Dhinaca Qorsoon Ee Nolosha Madax Dunida Caan Ka Ah (17): Qisada Caashaqii Saddaam Xuseen: “Gabadhyahay Ama Ku Calfaday Ama Ku Dilay” Saddam

0
623

Naqdiga Buugga:

Dad badan ayaa shaki geliyey illaa xadka la wada rumaysan karo xogta ay Parisoula Lampsos ku qortay buuggeedan, waxaana jira dad ku doodaya in ay wax yaabaha qaar buunbuunisay ama madow ku jiro. Waxaa ka mid ah askarigii waardiyaha u ahaa Saddaam Xuseen oo hadda ku nool magaalada Amsterdam ee dalka Natherlands. In kasta oo uu haddana askarigan oo lagu magacaabo Xasan Al-Jabuuri wuu qirayy in dadka sida aan rasmiga ahayn iyaga oo aan shaqo cad oo laga qoray u socon u soo booqan jiray Saddaam Xuseen aan si dhayal ah lagu ogaan kari jirin magacooda iyo ujeedada ay u socdaan midna. Waxa kale oo uu Jabuuri qiray in Saddaam Xuseen uu dumar aad u badan xidhiidh la’ lahaa, weliba ay isaga iyo ragga kale ee ay wada shaqeeyaan qabeen dareen ah in uu xidhiidhada dumarka ku badnaa, laakiin Saddaam uu ahaa nin aad u taxaddar badan oo jecel in aan la ogaan noloshiisa ka baxsan shaqada rasmiga ah. Mar kastana ku dadaali jiray in uu isu muujiyo nin awood badan, isu-dheelli tiran oo aan dhacdhac lahayn, maskax iyo garaad badnina ku shaqaynaya, waana fahamka uu ku beertay dadka ku xeeran oo dhan oo sidaas u arki jiray.

Si kastaba ha ahaato ee Jabuuri waxa uu ku doodayaa in uu shaki badan ka qabo in gabadhani ay xidhiidh sidaa ay sheegtay u adag la yeelatay Saddaam Xuseen, maadaama oo aanu mar keliya ku arkin qasriga. Waxa uu ku dooday in gabadhan ay ka muuqato uun in ay adeegsadeen sirdoonka Maraykanka oo ujeedadoodu ahayd in ay ridaan Saddaam Xuseen. “Ugu yaraan warkeedii runta ahaa waxa ay ku dhex darsadeen been badan, si ay siyaasi ahaan iyo dacaayad ahaan uga faa’idaystaan” ayaa uu idhi Jabuuri.

Mar talefishan waraysi ka qaadayey uu Parisoula Lampsos u gudbiyey naqdiga buuggeedani uu kala kulmay dad kala duwan, cod dheer oo cadho ka muuqato ayaa ay iskaga difaacday dhaliilaha buuggeeda iyo guud ahaan qisadeeda loo soo jeediyey.

Parisoula Lampsos buuggeeda iyo qisadeeda marnaba kuma ay xoojin hal sawir ama caddayn kale oo si uun u muujinaysa xidhiidhka ay Saddaam Xuseen la’ lahayd, haddana wararka qaar ayaa sheegay in markii dambe ee Maraykanku Ciraaq qabsaday 2003dii ee aad loo baadhay kaydkii gaarka ahaa ee Saddaam Xuseen laga helay sawirrada Parisoula Lampsos.

Si kastaba ha ahaato ee Buugga Parisoula Lampsos su’aalo badan ayaa aanu jawaab waafi ah u haynin. Waxaa iyaduna madow badan galay qisada wiilkeedii ay sheegtay in ay 1980-maadkii ku umushay Giriigga ee Qustandiin, maadaama oo aanay marna si cad u sheegin in uurkaas uu lahaa Saddaam Xuseen, laakiin buuggeeda ay si dadban arrin macnahaas leh ugu xustay, haddana mar dambe oo waraysi lala yeeshay ay diidday in ay si cad u sheegto wiilkeedaas aabihii.