Goodfhater waa Filim Maraykan ah oo laga soo dheegtay buug uu sannadkii 1969kii qoray Mario Puzo oo Talyaani ah. Buuggaas oo ka warramaya qisada qoys Talyaani ah oo Maafiyada ka tirsan. La soco…
Waraysigaas Parisoula Lampsos waxa ay ku sheegtay in aanu shaki kaga jirin in Saddaam Xuseen uu daawan doono waraysigaa laga qaaday. Markii waraysigan laga qaadayey da’deedu waxa ay ku jirtay dabayaaqada Kontameeyada, markii ugu horreysay ee ay warbaahinta dunida ka soo muuqataana waxa ay ahayd sannadkii 2002da, oo waraysiga aynu kor ku soo xusnay ay magaalada Beyruut ee dalka Lubnaan ku siisay talefishanka ABC. Laakiin waraysigaas kadib dib looma arkin meel ay ku dambeeyeen iyada iyo inateedu, laakiin muddo dheer kadib ayaa haddana dhowaan iyada iyo labadeeda hablood lagu arkay Sweden.
Parisoula Lampsos waxa ay sheegtay in Saddaam ay xidhiidh jinsi la lahayd muddo ku dhow 30 sannadood, waxa ay baratay iyada oo 16 sano jir ah, mana ay awoodin in ay nolosheeda ka saarto, waayo xidhiidhkooda yaaa ahaa sida ay sheegtay mid aad u qoto dheeraday oo adag.
Sirdoonka Maraykanku markii uu Parisoula Lampsos ka soo saaray dalka Ciraaq waxa uu go’aamiyey in hadda kadib ay ku noolaato nolol sir ah oo aan wax raad ah ku lahayn gebi ahaanba nolosheedii iyo taariikhdeedii hore, waayo waxaa weli laga cabsi qabay in sirdoonka Ciraaq uu ka aargoosto oo meel kasta oo ay joogto lagu khaarajiyo sida in badanba ku dhacday dad mucaarad ku noqday Saddaam Xuseen iyo dawladdiisa.
Parisoula Lampsos waxa ay Maraykanku u bixiyeen Maria, muddo dheer kadib ayaana dhowaan uun la ogaaday in ay ku nooshay dalka Sweden oo ay weliba dusha si aad ah uga ilaaliyaan haayadaha ammaanka ee dalkaasi. Dadka deegaanku magacan cusub ayaa ay u yaqaannaan iyada qudheeda ayaana u muuqata in ay illowday taariikhdeedii hore oo hadda isu taqaanna magacan cusub.
In kasta oo ay Parisoula Lampsos qortay buuggan ay ku sheegayso noloshii ay la wadaagtay Saddaam Xuseen iyo xidhiidhkii jacayl ee ka dhexeeyey, haddana imika si aad ah ayaa ay u diidday in buuggeeda xusuus-qorka ay u bixiso “Jacaylkii Saddaam Xuseen” waxa aanay ku andacootay in arrintaasi xaqiraad ku tahay maadaama oo ujeedka ay buugga u qortay uu yahay in ay dhacdooyinkii runta ahaa sidooda uga sheekayso xumaan iyo sammaanba.
Parisoula Lampsos inanteeda Aliky ayaa iyaduna aakhirkii ku guulaysatay in ay ka soo baxsato Ciraaq, iyada oo u tagtay dad ay qaraabo yihiin oo deggen Giriigga, halka Parisoula Lampsos ay iyadu tagtay dalka Sweden oo ay degeen iyada iyo inanteedii kale iyo ninkeedii. Laakiin wargeyska Geeska Afrika oo warbixinahan soo ururiyey uma ay suurtogelin in uu ogaado in ninkeedaasii uu yahay kii hore ee Ciraaq ka soo baxsaday horteed iyo in uu yahay nin dambe oo ay is guursadeen.
Warfidiyeenka ku booqdayn Sweden waxa ay sheegeen in nolosha Parisoula Lampsos ay ku nooshay ay aad uga fogtahay raaxo, laakiin iyadu waxa ay sheegtay in ay iskala qabsatay. Waxa ay sheegtay in ay weelkeeda xalato, gurigeeda ka shaqaysato si caadi ahna uga adeegato suuqyada magaalada yar ee ay deggen tahay, taas oo ah nolol gebi ahaanba aanay arkin marka dib loogu noqdo nolosheedii Baqdaad ee Saddaam Xuseen hortii iyo intii ay isaga xidhiidhka yeesheenba. “Qalbigaygu weli Baqdaad ayaa uu joogaa” ayaa ay ku tidhi warfidiyeenka iyada oo intaas ku sii dartay, “Indhaha ayaa aan isku qabtaa, markaas ayaa aan ooyaa. Waxa aan xasuustaa ubaxii beertayda ka bixi jiray urtii udgoonayd ee dhirta kala duwan ee beerta ka baxday ay samayn jirtay” Parisoula Lampsos dadka kag dhowaa waxa ay sheegeen in sannadkii 2006da markii Saddaam Xuseen dilkiisa ay ka daawatay talefishanka in ay miyir beeshay oo wadne xanuun kedis ahi ku soo booday. La soco…