Dhawaaqa / Siidhiga Dheguhu Maqlaan, Sababaha Keena, Iyo Kaalinta Dhegeysiga Qur’aanku Ka Qaato Dabiibkeeda

40
4484

Qatar (Geeska)- Waxaa jira xanuun afka qalaad lagu yidhaahdo ‘Tinnitus’ waa in qofku maqlo dhawaaq sida siidhiga, dawanka ama guuxa ah, iyada oo aanay jirin wax run ahaan dhawaqaa keeni kara oo ka agdhowi. Waxa uu noqon karaa cod dheer oo aanu qofku u adkaysan kari waayo ama mid aad u gaaban oo qofku meel fog ka dareemayo, labada dhegoodba waa uu kai man karaa dhawaqaasi, mid keliya in uu noqdana waa suurtagal. Mararka qaarkood waxa uu gaadhaa heer uu qofka ku rido diiqad iyo isku buuq, ama uu ka lumiyo awoodda u fiirsiga.

Tirokoob lagu sameeyey dadka Maraykanka ayaa lagu ogaaday in shantii qof ee kastaba uu mid ka mid ahi dhibaatadan qabo, dadka sannadkii dhakhaatiirta ugu tagto cabasho la xidhiidha dhawaqanina ay tiradoodu gaadho 12 milyan.

Sababta

Sababaha keena xaaladdan waxaa ka mid ah qofka oo maqla ama dhegeysta cod aad u dheer oo dhaawac gaadhsiiya unugyada dareemada ee dhegta gudaheeda, waxa kale oo keena xaydha oo ku badata dhegta gudaheeda, dhegta gudaheeda oo caabuq yeelata, dhiigkarka, gabowga iyo cillad ku timaadda dareenwadaha maqalka. Waxa kale oo sababa dhawaqa dhegta ama uga sii dara, cabbista alkahoosha, cabbista badan ee cabbitaannada leh maadadda Caffeine ta, sigaar nuugista badan, iyo dawooyinka qaar oo ay ka mid tahay dawada Aspirin ku.

Xidhiidhka ka dhexeeya dhego beelka

Qofka xaaladdan isku arka waxaa u fiican in uu dhaqso ula xidhiidho dhakhtar takhasus ah si loo hubiyo sababta keenaysa. Haddii aanay jirin sabab caafimaad oo keenaysaa waxaa jira habab dhowr ah oo lagu dabiibi karo xaaladdan.

Tirakoobyo hore loo sameeyey ayaa muujinaya in 5 tii qof ee kasta ee xaaladdan isku arka 4 ka mid ahi ay ku dambeeyaan dhego beel ama dhego culays ay u baahdaan in loo xidho sameecadaha maqalka.

Jawaabta Dhakhtarka

Dr. Waliid Cisuddiin Karaar oo ku xeeldheer maqalka iyo isu dheellitirkiisa, kana tirsan hay’adda caafimaadka ee Xamad oo dalka Qatar ka dhisan ayaa sheegay in xaaladda maqalka dhawaqu ay ka mid tahay xaaladaha ugu caansan ee la xidhiidha caafimaadka dhegaha. Dr. Waliid oo sida oo kalana kaaliye-Bare-sare ka ah jaamacadda Maraykanka ee Harvard ayaa barnaamijka caafimaadka ee ‘Ciyaadatu Jasiira’ oo ka baxa talefishanka Aljazeera ayaa sheegay in dhakhtarka marka uu qof xaaladdan qabaa u yimaaddo, tallaabada koowaad ay tahay in uu u sameeyo shaybaadh dhiigga ah iyo mid kombiyuutarka MRI ah si loo hubiyo in ay jirto sabab muuqan karta ama xanuun toos ah oo keenaya xaaladdan, waxa kale oo ay tahay in dhegta gudaheeda laga hubiyo in dhukaygu ku batay, waayo iaga laftiisa ayaa keeni kara dhawaqa”

Dr. Waliid waxa uu sheegay in sababta xaaladdan keenaysaa ay tahay mid aan dhibaato ku keenayn nolosha bukaanka, oo tusaale ahaan uu isku arko uun marka uu seexdo. Markaas waxaa dhakhtarka la gudboon in uu adeegsado dabiib cod ah, ‘Sound therapy’. Dhakhtarku waxa uu sheegay in dabiibka ugu fiicani uu yahay in qofka bukaanka ah la dhegeysiiyo Qur’aanka Kariimka ah, iyada oo bukaanka laga rabo in uu maskaxdiisa ku jiheeyo dhegeysiga cidka qur’aanka oo uu ka soo jeediyo dhawaqa kale ee uu maqlayo. Waxa aanu si gaar ah u sheegay xilliga habeenkii marka uu qofku sii seexanayo in uu Qur’aanka dhegeysto.

Dhegeysiga Qur’aanka Kariimka ah ayaa keenaya in ugu dambaynta uu qofku ka bogsado xaaladdan maqalka dhawaqa aan jirin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here