Dhinaca Qorsoon Ee Nolosha Madax Dunida Caan Ka Ah (4): Jacaylkii Askarinnimada Ku Seegi Gaadhay Jamaal Cabdinaasir Iyo Caashaqii Al-Bashiir Cirrada Ku Helay

0
873

1Hargeysa (Geeska)- Qormadan oo uu wargeyskan Geeska Afrika ilo kala duwan ka soo dheegtay waxa aynu si kooban ugu eegaynaa qisaska jacayl ee boqorro iyo hoggaamiyeyaal caalami ahi qirteen in ay soo mareen, gaar ahaan qisaskooda guurka ku dambeeyey. Si gaar ah, qaybahan dambe waxa aynu ku eegi doonnaa buugga Buugga Nisaa’u Zucamaa’ “Haweenka hoggaamiyeyaasha” oo uu qoraaga caanka ah ee Muumin Al-Muxamadi si xiise badan ugaga waramaya qisaska jacayl ee soo maray qaar ka mid ah madaxweyneyaasha iyo boqorrada Carbeed.

Askarigii jeclaaday inanta saaxiibkii ee shaaha u keentay

Jamaal Cabdinaasir, madaxweynihii wadaniyadda Carbeed astaanta u noqday ee dalka Masar ayaa intii aanu xilka qaban oo uu ka tirsanaa ciidamada waxa uu si aad ah u iman jiray guriga saaxiibkii Cabdalxamiid oo ahaa ganacsade isirkiisa hore ka soo jeedo Iiraan. In kasta oo da’ahaan ay aad u kala weynaayeen Cabdalxamiid iyo Jamaal Cabdinaasir.

Maalinmaalmaha ka mid ah ayaa isaga oo saaxiibkii la fadhiya waxaa u soo gashay oo shaah u keentay inan uu dhalay Cabdalxamiid oo shaah u sidda aabaheed saaxiibkiisa martida u ah. Qacdii koowaad ee Jamaal uu indhaha ku dhuftay inanta saaxiibkii ee shaaha u siddaba, waxaa lagu taagay waran caashaq. Malaha waa run oo jacaylku xuduud iyo xakame ma ixtiraamo ee Jamaal waxa uu bilaabay in uu badiyo booqashada guriga saaxiibkii isaga oo keliya xiisaynaya in uu arko mar kale inantan Taxiyah Kaazim, si uu u qaato go’aankiisa kama dambaysta ah ee guur. Waana ay dhacday oo saaxiibkii ayaa uu maalintii dambe si cad uga codsaday in uu inanta ku daro.

Cabdalxamiid oo isagu ganacsade ahaa waa uu xaal ogyahay saaxiibkii Jamaal in uu yahay askari weliba aan darajo aad u sarraysa lahayn, sidaa awgeed isaga iyo innamadiisa intii talo ku jirtayba ma’ay jeclaysan in ay inanta siiyaan Jamaal oo xitaa ay ka shakisan yihiin in uu nolosha inanta iyo qoyska abuurmaya dammaanad qaadi karo maadaama oo mushaharkiisu aad u yar yahay, dakhli kalana aanu lahayn. Si kastaba ha ahaato ee, inantii waa ay u bandhigeen, taladooda diidmada ahna waa ay u raaciyeen, kadib waa ay xorriyad u siiyeen in ay iyadu go’aan ka gaadho Jamaal. Taxiyah maba ay walaacin ee si dhaqso ah ayaa ay aabaheed iyo walaalaheed ugu sheegtay in ay diyaar u tahay guurka ninkan, muddo laba bilood gudaheed ahna guurkii ayaaba dhacay.

Jamaal Cabdinaasir oo ahaa madaxweynihii labaad ee Jamhuuriyadda Masar waxa uu talada hayey Afar iyo tobankii sano ee u dhexeeyey 1956 illaa 1970kii. Waxa uu xilka qabtay isaga oo 38 jir ah, laakiin maalintii uu gurusanayey, Taxiyah Kaathim aabaheed, qoyskeeda, iyada lafteeda iyo xitaa Jamaal Cabdinaasir ma’ay filayn in uu madaxweyne noqon doono iyaduna marwada koowaad ee dalka Masar noqon doonto.

Caashaqii Al-Bashiir Cirrada Ku Helay

Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir oo xaas leh ayaa la sheegay in uu caashaq da’ weyni ku helay muddo ku dul wareejinayey Widdaad Baa-bakar oo ah haweenayd u dhalatay dalka Suudaan oo waxbarasho sare leh.

Widdaad oo uu hore u qabi jiray Janaraal sare oo ka tirsanaa ciidamada qalabka sida ee Suudaan, kaas oo ku dhintay shil diyaaradeed in kasta oo ay minyaro u noqotay madaxweyne Bashiir oo xaas hore lahaa, haddana si dhaqso ah ayaa ay uga magac sarraysay afadii ay odayga ugu timid, waxa aanay ku guulaysatay in loo aqoonsado Marwada Koowaad ee dalka Suudaan, kadib markii ay si aad ah uga dhex muuqatay bulshada, laguna tilmaamsaday Marwo firfircoon, oo bulshada dabaqadda hoose si aad ah u kaalmaysa, si weyna loo arkay gacantii caawimo ee ay u fidisay dadkii ku barokacay dagaallada Daarfuur. Laakiin cidi ma taqaan muuqa Faatima Khaalid oo ah xaaska hore ee Cumar Al-Bashiir.