Badhtamihiisannadkii 1953kii ayaaay Jacqueline isku waafaqeen in ay isguursadaan, laakiin sababo aan ujeedadooda la garan ayaa uu John F. Kennedy dib ugu dhigay ballantaas guurka, isaga oo ku simay illaa heer warka xidhiidhka Jacqueline iyo John uu soo shaac baxay, wargeysyada qaarna kaba dhigeen fadeexad ay baadhis iyo lafagur ku sameeyaan. Si kasta ha ahaato ee markii dambe waxaa soo baxay xogo iftiimiyey in Kennedy uu dib u dhigista guurka iyo soo shaac bixinta xidhiidhka isaga iyo Jacqueline ka lahaa ujeeddo siyaasi ah o ahayd in warbaahintu wax ka qorto kadibna hadal haynta magaciisu bulshada soo dhexgalo si loo wada barto, guurkiisuna uu u dhaco iyada oo la wada sugayo, arrintaas oo uu John u arkayey in ay wax ku tarayso ujeedkiisa siyaasadda, “Xildhibaanka doobka da’da yar ah ee dumarka iyo noloshu maanqaadeen, ayaa doonayey in uu isku soo shaac saaro warka sheegaya in uu jacayl aad ah u qabo haweenaydan saxafiyadda ahayd, kadibna uu guurkiisuna yeesho raad wanaagsan oo dhinaca warbaahinta ah” ayaa lagu yidhi qaar ka mida ah warbixinnaha laga qooray. AymanTuhaami oo ah qoraa Carbeed oo buuggiisa “Boqorro iyo boqorado… Boqol sano oo jacayl ah, boqol sano oo khiyaamo ah” kaga hadlay qisadan ayaa ku dooday in ujeedada koowaadee Kennedy ka lahaa guurka Jacqueline ay ahayd ol’ole doorasho. Jacqueline iyo hooyadeed waxa ay aad uga cadhoodeen hab macaamilka John Kennedy iyo sababaha ayn macno darrada u arkayeen ee uu dhowr jeer dib ugu dhigay xafladda guurka iyo weliba isaga oo culayskii hawsha qaban-qaabada guurka oo dhan kaga baxsaday Jacqueline. Muddo gaaban guurkoodii kadib waxaa soo shaac baxay muranno hor leh iyo dayacaad badan oo Jacqueline ay kala kulantay John F. Kennedy oo u muuqday in aanu xitaa diyaar u ahayn in uu waajibaadkii qoysnimo ee dhankiisa si dhamaystiran u guto. Tusaale ahaan iyada oo fool ah ilmaheedii koowaad ayaa uu safar aan ujeeddo lahayn ku galay badda oo muddo 3 maalmood ah ku maqnaa kadib markii uu ku dhacay doorashooyinkii golaha odayaasha. Jacqueline waa lagu qalay ilmahaas xaaladdaas qallafsanna kelideed ayaa ay waajahday iyada oo uu John muddadaa saddexda maalmood ah kadib uun ogaaday in xaaskiisii ilmihii lagu qalay.
Durbadiiba waxaa soo shaac baxay warar sheegaya in Jacqueline dalban doonto furniin laakiin ma’ay dhicin waxaana jiray warar sheegaya in John F. Kennedy aabihii oo maalqabeen ahaa uu Jacqueline xaal marin u siiyey Hal Milyan oo doolar isaga oo ka dalbaday in aanay furniin dalban, waayo waxa uu ka cabsi qabay in furniinkaasi wax u dhimo sumcadda wiilkiisa oo lahaa qorshe uu doonayo in uu Maraykanka madaxweyne ka noqdo.
Jacqueline oo uu qoraaga buugga aynu soo xusnay ku tilmaamay gabadh awood badan, ayaa u dulqaadatay ceebihii saygeeda ee bilowgiiba ay dareentay, kuwaas oo ay ka mid ahayd in uu ahaa shabeel naagood aan ka waaban xidhiidhka dumarka xitaa markii uu madaxweynaha noqday. In kasta oo dad badani ay aaminsan yihiin in sababta koowaad ee markii dambe Jacqueline ku kalliftay dulqaadku ay ahayd iyada oo danaynaysay mansabka ay xaasnimadiisa ku gaadhay, waxa ay u dulqaadanaysayna uu ahaa mansabka madaxweynenimo ee uu hayey oo ay dano badan ku qabtay, balse aanu ahayn shakhsiyaddiisa caadiga ah.
In kasta oo Jacqueline aanay mar keliye odaygeeda ay kala irdhoobeen kaga garab-bixin dagaalka siyaasadda iyo ol’olayaasha doorashooyinka ee dhibta badan illaa uu madaxweyne noqday, haddana waxaa la aaminsan yahay in iyada iyo inanteeda curad midkoodna aanu abid Kennedy la wadaagin nolol qoysnimo oo xasiloon iyo farxad aabo iyo odaynimo. xitaa waqtiyada firaaqada iyo fasaxa midkood kastaa kelidii ayaa uu u qaadan jiray waqtiga nasashadiisa.