Ustaad Jiim Sheekh Muumin: Mucjisadii Cuudka, Codadka iyo Miyuusigga Soomaalida

0
440

Cabdirisaaq Saalax

Waa dabayaaqadii gugii 2019-kii. Waa xilli duhur ah. Qiyaastii toddoba saac – kowdii duhurnimo – wax baa dheer. Waxa aanu hadda ka soo baxnay shaqadii. Waxa aanu saarannahay gaadhigii shaqada, anaga oo shan qof ah marka macal dirawalka lagu daro. Qoraxdu aad bay u kulushahay. Waddada dekeda ee Muqdisho ayuunu xagga number afar u jeeddnaa.

Waxa meel dhaw aan ka arkay, oday waayeel ah, oo uu wiil yar usha u hayo oo Meesha mishi biyoodka dadku ku lugeeyaan maraya. Barabiyo waa meel ku beegan albaabka dekedda laga galo. Jihada aanu u jeedno ayuu u jeedda. Waxaa iga galay muhmal in uu qofku yahay, qofka aan u malaynayo. Mise markii gaadhigu la siman yahay Ayaan jalleecay. Alleylehe, waa qudhiisii. Dirawalkii Ayaan si degdeg oo debecsan u waydiistay, in uu baabuurka ii hakiyo. Asxaabtaydiina idam ka qaatay in ay ii dul qaataan. Xoogaa ilaa toban talaabo ah baanu soo dhaafnay. Dib Ayaan ugu noqday.

“Ustaad Jiim Sheekh Muumin ma yahay, qofka aan u jeedaa?” Ayaan si furan uga hor geeyey “Haa waa qudhiisii!” Ayuu kor u yidhi. Waan gacan qaaday. Xogaa waan salaamay oo la sheekaystay qaddar ilaa shan daqiiqo ah. Maryo aad u duug ah buu sitaa, xoogaa tabaalo ahna waa ka muuqdaa. Caafimaadkiisa Ayaan warsaday. Wuxuu ii sheegay, in xoogaa maqalkiisii oo sii gaabanaya moogiye uu fiican yahay. Wuxuu I waydiiyay qofk aan ahay. Waxaan ugu soo koobay “Waa mid ka mid ah dadka taageerayaashaada ah”. Waxaan kula sii kaftamay “Hadda ha u qaadan dadkii soo gaadhay adiga oo Masraxa saran 70’nadii!”

Waxaan eegay hareerahayga. Qof waliba shaqadiisa ayuu wataa. Waa sax. Waxaanse is waydiiyay, odaygaa yare e rifrifan ee maryaha cawlan sita ee itaalka darani, sida uu  naakhuude fan “pioneer of the contemporary Somali arts” u yahay, iyo sida aanay cidina u garanaynin. Waxaan ku idhi “Jiim-ow, maanta haddii lacag lagu qiimeeyo laba heesood oo kali ah, (Waxaan soo qaaday qaaday, Wajiyaal is xasuusta iyo Caashaqa ma baran wali) oo heesahaaga ka mid ah, (intaan farta ku fiiqay albaabkii dekadda) waxa adduunyo halkaa ka soo degay, iyo waxaa daaro aad arkaysid way goynayaan, waliba baaqi kaaga soo hadhayaa. Waxbase kaa xumaan maayaan oo, Soomaali baad u hurtay oo aad qaata tidhi, haddayse Soomaalidu sidaa wax u garanayso way ka sii fiicnaan lahay.” Inta uu gacantaydii si xoog ah u qabtay, ee uu laabtiisa ku saaray ayuu si niyad ah u yidhi, “Nin dalkiisa joogaan ahay, dadkiisa la duruuf ah”.Numberka ayan ka qortay, sidii baanan isku maca salaamaynay. Arag ahaan maalintaasaa iigu dambaysay, balse Maalintaa, ilaa geeridiisii, waan ka war hayay oo mar mar telefoonka salaami jiray. Waxa iigu dambaysay la hadalkiisa laba cisho ka hor maalintii uu geeriyoon doono oo ay gabadh ehelka ahi ii jawaabtay oo ii sheegtay in aanu miyirkiisu joogin ilaa laba cisho.

Shan daqiiqo, kamay badnayn muddadaa aanu intaas is waydaarsanay. Gaadhigii baan ku soo laabtay. Asxaabtaydu, waa qurbo joog reer koonfur wada ah. Waa saddex wiil oo darawalkuna ku jiro iyo gabadh. Gabadha oo ahayd, qof aad u furfuran oo kaftan wadaagna aanu ahayn, ayaa – iyada oo la yaaban waxa aniga iyo odaygaa miskiinka ah ee usha loo hayaa aanu iskugu iman karno – si yaab leh ii waydiisay cidda uu ahaa. Aniga ma aha’e intooda kaleba, waan hubaa in ay ka soo jeedaan deegaano hal-abuurka iyo fanku aanu nolosha maalinlaha ah ugu jirin. Gabadhuse waxa ay intooda kaleba kaga duwanayd, qof af Soomaaligana hodan ku ah, da’ xoogaa ahna soo jirtay, wax bandanna fahmi karaysay bay ahayd.

Waxa aan ku idhi, “Ma xusuusataa hees aan maalin dhawayd kuu qaadayay (Gacan gacan wax siisiyo) waa ninkii sameeyey. Kuumaan qaadeen, haddaanay soo marin maskaxdaa yar ee maryaha cawlan sidata. Waxaa nagu jira isaguna, wiil da’aadayda ah, oo isagu qurbaha in uu ku dhasho ku sigtay… waxaan u jeeddaa, isaga oo sabi ah la geeyey. Kaasi Jiim iska daaye, waxaa dirqi ku ah af Soomaaliga ku hadalkiisa.  Intooduba, af ay isla wada garan karaan waa in aan doon-doono. Waxa aan ugu sheegay“waa Celebrity tabaalaysan”. Waxaan u sii raaciyay, “waa James Cameron (Ninkii Titanic sameeyey) oo kale oo nasiib darro Somalia jooga”. Malaha haddii uu Hargeysa joogi lahaa sidaa wuu dhaami lahaa. Bal adba!

Waraysiyo uu bixiyay oo tiro badan sida uu ku sheegay, Magiciisa saxda ah ee waalidkii ula baxeen waxa uu ahaa Muxyadiin Sheekh Muumin., waxa magaca Jiim u bixisay, gabadh Talyaani ah oo macalimad u ahayd. Waxa uu ku dhashay magaaladda Bulle-burte afartanada horaantoodii. Gobolka Hiiraan oo hoy u ah, badi hal-abuurka Soomaalida, khaasatan ragga alxaanta sameeya badidooda sida, Jaango, Saalax Qaasim, Xasan the Great, Aways Goobe, Siciid Xarawe iyo qaar kale oo aanan hadda xusuusnayn. Lodkaas buu Jiim-na ka mid ahaa.

Jiim Sheekh Muumin, waxa uu ahaa mid ka mid ah hilaaddii fanka Soomaalida barisamaadkii kowkow ka soo bilaabay. Xilliyaddii kacaanku curtay, waxyaabaha fiican ee la soo qaadi karo ee Kacaankii inooga tagay waxaa ka mid ahaa in afka, dhaqanka, iyo muusigga Soomaalida la dardar galiyo oo laga dhigo baadi sooc aynu inagu leenahay. Wixii intaa ka horreysay, Soomaalidu waxa ay la haysatay, miyuusigga dalalka kale, sida Soodaanta iyo Hindida. Jiim waxa uu ka mid ahaa, dadka fanka Soomaalida ee aynu naqaan maanta fan ka dhigay. Mid la tartamay fankii hareeraheena ka jiray.

Lodkaa aan qaarkood kor ku xusay, ee kaloo ay ka mid ahaayeen, Cabdikareem Jiir, Axmed Gacayte, Axmed Cali Cigaal, Cabdiraxmaan Dheere, iyo qaar kale oo faro ayuu ka mid ahaa. Waa lodkii xiligii masraxa iyo ruwaayadaha ku soo shaac baxay samaynta codadka heesihii ruwaayadahaa ku jiray. Jiim waxa uu ka mid ahaa kooxdii Asluubta ee Onkod. Kooxdaas ayuu riwaayadihii wacyi galinta u badnaa u samayn jiray codadka, waxaanu ahaa bare kooxihii fanka oo dhan u dhexeeya oo Miyuusigga iyo qalabka kala duwan tumistooda bara.

Maxaa lagu Xusuusan Doonaa?

Ma ahi miyuusishan, balse waxaan ahay qof dhandhansada miyuusigga iyo midhaha Soomaaliga ah. Sidaas darteed, aqoonta aan miyuusigga u leeyahay way xaddidan tahay. Aniga waxa uu ahaa, qofka aan ugu jecelahay kabankiisa dhegeysigiisa.  Waana hubaal, Jiim Sheekh Muumin in uu haddaanu ka koowaadba ahayn uu ahaa, dadka garaacista kabanka looga hadhay. Qof kabanka marka uu gacanta ku hayo, sida uu doono ka yeeli kara. Codad badan oo ay sameeyaan qalabka kala duwan ee miyuusigga lagu garaaco ayuu marba mid aad ka dhex maqlaysaa. Waxa uu marka uu doono, ka dhigayaa baambooy oo heestii calanka marka uu ku qaadayo aad moodid, in kooxdii oo isku dhani ay u tumauyso. Wuxuu ku ahaa mucjiso. Waa ninkii uu Aabihii Kabanka ee Xudaydi uu u sexeexay, Daa’uud oo ahaa mid ka mid ah ragga ugu gacanta wanaagsanina uu qiray in uu ku dayan jiray.

Anigu aragtidauyda, qofka heesta midhaha u yeela, iyo qaada iyo ka codka u sameeya, waxa aan mulkiyadeeda u tiiriyaa kan u dambeeya. Waa Mulaxanka. Sababtu waa; labada horeba waa la badali karaa, laxankase haddii la badalo heestu hees kale ayay noqonaysaa. Jiim Waxa uu sidoo kale ahaa, mullaxan wayn. Ka duwanaa, habkii hees dhaqameedkeena ku salaysnaa ee Mulaxaniinta aan kor ku xusay ay mari jireen. Wuxuu ahaa Aabihii Casriyaynta codadka. Waxa uu keenay wax ka duwan wixii aynu naqaaney ee dhaqankeena laga soo dheegtay, adduunyo kalena aanay inala wadaagin. Haddaad tusaale soo qaadatid; haddii aad dib u raacdid heesaha uu codadka u sameeyey toddobaatanadii iyo siddeetanadii, waxa ay u badnaayeen heesihii markii burburku dhacay loogu bililiqaysiga badnaa ee ay dhalin yaradu dib u soo qaadeen.

Heesaha aan dhulba u dhicin, ee 1991-kiiba markii dawladdu burburtay qurbe fanaaniintii dawlad la’aabta iyo abwaan la’aantu iskugu biirtay ay qurbe ka soo qaadeen, tiri; Kala Mudan, Halkuu nabarka caashaqu, Wajiyaal is Xusuusta, Dawo, Ana Laanta Ubaxa ah Adaan Kuu Lululayaa, Caashaqa Ma Baran Wali iyo qaar kale oo faro badan.

Waxayaabaha kale ee uu Mucjisada ku ahaa, waxaa ka mid ahaa Heesta marka uu mu’alifku soo sameeyo, ee uu magac su soo bixiyo, Jiim isagaa yeelan jiray. Codka ayuu magaca ugu samaysah jiray ka duwan magicii ay asal ahaan wadatay. Tusaale ahaa; heesta ‘Horta Yaa Abaal Gala’ ama ‘Abaal’ waxa uu magacii u raray, ‘Gacan Gacan’ oo ah cod uu laba goor ku celiyay darandoori ah, si ay qalbiga qofka ugu qoranto. Sidaasayna hadda Youtube ugu jirtaa. ‘Mataankeygii’ waxa uu ka dhigay ‘Kala Mudan’.

Heeso waddani ah oo badan ayuu codeeyey. Waxaa ka mid ahaa heestii caanka ahayd ee Qalinle ee “Haddii Dhulkeygoow” ee dagaalkii 77 Soomaali badan dhaqaajisay. Waxaa jirtay, hees sagaashannadii awalkoodii bay ahayd, markii aan iskuulka dhiganayay Radio Hargeysa ka bixi jirtay. Hees waddani ah oo aad aan u jeclaa bay ahayd. Inta aanu warka 7-du soo galin ayay soo kala hor mari jireen iyada iyo Heestii ‘Wallee Nin Hurdoow’ oo uu Kuluc qaadi jiray. Laba heesood oo wax-ku-ool ah bey ahaayeen. Heestaasaan beri dambe Iyana bartay in Jiim Sheekh Muumin uu laxankeeda sameeyey. Waxaa qaadi jirtay gabadh la odhan jiray Sahra Mire Weheliye. Waxay odhan jirtay;

“Wallee ma hagrado dhulkayga

Wallee halis ugama baydho

Wallee hawl ugama baaqdo

Ninkii wada hadimadiisana

Walee abid lama heshiiyo…”

Waxa haddaba dhabano hayska ahi waxa uu yahay; Waxa aynu joognaa Somalia. Waxa aynu ka hadlaynaa waa af, dhaqan iyo suugaan Soomaaliyeed. Waa taariikhdeenii. Taalooyinka waa laba; qaar xun xun oo laga cawdu billaysto iyo qaar fiic fiican oo lagu hirto. Jiim Sheekh Muumin oo ahaa Taalo wanaagsan oo taariikhdeena baal dahab ah kaga jiray in aanan arkin meel lagu aasay cir iyo dhul toonna. Ma anaa degdegaya, toloow? Jiim iyo geeridiisu, waxa ay tusaale nool u tahay, sida dantii gaarka ahayd ay uga taqqalubtay dantii guud. Soomaalidii sidaasay u macno beeshay. Waxa suurto gal ah, qisada maalintaa aan la kulmay, iyo guudmarkaa kooban ee intaa aan ka aqaano ah ee aan kor ku qoray, haddii tiiyoo English aan qori lahaa ay macno ka wayn laga yaabi ahaa intaa aan Soomaaliga ku soo qoray ay kuu samayn lahayd. Yaahuu!

Ilaaha wayn ee waaxidka ahi ha u naxariisto Ustaadka. Dhamaan qoyskiisii, ehelkiisii iyo Umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo Iimaan saadiqa ha ka siiyo. Naf-hurkii uu u sameeyeyna Umaddiisana Janno ha ugu badalo. Amiin.

Wabilaahi Towfiiq!

Cabdirisaaq Saalax

+252634466677