Dhinaca Qorsoon Ee Nolosha Madax Dunida Caan Ka Ah: John Kennedy- Jacaylkii Siyaasadda Iyo Khiyaamadii Dumaashiyada

0
717

In kasta oo Jacqueline bilowgii hore aad loogu ammaanay dulqaadkii ay ugu samirtay saygeeda tumashada badnaa, inta badanna laga soo sheegayey wararka xidhiidhada dumar ah, haddana waxa uun jiray dad aaminsan in Jacqueline aanay jeclayn ama ugu yaraan jacayl tusin John Kennedy, isla markaana marar door ah uu ku ogaaday khiyaamooyin kuwiisa la mid ah. Laakiin waxa uu xaalkeedu si caadi ah isu beddelay dibaddana u soo baxay dhimashadii khaarajinta ahayd ee saygeeda kadib, waxaa la ogaaday in ay noqotay gabadh xidhiidho badan oo dhinaca ragga ah leh.

Buugga ‘Jacqueline Kennedy Onassis: A Life Beyond Her Wildest Dreams’ ayaa labada qoraa ee Darwin Porter iyo Danforth Princes waxa ay Jacqueline ka sheegeen dhawr arrimood oo u qaadan waa noqday, waxaana ka mid ahaa in Jacqueline ay xidhiidh jacayl oo qarsoodi ah la’ lahayd, Robert F. Kennedy oo Bobby loo yaqaannay walaalana ahaayeen saygeeda madaxweynaha ahaa ee John F. Kennedy, xidhiidhkaasina si fiican u soo shaac baxay dilkii John kadib. Sidoo kale waxa uu buuggani markii ugu horreysay sheegay in Jacqueline ay sidoo kale xidhiidh qarsoodi ah oo jacayl la’ lahayd Ted Kennedy oo isna an wiil kale oo ay walaalo yihiin madaxweyne John F. Kennedy, kaas oo weliba ay ku dhex wadday xidhiidhkii Bobby, markii uu Bobby qudhiisu dhintayna ay sii wadday. Arrinta kale ee fool xumida ah ee buuggani xusay ayaa ah in Ted uu ogaa in Jacqueline ay xidhiidh la’ leedahay walaalkiisa kale, balse uu u badheedhay, isaga oo mar dambe oo la weydiiyeyna si badheedh ah u yidhi, “Weligayba waa aan jeclaa Jacqueline tan iyo bilowgii… waana aan ogaa in ay xidhiidh la’ leedahay Bobby, laakiin taasi iima ay diidin in aan sii wado xidhiidhkeeda. Bobby inta badan lama uu joogi jirin”

Jacqueline waa ay hareer fadhiday saygeeda Kennedy markii ay ku dhacday xabbaddii lala soo shiishay mar gaadhi dusha sare qaawan ay ku dhex marayeen mid ka mid ah shaaracyada magaalada Dallas oo uu madaxweyne Kennedy booqasho ku joogay. Waxa ay ahayd dhacdo xanuun bdadan oo markii xabaddii uu u dhintay ay madaxa kaga dhacday ee uu hoos isugu dhacay inta ay dhankiisa u jeesatay ayaa ay ku tidhi, “Maxaa ku helay? Maxaa dhacay?” markii ay garatay xaqiiqada waxa dhacayna iyada oo ooyeysa inta ay ku foorarsatay ayaa ay ku tidhi, “Waa ku jecelahay Jack. Waa aan ku jecelahay. Laakiin waxa ay ahayd goor xeedho iyo fandhaal kala dhaceen oo uu Jack mayd yahay. (Jack waa magac loo yaqaannay madaxweyne John F. Kennedy).

Jacaylkaas ay ku dhawaaqday Jacqueline, in uu run ka ahaa waxa ay dad badani sii rumaysteen markii madaxweyne ku xigeenkii John Kennedy oo loo doortay madaxweyne inta uu u yeedhay Jacquelin uu u soo bandhigay in ay safiir ka noqoto dalka ay doonto. Waa ay diidday, waxa aanay u sheegtay in ay doonays hadda kadib in ay daryeesho oo ay korsato carruurteeda labada ahaa oo ay ku sheegtay xusuusta keliya ee Jack ay ka hayso. Xitaa waxa ay diidday safaaradda Maraykanka ee dalka Faransiiska iyada oo la ogaa in ay hore u jeclaan jirtay nolosha Paris, afka Faransiiskana aad u taqaannay, dalka Faransiiskuna ay hubaal tahay in uu soo dhoweyn lahaa.

Jacqueline waxa ay sheegtay in aanay xiise u qabin siyaasaddii saygeeda sahayatay, dad badan ayaana qisadaas la qirooday oo ku macneeyey in Jacqueline ay weli illaawi la’dahay dhiiggii ninkeeda ee ku daatay toobkeeda, iyo maydkiisii dhabteeda ku soo dhacay. Si kastaba ha ahaato ee dad badan ayaa qiiradoodaas dib u ceshaday markii uu soo baxay buuggan oo qarxiyey sirta xaaska Madaxweyne Kennedy oo ahayd in ay xidhiidho kala duwan la wadaagtay rag badan, oo weliba xidhiidhadaasi ay isugu jiraan kuwo ay wadday intii uu saygeeduba nolaa iyo geeridiisii kadib.

Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa carriga Ingiriis oo buuggaas aad u sii akhriyey ayaa sheegay in uu buuggu fashiliyey in Jacqueline oo muddo Tobannaan sano ah tusaale loogu soo qaadanayey daacadnimo iyo u go’itaanka saygeeda ay xaqiiqadu noqotay in ay saygeeda khiyaamayn jirtay, oo ay ku hoos wadday xidhiidho sir ah iyo khiyaamooyin. La soco…