Dhinaca Qorsoon Ee Nolosha Madax Dunida Caan Ka Ah (12): Qisada Caashaqii Saddaam Xuseen: “Gabadhyahay Ama Ku Calfaday Ama Ku Dilay” Saddam

0
642

Hargeysa (Geeska)- Laakiin maxaa aan samayn?! Jacaylkayga dhabta ahi waxa uu ahaa Saddaam. Warwarka, yasidda, calool xumada, kelinimada, hamada iyo xiisaha iyo soo jiidashada xidhiidhka jinsiga ah ayaa isu beddeli kara doonis bahalnimo ah, gaar ahaan waxa ay iga dhigeen ruux u janjeedha wixii xaaraanta ahaa ee laga khajili jiray. Waxaas oo dhan waa aan garanayn, laakiin garasho aan anfac lahayn ayaa ay noqotay. Waa aan ogaa in aan saddex sano ku jiray xaalad holac iyo gubasho ah, laakiin marka aan ku dawakho badweynta kacsan ee noloshayda halka keliya ee aan ku xasili jiray waxa uu ahaa ninkan (Saddaam), sidaa awgeed dan kama aan lahayn wanaaggiisa iyo xumaantiisa.

Markii aan Saddaam Xuseen u soo galay waxa aan ku idhi, “Maxaa aad iga rabtaa? Maxaad faraha iiga qaadi la’dahay?” Ereyadan qallafsan waa aan ku odhan kari jiray, marka uu Saddaam iska deggen yahay. Waxa uu iigu jawaabay, “Waxa aad tahay ubaxaygii aan goosan lahaa, aniga oo keliya ayaana aad gabadh ii noqon kartaa” Mararka qaarna waxa uu igu odhan jiray, “Ma awoodo in aan la’aantaa noolaado, timo-cadeey. Aniga ayaa aad abidkaa ila joogaysaa”

Si kataba ha ahaato ee waxaa waajib igu ahaa in aan mar kasta taxaddar yeesho. Oo aan kala garto dabeecadaha Saddaam, marka uu kacsan yahay ee ay tahay in aanan ka cadhaysiin iyo mar kale. Waxa aan xasuustaa maalin aan ka hinaasay dumarka kale ee Saddaam xidhiidhka la’ lahaa oo aan hubo in ay jireen. Si adag oo cadho ku jirto ayaa aan ugu qayliyey oo aan mar keliya hadalkii kala joojin waayey. Si lama filaan ah ayaa inta uu baastooladdiisii la soo baxay uu xabbad ku riday saqafka guriga. Naxdin ayaa aan gariiray, waxa aan u qaatay in maanta ay tahay maalintii aan dhimanayey, mar labaad iyo mar saddexaad ayaa uu xabad cirka u riday oo saqafka qolka ku dhuftay.

“Hus, xidh afkaaga timacadeey” ayaa uu si kulul iigu yidhi.

Saddaam Xuseen si fiican ayaa uu ugu kalsoonaa in labadiisa wiil aanay ka hor imanayn weligood, sidoo kale iyaguna waxa ay ogaayeen haddii ay sidaa yeelaan in uu dili doono. Saddaam Xuseen waxa uu markii dambe ii magacaabay shaqo ah in aan ku xigeen u noqdo wiilkiisa Cudday oo maamuli jiray xidhiidhka ciyaaraha ee dalka Ciraaq, muddo 10 sano ah ayaa aanan shaqadan hayey. Muddadaas Saddaam Xuseen waa aanu kulmaynay, laakiin mar keliya ma’aan sii ogaan jirin goorta aanu kulmayno, Saddaam Xuseen waxa uu jeclaa in uu isu muujiyo nin aan la malaysan Karin, ama la sii saadaalin Karin ficilka uu ku kacayo, sidoo kale waxa uu muujisan jiray naxariis, xannaanayn iyo dhibirsanaan badan, maalin hadyad ayaa inta uu I siiyo ayaa uu iska kay fasaxayaa, maalin kalana xidhiidh jinsi oo weliba aad u kakan ayaa uu ila samaynayaa, xataa marka aan ku sii socda ma sii malaysan karayn waxa uu maanta maaggan yahay ama iga yeeli doono.

Saddaam Xuseen waxa uu ahaa nin shakhsiyaddiisu xoog badan tahay, xitaa marka uu kelidii aniga ila joogo, laakiin haddana mararka qaarkood waxaa ku dhici jirtay daciifnimo uu is illaawo oo aanan abid kay illaabi doonin. Waxaa jiray habeenno inta uu dhinacayga jiifsado oo dhabtayda barkado uu sida ilmaha yar u dhaqmi jiray.

Weligay ma’aan fahmin sababta uu Saddaam Xuseen illaa xadkaas igu dheggenaa, waa suurtogal in keliya la qabsiga uu la qabsaday agjooggayga ay tahay. Noloshiisa kaalin ayaa aan kaga jiray, laakiin weligay arrintaas kalama aan sheekaysan, sidoo kale dadka ku xeerani si gaar ah ayaa ay ii tixgelin jireen.

Saddaam Xuseen qaraabo ma’aannaan ahayn, Muslimna ma’aan ahayn, sidoo kale wax xidhiidh ah lama aan lahayn xisbiga Bacaska, cid haddii maanta aan u baahdo i difaacda ama i ilaalisa ma’aan lahayn. Maalmahaas waxa aan bilaaba in habeenkii marka aan cidlada dareemo inta aan beerta gurigayga ku taalla dhex fadhiisto in aan isla sheekaysto, dayaxa ayaa aan uga sheekayn jiray murugadayda iyo waayaha noloshayda oo dhan. Beertayda ay derbiyada dhaadheeri ku wareegsan yihiin inta ana dhex fadhiisto ayaa aan dayaxa la sheekaysan jiray, mararka qaarkood waxa ay naftaydu is tusi jirtay in uu iga cadhaysan yahay daxaya qudhiisuna, laakiin yeelkii kol haddii aanu mar keliya ka daalayn in uu warkayga dhegeysto.

Mararka qaarkood waxaa dhici jritay in habeenkii inta aan Saddaam Xuseen la casheeyo aanu kadib cawayska wada fadhiisanno barandaha dabaqa sare ee qasriga oo ku jeeday webiga Dijla, aniga oo gacanta ku haysta koob khamri ah, habeen habeennadan ka mid ah ayaa uu Saddaam Xuseen si kedis ah iigu sheegay in uu doonayo in aan u basaaso inankiisa weyn ee Cudday oo ahaa maamulahayga shaqada. Laakiin waa aan ka diiday, waxa aanan u sheegay in aanan awooday in aan wiil u basaaso aabihii. La soco…