Dhibaatooyinka Uu Dikhoowga Hawadu Ku Hayo Maqaarkeenna Iyo Siyaabo Loo Yarayn Karo

51
3512

Hargeysa (Geeska)- Dikhawga hawadu waxa uu qayb weyn ka yahay dhibaatooyinka sida joogtada ah ugu dhaca maqaarka aadamaha, laga soo bilaabo xasaasiyadda, midab-guurka, dhalaalka dabiiciga ah oo ka taga maqaarka illaa laga soo gaadho findoobka, coodhcoodhka soo degdega iyo finanka yaryar ee furuuruca loo yaqaanno gaar ahaan kuwak a soo baxa sanka iyo hareerihiisa ee madowga ah.

Haddaba Dikhawga hawada oo hore loo ogaa in uu khataro caafimaad ku keeno habdhiska neefsiga iyo wareegga dhiigga, ayaa markan ay ugu soo biirtay in uu dhaawaco caafimaadka iyo quruxda maqaarka, waxa aana sidaas xaqiijiyey cilmibaadhiso tiro badan oo middii ugu dambaysay oo baadhisteedu socotay muddo 15 sano ah lagu sameeyey dalka Jarmalka.

Daraasadahaas oo hoos ugu sii dhaadhacay qiyaasta xaddiga uu dikhawga hawadu ka qaato xanuunnada kala duwan ee uu keeno ayaa waxaa ka soo baxday natiijadan:

  1. Furuuruca: Boqolkiiba 41 furuuruca wejiga ka soo baxa, waxaa keena wasakhda hawada innagu xeeran ku lammaan.
  2. Xasaasiyadda Maqaarka: Boqolkiiba 39 xasaasiyadda maqaarka ku dhacda waxaa keena dikhawga hawada.
  3. Caweefnimada midabka: In midabka dabiiciga ahi isu beddelo caddaan dambaska oo kale ah, oo afka caafimaadka lagu yidhaahdo ‘Paleness’ ayaa la ogaaday in uu boqolkiiba 28 ka yimaaddo xaalado la xidhiidha dikhawga hawada.

Xaaladdani siyaabaha kale ee ay ku timaaddana waxaa ka mid ah, qulqulka dhiigga iyo ogsajiinta oo hoos u dhaca, ama tirada unugyada dhiigga cas oo yaraada.

  1. Calaamadaha gabowga: In calaamadaha gabowgu qofka ka muuqdaan xilligii ka horreeyey da’da lagu yaqaannay in ay calaamadahani ku soo muqudaan. Waxa ay cilmibaadhisuhu caddaynayaan in boqolkiiba 25 xaaladahani ay ku yimaaddaan dikhawga hawada.
  2. Findoobka: Findoobku waa xaalad aad u badan oo siyaabo kala duwan ku yimaadda, waxaa ka mid ah in boqolkiiba 23 ka mid ah findoobku uu ku yimaaddo sababo la xidhiidha wasakhowga hawada.
  3. Ingag badan: Ingagga iyo jidhka oo laga dareemo biyo la’aan qallayl ahi waxa ay boqolkiiba 16 ku timaaddaa dikhawga hawada. Waxa ay daraasaduhu sheegeen in sababta uu dikhawga hawadu u keenayo dhibaatadani ay tahay maaddooyinka suntan ah ee ku dhasa hawada oo ay ka mid tahay, Lead iyo Sulphur dioxide oo labaduba ka soo baxa macdanaha iyo warshadaha iyo maadadda Nitrogen oxide oo ku jirta qiiqa shidaalka ee gaadiidku sii daayo, Carbon monoxide oo qiiqa sigaarka ku jirta iyo maaddooyin la mid ah oo dhammaantood sun ah si aad ahna ugu bata hawadu marka ay dikhowdo hawadu. Waxa aanay dhammaantood dhaawacaan maqaarka.

Sidee la isaga ilaalin karaa?

Si aynu maqaarkeenna uga ilaalinno dhibaatada ka dhalan karta dikhawga hawada, waxa ay xeeldheereyaashu tilmaameen saddex tallaabo oo lagama maarmaan ah:

  1. In maqaarka la nadiifiyo iyada oo la iska ilaalinayo waxyaabaha adag ee dhaawac gaadhsiin kara gaar ahaan wejiga. Waxa kale oo lagu nadiifin karaa saliidaha dhirta laga miiro, sida geedka moringaha iyo saliidda heedda laga saaro. Waxaa iyaguna jira saliido iyo kiriimo ay ku jiraan maaddooyin loogu talagalay in ay maqaarka ka tirtiraan raadadka suntan iyo kiimikada lu dhex milan hawada dikhawday.
  2. Maqaarka oo la xoojiyo lana daryeelo: Curiyeyaasha lidka ku ah maaddooyinka kiimikaad ee khatarta ku keena maqaarka waxaa ka mid ah Faytamiinnada C iyo E, iyo kiriimada lagu sameeyo maaddooyinka Resveratrol iyo Phloretin. Waxaa iyaguna jira habab dabiici ah oo maqaarka suntan ka nadiifin karta, waxaa ka mid ah muudka midhaha shamaamka oo awood u leh in ay maqaarka ka tirtirto curiyeyaasha suntan ah ee maqaarka fuula.

Difaac guud oo dabiici

Maadaama oo dikhowga hawadu uu keenay laba dhibaato oo mid tahay in kiimikooyinka hawada ku dhex milmay ay khatar ku yihiin guud ahaan caafimaadka oo kan maqaarkuna ka mid yahay, isla markaana uu abuuray kulayl intii hore ka badan oo isaguna leh dhibaato kale oo caafimaad darro, gaar ahaan dhinaca maqaarka oo ay fallaadhaha UV ee qorraxdu ku keenaan caafimaad darro badan, waxa muhiim ah in uu qofku ka fikiro hababka kala duwan ee uu bilowgaba uga hortegi karo dhibaatadaas si aanay xaaladdu uba gaadhin heer uu dawooyin u baahdo.

Waxaa ka mid ah in qofku uu maalin kasta cabbo ugu yaraan 8 koob oo biyo ah, iyo in cuntooyinka uu cuno ay ka mid noqdaan dufannada caafimaadka u fiican ee ay ku jirto maadadda Omega2 iyo Omega6 oo aad looga helo kalluunka dufanka leh iyo saliidda qumbaha.

Waxaa muhiim ah in uu jidhku helo maaddooyinka liddiga ku ah mariidka / suntan waxaa ka mid ah Faytamiinka noociisa C oo khudradda laga helo, Faytamiin B oo laga helo cuntada midhaha ah sida qamandiga iyo Faytamiin E oo laga helo khudradda Afakaadhada loo yaqaanno. Waxaa isaguna lagu taliyaa in qofku toddobaad kasta dhowr jeer cuno beedka, oo la og yahay in qaybtiisa huruudda ah ay ku jiraan maaddooyin iyo curiyeyaal liddi ku ah suntan, halka qabtiisa cadina ay hodan ku tahay barootiinno  iyo faytamiinno muhiim ah oo maqaarka ka ilaaliya dhaawaca iyo calaamadaha gabowga ee waqtigooda ka soo horumara.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here