“Dhiiggii Loo Soo Daadiyey Somaliland, Mid Ka Badan baanu U Daadinaynaa Ictiraafka..” Madaxweyne Biixi

0
453

Hargeysa (Geeska) – Munaasibad ballaadhan oo lagu xusayo sannad-guurada 30-aad ee ka soo wareegtay maalinta qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 18-ka May, ayaa Habeen hore lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland.

Munaasibaddan qaran oo si weyn loo agaasimay, ayaa waxa ka qaybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, madaxweyne-ku-xigeenka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), shir-guddoonka goleyaasha Guurtida iyo wakiillada, guddoomiyaha maxkamadda sare, , xubno ka mid ah golaha wasiirrada, hoggaanka saddexda xisbi qaran, xildhibaanno, Safiirrada dalalka Itoobiya, Jabuuti, Imaaraadka Carabta, Turkiga iyo Taiwan u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland, wufuud caalami ah oo ka socotay dalalka Somaliland saaxiibka la ah, haldoor kala duwan oo bulshada qaybaheeda ah, aqoonyahan, haween, dhallinyaro iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa halkaas ka jeediyey, ayaa si qoto dheer uga hadlay marxaladihii kala dambeeyey ee ay Somaliland soo martay, horumarka ballaadhan ee ay ku tallaabsatay iyo hiigsiga fog ee ay leedahay, waxaana uu carrabka ku ballaadhiyey qiimaha ay maalintani ugu fadhido shacabka reer Somaliland, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Maanta waa 18-kii May, sannad-guuradii 30aad ee ka soo wareegtay la soo noqoshada madaxbannaanida Qarannimada JSL. Waa maalintii nabadda, bad-baadada, horumarka iyo helista nidaam Dawladeed oo ku dhisan doonista iyo rabitaanka shacabka JSL.”

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay inay Somaliland xorriyaddeeda kaddib, iskeed isugu tashatay, nabaddeeda iyo horumarkeedana gacanteeda ku dhisatay, iyada oo aanay jirin cid kale oo taageeraysaa, isaga oo ammaanay kaalintii xilkasnimadii ururkii SNM, “Dhammaan shirarkii nabadeynta ee Somaliland iyadaa xoog, xoolo iyo xigmadba isku tashatay, cid ajaanib ahina waxba kuma darsan. Geedi-socodkii nabadeynta beelaha Somaliland waxa saldhig u ahaa talo-wadaag, isu-tanaasul, is-qancin, iyo doorkii muhiimka ahaa ee ay ka ciyaarayeen Guurtida iyo Salaadiinta Somaliland oo ay shacabku kalsooni ku qabeen iyo Ururkii SNM oo taladii la wadaagay mudakarkii beelihii aan ka midka ahayn iyo shacabka Somaliland. Taasina waxa ay ka dhigaysaa Ururka SNM mid taariikhda ku gala ururka kaliya ee dal uu u soo halgamay qabsaday, oo taladii la wadaagay dadkiisii. Taas oo keentay is-aamin, kalsooni iyo in laga wada shaqeeyo Qaran dhiska,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay Somaliland maanta marayso marxalad horumar iyo Dimuqraaddiyad buuxdaa ka hana qaadday, islamarkaana ay guul weyn ka gaadhay dhammaanba Adeegyada Aas-aaska u ah nolosha Bulshada ee waxbarashada, Caafimaadka iyo Biyaha, islamarkaana uu hiigsigeedu yahay helitaanka Ictiraaf buuxa oo ay beesha caalamka ka hesho.

Madaxweynuhu wuxuu ka digay faro-gelinta iyo carqaladaynta ay maamulka Muqdisho ku hayso Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana uu sheegay in haddii aanay colaadintaas ka waantoobin ay keeni doonto Aafo riiq dheeraata oo ku habsata, guud ahaanba shucuubta Soomaalida “Maanta dalalka boqol iyo dhowr iyo sagaashanka dowladood ee aduunka jira dowladda qudha ah ee aan ogleyn ee ka soo horjeeda qaranimada Soomaaliland waa dowladda Xamar ka dhisan ee watigeeda dhamaaday,” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi, waxaanu intaa ku daray oo uu farta ku fiiqay in Somaaliland ay doonayso in caalamka oo dhan nabad ay kula noolaato “Somaliland haddii aanu nahay waxaanu leenahay Soomaaliya iska dhaaf’e sanku-neeflaha Adduunka oo dhan baanu rabnaa inaanu dhexdiisa aanu nabad ku wada noolaano..”

Madaxweynaha Somaliland wuxuu ka warramay ahdaafta Somaliland “Yoolkeena koowaad waa ictiraaf inaanu helno oo uu noqdo Somaliland qaran jira oo qeyrkii wax la qeybsada oo goleyaasha caalamiga ah aanay cidina matali karin, wakhti kasta ha nagu kacdo, qiima ay doonto ha noogu kacdo, dhiiggii loo soo daadiyay (Somaliland) mid ka badan ayaanu u daadinaynaa ictiraafka, haddii loo baahdo,” ayuu yidhi madaxwayne Biixi, waxaanu intaas ii raaciyey oo uu khudbaddiisa kaga hadlay doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada “Somaliland waxaa ka go’an dowladaa-na waajib ku ah in ay doorashooyiinka noqdaan kuwa waqtigooda lagu qabto..”

Madaxwaynaha Somaliland ayaa sidoo kale ku baaqay in la laga dheeraad wax kasta oo dadka kala geyn kara “Inaga oo aan raalli kala ah aan qabano doorashooyiinka oo wax badan aan isla gorfeyno inta aanan doorashooyinka galin, doorashooyiinku waa in midnimo iyo kalgacal, horumar iyo waxqabad inoo horseedaan, ma aha inay caay iyo qabaa’il iyo fadeexad iyo xumaan inoo horseedaan,” ayuu intaa ku daray.

 

Geeska.net/Hargeisa Office