Dhiigga Lo’da Oo Ka Mid Noqday Meelaha Dawada Looga Raadinayo Coronavirus Ka Iyo Dawo Laga Deyriyey

0
610

Dhiigga Lo’da ayaa ku soo biiray meelaha dawada looga raadinayo Fayraska sida ba’an dunida ugu faafay ee Corona oo sababa xanuunka COVID-19. Shirkadda SAB Biotherapeutics oo xarunteedu tahay dalka Maraykanka ayaa sheegtay in la filayo in bisha Julaay la bilaabo tijaabada dawo loo adeegsanayo daweynta xanuunka COVID-19 oo ka samaysan dheecaanka dhiigga (Plasma) lo’da.

Sida lagu sheegay warbixin ay faafisay shabakadda wararka ee CNN, cilmibaadhayaashu waxa ay tijaabo ku sameeyeen unugyo ay ka qaadeen maqaarka lo’da kaddibna ay ka saareen hidde-sidaha masuulka ka ah curinta lid-jidh-galeyaasha ka hortaga Fayraska iyo walxaha kale ee jidhka soo gala, waxaana u soo baxday in habdhiska difaaca ee lo’du uu aad ugu eegyahay ka bani’aadamka, gaar ahaan tijaabooyinkii lagu sameeyey oo muujiyey in labadan habdhis difaac ay si aad isugu dhow ula dagaalamaan fayraska Coronavirus.

Tijaabooyinka kaddib waxa ay shirkaddu samaysay tijaabada dawo ay u bixisay ‘SAB-185’ inkasta oo aanay weli shaacin dawo iyo tallaal mid ka ay dawadaasi noqon doonto haddii ay tijaabadeedu guulaysato oo ay soo baxdo.

Arrrin kale oo xidhiidh la leh ‘Coronavirus’ ayaa ah wasiirka caafimaadka ee dalka Ingiriiska Matt Hancock oo si aad ah u soo dhoweeyey isticmaalka dawada Dexamethasone ee loo adeegsado daweynta fayraska Coronavirus oo la sheegayo in ay natiijo fiican muujisay. “Dawadani waxa ay si weyn kor ugu qaadday fursadaha bogsasho ee bukaanka. Waxa ay ka mid tahay wararka ugu fiican ee la helay intii lagu guda jiray masiibada Coronavirus” ayaa uu yidhi wasiir Hancock.

Dawadan oo la sheegayo in ay illaa hadda natiijo fiican ka keentay bukaanka loo adeegsaday, laakiin dhakhaatiir Maraykan ah ayaa shaki ka muujiyey waxtarkeeda. Waxa aanay sheegeen in ay raadad taban caafimaad kaga tegeyso bukaanka.