Cudurka Qaaxada Oo Markii Ugu Horreysay Muddo 40 Sano Ah Loo Helay Daawooyin Tayo Badan Iyo Tirada Dadka Xanuunkani Hayo Oo Hoos U Dhacday: Diyaariye Kamaal Axmed Cali

2
961

qaaadaGeneva (Googooska Geeska)-  Cudurka Qaaxada oo sannadkii 2011ka oo keliya galaaftay nolosha Hal Milyan iyo Afar boqol oo kun oo ruux ayaa la sheegay in uu hadda bilaabay hoos u dhac weyn, kadib markii lagu guulaystay daawooyin cusub, iyada oo ay jirto in weli hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ka cabanayso in dagaalka ka dhanka ah cudurkani aanu sidii la rabay u socon sababo dhaqaale awgood.

Dr. Mario Raviglione oo ah agaasimaha waaxda la dagaalanka Qaaxada ee hay’adda caafimaadka adduunka ayaa sheegay in daawooyinka cusub ee hadda loo helay cudurka Qaaxadu ay keentay is beddel weyn oo ah hoos u dhac, “Waxa ay daawooyinkani soo nooleeyeen rajada aanu ka qabnay in cudurka gebi ahaantiiba la cidhib tiro” ayuu yidhi Dr. Mario isaga oo ka cawday in dhibta ugu weyn ee hor taallaa ay tahay dhaqaale xumo. Dr. Mario waxa uu sheegay in sannadkii 2011-ka cudurka Qaaxadu uu ku dhacay 8 Milyan iyo 7 boqol oo kun oo ruux, dadkaas oo boqolkiiba 13 ka mid ahi ay qabeen cudurka dila hab-dhiska difaaca aadamaha ee AIDS ka. Taas oo macnaheedu noqonayo in marka laga soo bilaabo sannadkii 1990-kii uu cudurkani hoos u dhacay boqolkiiba 41.

Dadka uu ku dhacay cudurka qaaxadu ayaa la sheegay in boqolkiiba 59 ay ka soo jeedaan qaaradda Aasiya, halka boqolkiiba 26 ay ka yihiin Afrikaan. Marka dhanka kale laga eegana dadka cudurkani ku dhacay ee dalalka India iyo China waxa ay tirada guud ee dadka cudurku kaga dhacay dunida oo dhan ka noqonayaan boqolkiiba 40, halka dadka cudurkan qaba ee dalalka Ruushka iyo Koonfur Afrika ay tirada guud ka noqonayaan saddex meelood meel.

Dhanka kalana waxaa sannadka soo socda ee 2013-ka la isticmaal gelin doonaa, laba daawo oo ah muddo afartan sano ah kuwii ugu tayo badnaa ee lagula tacaalo cudurkan, gaar ahaan noociisa daawooyinka cudurka la qabsaday ee ay waxba u tari waayeen. Labada daawo mid ka mid ah waxaa soo saartay shirkad Maraykan ah oo lagu magacaabo Johnson And Johnson halka tan kalena ay ka samaysay shirkad Japan laga leeyahay oo lagu magacaabo Otsuka. Dr. Mario waxa uu saadaaliyey in tobanka sano ee soo socda gudahooda la heli doono tallaal ka hortag u ah cudurka Qaaxada, isaga oo intaas ku sii daray in dunida uu ku soo kordhay shaybaadh casri ah oo awood u leh in uu 100 daqiiqo gudahooda k u soo saaro jidhka uu cudurkani ku jiro, qalabkaas shaybaadh oo illaa hadda la gaadhsiiyey 67 dal oo dunida ah qiimihiisuna uu aad u jaban yahay.

Comments are closed.