Masibadii:
Wiilkii weynaa ee Saddaam Xuseen, Cudday Saddaam ayaa kufsaday inantaydii, waxase taas ka sii ayaan daran in aanan waxba ka qaban karayn. Markii ay inantayda Liisa ii sheegtay waxa dhacay, inta aan horteeda jilbaha dhigay oo laabtayda sida ilma yar ku dhejiyey, runtiina xilligaas waaba ay yarayd ee, ayaa aan ku calaacalay, “Maxaa aan sameeyaa? Ii sheeg, maxaa aan sameeyaa? Ma soo dilaa? Ma in aan dilo ayaa aad jeceshay, ii sheeg hooyo Liisa?
Liisaa wax jawaab ah ima ay siinin ee waa ay aamustay. Muddo dhowr toddobaad ah ayaa inta ay kursi fadhiisato kelideed ay aamusnaan jirtay iyada oo aanu mar keliya erey afkeeda ka soo bixin. Waxa ay diidday in ay dugsigii tagto. Maalin kasta inta aan habsiiyo ayaa aan laabtayda ku xejin jiray si aan u illowsiiyo gacmihii qallafsanaa ee Cudday.
Aniga oo dhunkasho ku qarqiyey ayaa aan ku idhi, “Waa ayaamo kooban oo waa aad ka gudbi doontaa hooyo, waxbaad jeclaan, waanad guursan ninka aad jeclaato! Wax kastaa waa ay hagaagi doonaan, dhibtanna waa aad ka bogsan doontaa oo aad iska illaawi? Liisa xilligaas 16 jir ayaa ay ahayd, waxa aan qabay dareen ah in taariikhdu dib isu soo celin doonto oo qisadani ay soo noqnoqon doonto. Saddaam Xuseen uma aan sheegin waxa dhacay, illaa uu sannad badhkii ka soo wareegtay masiibadii Liisa heshay. Isla markii aan u sheegayna dhowr saacadood gudahood ayaa Cudday lagu soo xidhay, iyada oo aan baadhis iyo maxkamad midna la marin. Laakiin muddo gaaban dabadeed waa la sii daayey. Waxa aan si fiican u garanayey in Cudday aanu iga cafiyi doonin xabsigaas. Xadhigaasi waxba ma tarin oo waxa uu ku guulaystay in uu dhibraaxo aanan filayn igu dhufto.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa aniga oo ka soo noqday dukaanka oo aan alaab ka soo iibsanayey waxa aan soo galay gurigii oo qolkii soo dhoweynta ay fadhiyaan rag ka mid ah gacanyarayaashii Cudday. Carruurtii guriga joogtay iyo shaqaalihii oo dhan qolkan koone ka mid ah ayaa ay isugu ururiyeen. Markii ay i arkeen waxa ay carruurtii amar ku siiyeen in aanu mid keliyi halkiisa ka dhaqaaqin. Rag xoog badan ayaa anigii ii kaxeeyey qolka fadhiga, albaabkiina hoosta iiga xidhay, kadib waxa ay la soo baxeen qalab koronto ku shaqaynaya oo ay igu qabteen, si aad u fool xunna waa ay ii garaaceen, illaa aan u qaatay in maanta ay tahay maalintii aan dhimanayey. Meel keliya oo jidhkayga ka mid ahi kama ay badbaadin garaacii iyo korontadii. Xitaa markii aniga oo miyir beelay aan dhulka ku dhacay, waa ay sii wadeen garaacistii. Waxa aan dirqi k sii maqlayey qof talefanka kala hadlayey saaxiibadday oo iyadu dhakhtar iigu yeedhay. Meel kasta boog iyo barar ayaa igaga dhigay, dhowr bilood ayaana ay igu qaadatay in aan badqabkaygii soo wada ceshado. Saddaam Xuseen uma aan sheegin xad gudubkan uu inankiisu ii geystay, laakiin haddana waxa aan is leeyahay markii uu arkay, waa uu garanayey cidda igu dhufatay iyo sababtaba.
Digniintii u dambaysay:
Saddaam Xuseen waxa uu ku noolaa duni dhiig buuxiyey oo gudcur ah, waxa uu gunta u fadhiyey ajo iyo wasakh waalli ah, waxa aanu lahaa cadow aad u badan. Qofna kama uu cafiyi jirin xumaan ama gef uu ka galo, qof kasta waa uu ka aargoosan jiray, xitaa gefka yar ee aan ciqaabta mudnayn qofka kuma uu dhaafi jirin. Waxaa is tusi jiray humaag beenaad ah khiyaamo iyo dhagar loo maleegayo. Maalin kasta dad ayaa u dhiman jiray sababo aan la garanayn. Geeridiina waxa ay noqotay qayb ka mid ah nolosha joogtada ah ee qofka Ciraaqiga ah.
Saddaam Xuseen inta uu indho daal ka muuqdo igu soo eegay ayaa uu igu yidhi, “Timo-cadeey waa in aynu xad u yeelno arrinkeenna” Aniga oo ka qarinaya in aan ka diday ereygiisaas ayaa aan weydiiyey, “Sidee aynu u xadaynaa?” kadib waxa uu iigu jawaabay, “Waxba ka garan maayo. Waa in aan ka fikiraa taas. Laakiin waxa keliya ee aan si fiican oo hubaal ah u garanayaa waa in aanu nin kale ku taaban doonin?” (In aanu nin kale dabaday xidhiidh kula samayn doonin). Hadalkaasi waxa uu ahaa ishaaradii ugu horreysay ee warwar iyo cabsi igu beertay. Saddaam beri hore ayaa uu ii sarbeebay in aan milkigiisa ahay oo uu igu tirinayo in uu isagu iska kay leeyahay. Maantana waxa uu si cad iigu sheegayaa in geeriyi i sugayso, laakiin waqtiga iima uu sheegin.
Waxaa aan naftayda u sheegay in la gaadhay waqtigii aan ka baxsan lahaa Ciraaq. Waxa uu ahaa kulankii caadiga ahaa ee kulamadii hore la mid ahaa ee isugu kaaya dambeeyey Saddaam Xuseen.
– “Waa aad is beddeshay” ayaa uu igu yidhi Saddaam Xuseen. Waxa aan iska dhigay in aanan waxba fahmin, inta aan Saddaam u dhoolla caddeeyey ayaa aan cod dabacsan iyo lahjad laddifan ku idhi, “Adiga ayaa xabiibi isbeddelay! Adiga ayaa isbeddelay ee aniga ma’aha!” La soco…