahay gobolka iyo caalamka.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland si weyn ugama muuqdo dunida Carabta., waan fahmi karaa khaladka iyo aaminsanaanta indhaha la’ ee carabtu ee ku aadan Somaliland, si kasta, Wasaaradda Arrimaha Dibeddu waxay u baahan tahay lahaanshaha saaxiibo carbeed. Waa in Somaliland xafiis ku yeelato Masar, maadama , isbedel siyaasadeed ka jiro Qaahira.
Xukuumada wakhtigan waa inay maalgeliso dad uga ololeeya fagaarayaasha wadamadda waaweyn ee Afrika, sida Koonfur Afrika, Ghana, Itoobiya iyo goleyaasha waaweyn. Dadkaasi waxay caawin karaan raadinta Somaliland ee madaxbanaanida, wasaarada Arrimaha Dibeddu meel walba ma joogi karto, laakiin, dadkaasi way u doodi karaan. Guud ahaan, xafiisyada safaaradaha Somaliland waa wejiga ugu horeeya ee Somaliland iyo raacdadooda, waxa shardi ah inay si wanaagsan ugu qalabaysan yihiin dhamaan agabka ay uga baahan yihiin dagaalkooda ku waajahan madaxbanaanida Somaliland.
Ilaa xillima ayaad ahayd saaxiibka Somaliland, wax xidhiidh ah ma yeelateen hogaamiyeyaasha ama siyaasiyiinta Somaliland, yaa ka mid ah?
Waxaan ahaa saaxiibka Somaliland ilaa sannadkii 1977-kii. Waxaan kula kulmay Madaxweynahii geeriyooday Maxamed Ibraahim Cigaal Muqdisho, kalana hadlay Maxmiyadii Somaliland iyo sidii xornimadaa gacanta looga geliyey shuruud la’aan Soomaaliyadii Talyaaniga aqoondaradii dadka awgeed. Waxaan bilaabay akhrinta Somaliland ilaa la soo noqoshadii xornimadii luntay 1991.
Wxaaan booqashadii koowaad ku imi Somaliland oo xorowday 2003, waxaanu qofku ka dareemayey wejiga dadka ka dib soddon sannadood oo Koonfur muquuniyeen. Safarkaygu waxuu ahaa mid bani’aadminimo. Dimoqraadiyadii aabahii Somaliland abuuray Cigaal waxay sare u qaaday aaminaadaydii iyo rumaysashadii sida shacabka Somaliland iyo waxqabsashadoodu tahay, halka saaxiibadoodii hore, (Soomaaliya) u burbursan yihiin, uguna jiraan dagaal qabali aan dhamaad lahayn.
Badiyaa, lama xidhiidho hogaamiyeyaasha Somaliland, sababtoo ah waxaan aamnisanahay qalinka, kaasoo aan ku gudbin karo fariintayda, isla markaana ku saxi karo khaladaadka si Somaliland ugu socoto xasiloonidaa.
Maxaad ka filaysaa natiijada ka soo bixi doonta wada-xaajoodka la filayo inay yeeshaan Somaliland iyo Soomaaliya?
Xukuumada Kulmiye waa inay sii wado la hadalka Soomaaliya, oon la filayn in natiijo degdeg looga gaadho, laakiin, Somaliland waa inay xaqiijiso inaan madaxbanaanideeda qorqortan lahayn. Somaliland way ku taageri kartaa Soomaaliya dhistaanka xasiloonida iyo dimoqraadiyadda, hadii, iyo keliya hadii Muqdisho aqbasho Somaliland.
Waa wanaag in la wada-hadalo, si kasta, Somaliland waa inay abuurto olole warbaahineed balaadhan oo ku bayaaminayso in la hadalka Soomaaliya keliya tahay kala guuritaankooda. Xukuumadii Madaxweynahii hore Soomaliya, Sheekh Shariif, waxay ka samaysay olole warbaahineed ka weyn ka Somaliland aduunka iyo dunida Carabta kaga dhaadhicinayso in wada hadalkooda Somaliland ujeedadiisu tahay midow mar labaad. Taasi waa nuqsaan, Somaliland-na waa inay soo afjarto.
Saddexda hogaamiye ee Soomaliya ugu sareeya dhamaantood si toos ah ama dadban waxa loola xidhiidhinayaa hay’adaha gargaarka caalamiga, markaa, miyaanay sax ahayn hadii loogu yeedho xukuumadii Qaramada Midoobay?
Waan ku bayaamiyey mid qoraaladayda ka mid ah, oo ciwaankiisu ahaa, “Wakiilashada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya’. Soomaaliya weli ma hayaan xukuumad madaxbanaan, waxay u baahan tahay taageerada wadamada gobolka iyo Qaramada Midoobay. Taasoo ka dhigan inaan taageerada Kenya, Itoobiya, Yugandha ahayn bilaash, balse Soomaaliya dib u celin doonto qiimaha taageeradaa.
Maanta way muuqataa in Kenya hogaaminayso maamul u samaynta cusub ee Kismaayo, isla markaana xukuumada Muqdisho ma daafacan karo xafiisyadeeda ciidamada Yugandha la’aantood. Xitaa Jabuuti ayaa ciidamo maanta u diraysa, oo nasiib daro u ah Soomaaliya.
Somalidu waa inay dib ugu gudaan taageerada wadamadaa qaab kale, oo noqon kara inay dhul siiyaan Kenya. Xaalada Muqdisho waa halis, isla markaana xukuumada wakhtigan ma lahaa awood, laakiin waxay ku khasban yihiin aqbalaada awaamiirta wadamadaasi soo bixiyaan.
Waxay gebi ahaanba ku tiirsan yihiin xoogaga dibedda, xitaa mushaharka madaxweynaha ayaa wadamo dibadeed bixiyaan, isla markaana, hadii xaaladu sida maanta ku sii socoto, waxay Soomaaliya u taagnaan doontaa keliya magac aan jirin. La soco safarkiisii Somaliland sannadkii 1988-kii iyo warbxintii ay diyaariyeen iyo su’aalo kale……………
Comments are closed.