Dhinaca Qorsoon Ee Nolosha Madax Dunida Caan Ka Ah: 2 Boqoradood, Caashaqii Fannaaniita Iyo Qasriga Tumashada

0
611

1

Burburkii qoyska Faaruuq iyo Fariidah:

Sida ku cad buugaagta lagagga waramo qisaska iyo khiyaamo iyo dhaqan xumo ee Suldaan Faaruuqii Masar. Waxaa dhacday in habeen-habeennada kam id ah uu Suldaan Faaruuq la ballamay gabadh lagu magacaabo Layla Shiiriin iyada oo uu khiyaamaynayo xaaskiisa oo qasriga joogta.

Nasiib darro boqorkii waxa uu ballantan illaaway, kadib markii uu u baxay kulan degdeg ah oo uu ku gaadhay goor dambe oo habeennimadii ah. Gabadhii uu la ballamay oo halkii uu kula ballamay ee qolkiisa hortiisa taagan ayaa waxaa si kedis ah ugu soo baxday xaaskii boqorka ee Fariidah, isla markiiba waxa ay fahamtay in gabadhani ay u socotay odaygeeda, sidaa awgeed inta ay gabadhii hub ula soo baxday ayaa ay ugu hanjabtay in ay dili doonto haddii aanay runta sheegin, gabadhii Shiiriin waa ay baqday oo waxa ay qiratay in boqorku uu halkan ku ballamiyey si caawa ay ula seexato.

Fariidah gabadhii waxa ay u sheegtay in ay bulshada iyo dadka oo dhan ku dhex fashilin doonto aakhirkana dili doonto, haddii aanay xeer-ilaalinta horteeda ka qiran in boqorka ay xidhiidh qarsoodi ah la lahayd. Sidii ayaa dhacday waxaana qaraxday fadeexad aad u weyn oo dhulka dhigtay sumcaddii boqorka iyo dawladdiisaba.

Faaruuq aad ayaa uu uga cadhooday, arrintan ay Fariidah samaysay oo uu u arkayey in ay masuuliyad darro iyo cadaawad tahay. Gaar ahaan cadhadiiisu waxa ay cirka isku sii shareertay markii arrintii shacabkii ku dhex faaftay ee ay dadkii isugu soo baxeen dibad baxyo ay kaga cabanayaan anshax xumada boqorka iyo in dhaqaalihii dalka uu ku tumanayo xilli dadku baahan yahay. Hal-ku-dhegyada ay la soo dibad baxeenna waxaa ka mid ahaa, “Cuntadii iyo hu’gii mayee, boqorkii dumarkoow” oo ay uga jeedeen baahida haysa dadkiisa ee cunto iyo hu’ ba leh iyo in uu isagu u go’ay xidhiidhada dumarka.

Fadeexaddan boqorku intaas kuma ay joogsan ee waxa ay qarxisay cadhadii ay dadku marka horeba ka qabeen dhaqan xumada hooyadii Naasili ay ku kici jirtay markii ay dalka joogtay iyo markan oo ay Maraykan tagtay sida ay u ceebaysay dalka Masar ee boqorkuna waxba uga qaban kari waayey dhaqan xumadaas hooyadii. Dad aad u tiro badan ayaa boqorka ku dibad-baxay iyaga oo ku dhawaaqaya, “Faaruuqoow, hoog ee waar hooyadaa Maryakan ka soo kaxee” iyo hal-ku-dheg waqtigaas kadib illaa maanta caan ka ah dunida carabta oo ahaa, “Ninka hooyadii xukumi kari waayey, ummad ma xukumi karo”

Ugu dambayntii Fariidah waxa ay aragtay in aanay la sii noolaan Karin boqorka Shabeel-naagoodka noqday, waxa aanay ka dalbatay in uu furo, in kasta oo ergo kala duwan laga galayna ma’ay yeelin in ay boqorka sii wada joogaan, dalabkaas oo uu aakhirkii boqorkuna fuliyey sannadkii 1948kii.