Dhukumanti Sir Ah Oo Muujiyey Mawqifka Dawladda Turkiga Ee Qadiyadda Madax-banaanida Somaliland

0
3901

Dawladda Turkiga, ayaa waxay ka mid tahay Dawladaha Qunsuliyadaha ku leh Somaliland

Ankara (Geeska) – Dowladda Turkiga ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Recip Erdogan, ayaa caddeysay mowqifkeeda ku aaddan Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanay soo bandhigtay inay sidii laba dowladood oo kala duwan ula dhaqmayso labada waddan.
In kasta oo dowladda Turkey-gu xidhiidh dhow la leedahay Soomaaliya, gaar ahaan maamulka Farmaajo ee ka dhisan Muqdisho oo ay taageero Milatari iyo mid dhaqaaleba ku caawiso, haddana dowladda Turkigu waxa ay caddeysay inay Somaliland ula dhaqmayso sida waddan madax-bannaan.

Warbixin soo xiganaysa dhukumentiyo sir ah oo laga helay dowladda Turkiga oo dhawaan ay soo saartay hay’ad lagu magacaabo Nordic Monitor oo ka shaqeeya Deraaseynta arrimaha Ammaanka ee qaaradda Yurub, ayaa lagu sheegay in dowladda Turkiga dhukumentiyadaas ku xustay magaca Dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhuumentiyada laga helay dowladda Turkiga ee warbixintani soo xigatay oo ku taariikheysan dabayaaqada sannadkii 2018-kii, ayaa ka soo baxay xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Turkiga, waxaana waraaqaha ku xusan magacyada shaqsiyaad ay dowladda Turkigu fal-dambiyeedyo u haysatay, waxaana waraaqaha ku xusan magacyadooda iyo waddamada ay ku sugan yihiin shaqsiyaadkaas oo lala xidhiidhiyey inay u shaqeeyaan Ururro iyo siyaasiyiin lagu eedeeyey inay ka dambiyeen af-gembigii dhicisoobay ee sannadkii 2018-kii ka dhacay Turkiga.

Documentiyada la helay ee uu ku saxeexan yahay xeer-ilaaliyaha Guud ee Turkiga, ayaa waxa ka ku jira qoraal uu dowladda dalkaas kaga codsanayo baadhitaanno lagu sameeyo shaqsiyaad la eedeeyey oo uu xusay inay xilligaas ku sugnaayeen Dalka Somaliland, iyadoo waraaqaha kale ay ku xusan yihiin magacyada dalalka kale ee adduunka iyo shaqsiyaadka la eedeyey.

Waxa lagu xusay warbixinta Nordic Monitor in magaca “Dalka Somaliland” ee ka soo baxday xeer-ilaalinta ee Turkigu ay tilmaamayso in dowladda madaxweyne Erdogan wax weyn ka beddeshay mowqifkeeda Somaliland isla markaana ay ula dhaqmayso waddan madax-bannaan.

Dawladda Turkiga, ayaa dhowr jeer marti-gelisay Wada-hadalladii Siyaasiyadeed ee Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana xilligaa ka dib, Dawladda Turkigu ay Qunsuliyad ka furatay Magaalada Hargeysa.

 

Geeska.net/Hargeisa Office