Dawladda Somaliland Oo Caalamka U Dirtay Baaq Ku Saabsan Dhibaatada Isreal Ku Hayso Falastiin

0
424

Hargeysa (Geeska) – Dawladda Somaliland, ayaa ka hadashay dhibaatada Ciidammada Isreal ku hayaan Dadka Reer Falastiin ee Muslimiinta ah.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayey Xus loo sameeyay 30 Guurada ka soo wareegtay markii Jamhuuriyadda Somaliland Madax-banaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya, ayaa ka hadlay duqaymaha Isreal ka geysanayso marinka Qasa ee dhulka Falastiin.

Madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay in aanay xilligan Somaliland lahayn awood ay ku taageerto Somaliland, balse itaalkeedu yahay yahay duco, waxaanu yidhi  “Somaaliland Falastiin waxa ku dhacaya aad iyo aad ayay uga xun tahay, tabartayadu maanta waa duco, hiil qalbiga ah, hiil duco, hiil dadnimo, ku islaanimo iyo ku dadnimo inta waan la garab taaganahay.”

Madaxweynaha Somaliland wuxuu intaa ku daray in dalalka leh codka diidmada qayaxan ee Qaramada Midoobey ay masuuliyadda ugu wayn ka saaran tahay sidii colaadda loo joojin lahaa “Waxaanu baaq dheer ugu sheegaynaa, anagu odhan mayno caalamka ee shanta dowladood ee caalamka ka taliya ee leh codka diidmada qayaxan kuwa ugu tunka wayn ee taageeraya dulmiga ku dhacaya shacabka iyo agoonta iyo maatada Falastiin, war waxaanu leenahay adduunku sidaasi ahaan maayee ee ha la badbaadiyo maatada iyo falastiiniyiinta loo xoog sheeganayo,” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

 

Geeska.net/Hageisa Office