Geeska Afrika Oo Helay Dhukumenti Garnaqsi Ah Oo Uu Madaxweyne Rayaale U Diray Toddoba Hoggaamiye Oo Afrikaan Ah Iyo Nuxurka Ku Duugan

0
566

Picture33Hargeysa(Geeska)-WargeyskaGeeska Afrika, ayaa helay Dhukumenti culus oo uu Madaxweynihii hore Md. Daahir Rayaale Kaahin u diray toddoba hoggaamiye oo Afrikaan ah. Qoraalkaas oo ah mid garnaqsi ah, wuxuu Madaxweyne Rayaale diray 23 January, 2008.

Dhukumentigan uu Wargeyska Geeska Afrika, helay wuxuu Madaxweynihii hore si toos ah ugu diray Madaxweynihii wadanka Gaana Mr. John Kufour, oo waktigaas ahaa guddoomiyaha ururka Midowa Afrika, waxaanu Daahir Rayaale Kaahin qoraalkaas uu kula garnaqsaday Madaxweyne John Kufour,   uu ugu sheegay in Midowga Afrika iska indho tirayo xaqaa’iqa yaala Somaliland  iyo weliba in cadaalad darro baahsan lagula kacay shacabka reer Somaliland. Ugu horayn wuxuu Daahir Rayaale, salaan ka dib madaxweynaha Gaana dareensiiyay aragtida shacabka Somaliland ee ku waajahan dawladnimadooda, amniga iyo aayo ka tashigooda, isagoo intaas u raaciyay safarkiisii uu wakhtigaas ku tagay Maraykanka iyo Ingiriiska oo ay ka soo wada hadleen danaha ay la wadaagaan Somaliland. Madaxweynihii hore, wuxuu dhambaalkiisa uu u diray Madaxweynihii Gaana ku soo koobay afar  qodob, oo uu qodobka u horeeyaa yahay “Waa cadaalad darro iyo weliba sharci darro in hantidii ay wada lahaayeen Somaliland iyo Somaliya la siiyo dhinac keliya, iyadoo aan dhinacii kale lala tashan.” Ayuu ku yidhi Rayaale qodobkiisa koowaad, isagoo qodobka labaadna ku yidhi, “Kursiga Somalidu ay ku leedahay Midowga Afrika waa inuu banaanaadaa inta ay Somaliland iyo Somaliya khilaafkooda ku xalinayaan wada hadal.”

Daahir Rayaale, oo qoraalkiisa uu Madaxweynihii Gaana u diray ay ka muuqatay dhiiranaan iyo isku kalsooni badani, wuxuu qodobkiisa saddexaad, ku yidhi “Somaliland iyo Somaliya, waa in kursi goob-jooge laga siiyaa Midowga Afrika, inta lagu jiro mudadaas [xalinta khilaafkooda].”, waxaanu qodobkiisa u dambeeya ku yidhi, “Ugu dambayna Somaliland iyo Somaliya waa in la siiyaa laba kursi, iyagoo ah laba dal oo kala madaxbanaan ah.”

Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin, waxa kale oo uu Madaxweyne John Kufour, oo ahaa guddoomiyihii Midowga Afrika ee wakhtigaas dareensiiyay sida aanu Midowga Afrika ugu camal falin warbixin ay guddi uu ururku soo diray ka diyaariyeen Somaliland, taas oo nuxurkeedu ahaa inaanu aqoonsiga Somaliland dhibaato u keeni doonin Afrika. “Mudane, xuquuqda shacabka Somaliland waa la iska indho tiray 17kii sannadood ee u dambeeyay, iyadoo ay sidaas tahayna Somaliland waxay maraysaa marxalad adag, xuquuqda Somaliland oo keliyana lama dafirin ee weliba wadankayga waxa loo ciqaabay dambiyada ka dhacaya waxa loo yaqaano Koonfurta Somaliya dambiyadan waxa ka mid ah tahriibinta bini-aadamka, budhcad badeeda, tahriibinta hubka sharci darada ah iyo waxyaabo kale.” Ayuu ku yidhi qoraalkiisa Madaxweyne Rayaale, isagoo raaciyay, “Marka ay sidaas tahayna, mudada uu midowga Afrika hoggaaminayo caqligaaga wanaagsani, waxaan rajaynayaa inaan la iska dhego-tirin codsiyada Somaliland ee ah cadaalad iyo garsoor. Cadaaladda oo dib loo dhigaa, waa cadaaladii oo la dafiray.”

Rayaale, wuxuu guddoomiye John Kufour, ku wargeliyay inuu mar labaad madaxda Midowga Afrika ku martiqaadayo inay Somaliland u soo diraan wefti labaad oo xaqiiqo raadis ah. “Ugu dambayn aan Mudane, kaa codsado inaad codsigaygan soo hordhigto shirka midowga Afrika ee soo socda ee 31 January, 2008.” Ayuu ku yidhi, isagoo intaas raaciyay “Waxaan ku rajo weynahay oo aan kalsooni ku qabaa in la horumarin doono mabaa’diida aasaaska u ah Midowga Afrika oo ah xoojinta nabadgelyada iyo dawlad wanaaga, talaabo haboona la qaadi doono . Waxaan kaa sugayaa jawaab deg deg ah.”

Madaxweynihii hore, Daahir Rayaale Kaahin, wuxuu qoraalkan uu u diray Madaxweynihii Gaana oo ahaa guddoomiyaha Midowga Afrika, wargelin ahaan iyagana ku siiyay madaxda kala ah Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki oo wahktigaas ahaa guddoomiyaha IGAD, Raysalwasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi, Madaxweynaha Rwanda Paul Kigame, Madaxweynihii Koonfur Afrika Thabo Embeki, Madaxweynaha Tansaniya Jakaya Kigwete iyo Madaxweynihii hore ee Nayjeeriya Umaru Yar’ Adua.

Si kastaba ha ahaae, qoraalada Daahir Rayaale u diro bulshada caalamka, ayaa waxa ka muuqatay isku kalsooni iyo inaanu la gabanin difaaca qaranimada Somaliland, waxaanay dad badani aaminsanyihiin wakhtigan uu talada wareejiyay inuu waxyaabo badan oo muhiim ah ka qabtay dhinaca xidhiidhka caalamka iyoweliba isu soo dhawaynta bulshada Somaliland. WargeyskaGeeska Afrika, wuxuu akhristayaashiisa u balan qaadayaa inuu dhawaan si taxane ah u soo bandhigi doono Dhukumentiyo kale oo uu helay, kuwaas oo uu Madaxweynihii hore u diray madax isugu jirta, Afrikaan, Maraykan, reer Yurub iyo weliba Carabta.