Dhismaha Maktabada Qaranka Oo Si Rasmi Ah Loo Bilaabay

0
679

Picture1

Hargeysa (Geeska)-Dhismaha Maktabada Qaranka ee uu Madaxweynuhu dhagax dhigay, ayaa hawsha Maktabada oo ay gacanta ku hayaan Dhalinyarada Samo-talis dhismaheedii si toos ah loo bilaabay.

Munaasibad balaadhan oo si weyn loo soo agaasimay oo Shalay lagu qabtay Xarunta laga dhisayo Maktabada Qaranka ayaa waxa soo soo qeyb galay Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Qorsheynta Qaranka, Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada,  Guddoomiyaha Ururka Samo-talis Axmed Daahir, Masuuliyiin ka socotay Ururkan, Qurbo-joog, Haween iyo Dhalinyaro.

Wasiirka Qorsheynta Qaranka Somaliland  Sacad Cali Shire oo isagu Munaasibadaas ka hadlay ayaa hadalo iskugu jira dardaaran iyo dhiirigelin ka soo jeediyey, waxaanu tilmaamay in loo baahan yahay in si wada jir ah Dhismaha Maktabadan looga wada qeyb qaato, oo cid walba oo wax ku tari kartaa ay ku darto.  Guddoomiyaha Ururka Samo-talis Axmed Daahir ioo isna Munaasibadaas ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyey qiimaha ay Maktabada Qaranku ay u leedahay Dhalinyarada iyo Bulshada reer Somaliland, waxaanu Madaxaweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), uga mahadnaqay Dhulkan uu ugu deeqay Dhalinyarada, si looga dhigo Maktabadii Qaranka, waxaanu xusay in si toos ah loo bilaabayo dhismaha Maktabada Qaranka, waxaanu sheegay in Gobolada kala duwan ee dalka ay iyana ka hirgelin doonaan Maktabado, si Dhalinyarada, Ardayda iyo Bulshadu ugu faa’iidaysto, jahligana loo tirtiro, dhinaca Waxbarashada horumar laga gaadho, oo ay Somaliland u yeelato Aqoonyahano. Jaamac Yuusuf Kaahin oo ka mid ah Qurbo jooga Somaliland, gaar ahaana degan dalka Ingiriiska ayaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ku amaanay Dhulkan uu bixiyey ee laga dhisayo Maktabada Qaranka, waxaanu xusay in Madaxweynuhu u hiiliyey, wax badana u qabtay Dhalinyarada, uu istaahina in Shanta Sanno ee dambe ku guulaysto Doorashada si uu Dhalinyarada wax ugu qabto. Maxamed Cabdisalaan oo isna ka mid ah Ururka Samo-talis, ahna Qurba joog, oo munaasibadaas ka hadlay ayaa ka waramay doorka ay ka qaateen, sidii loo hirgelin lahaa loona heli lahaa Maktabada Qaranka, waxaanu xusay in dadaal dheeraad ah u hureen, isla markaana aanay ka daali doonin inay halkaas ka sii wadaan hawsha u taala. Guddoomiyaha Jaamacada Beder Mubaarig Ibraahim Aar, Agaasimaha SONSAF Maxamed Axmed Barawaani, Masuuliyiin iskugu jira Qurbo joo, Haween,Odayaal iyo Dhalinyaro ay dhammaantood si isku mid ah u soo dhaweeyeen Maktabada Qaranka ee Dhismaheeda sida tooska ah loo bilaabayo, waxayna Madaxweynaha uga mahadnaqeen Dhullkaas uu Dhalinyarada ku caawiyey, waxayna Bulshada ka codsadeen in si wada jir ah looga wada qeyb qaato, waxaana ugu dambeyntii halkaas ka hadlay Wasiirul dawlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Axmed Nuur Faahiye, oo ku dheeraday ahmiyada iyo muhiimada ay Maktabadu u leedahay Dhalinyarada iyo Ardayda.