Dhaqanka Isu Xoogsheegashada Carruurta Ama Cawaandadda Iyo Siyaabaha Loola Macaamili Karo (Q.3)

0
822

Waa qaybtii saddexaad ee qormadii aynu ku eegaynay dhaqanka u xoogsheegashada carruuraha kale ee lagu arko carruurta qaarkood, (Cawaandadda), sababaha keena iyo siyaabaha ilmaha dhaqankaas leh loola macaamili karo.

Xal u raadinta dhaqanka cawaandadda ee ilmahaaga

Nooc kasta oo uu yahay u xoogsheegashada ama cawaandadda uu ilmahaagu ku kacayaa, waxaa muhiim ah in aad ogaato xaqiiqada ah in xaaladdiisu sii xumaan doonto, gaadhina karto in u uku kaco falal xadgudub iyo dembiyo ku noqda oo bulshada ku aaddan, iyo in dhaqankani uu caqabad ku boqon doono guulaha iyo awooddaha qofeed ee uu bulshada kaga dhex muuqan kara mustaqbalka.

Hababka ugu fiican ee aynu dhaqankan carruurta uga dabiibi karnana waxaa ka mid ah:

  1. Xidhiidh toos ah oo aynu la samayno

Tallaabada koowaad ee ay tahay in aad qaaddo marka aad ogaato in ilmahaagu dhaqankan sameeyo, waa in aad si cad oo toos ah ugala hadasho, adiga oo aan ka dhigayn canaan dhinacaga ka socota, balse dareensiinaya in aad diyaar u tahay in aad isagana dhegeysato.

Dhegeyso waxa uu isagu ka sheego habdhaqankiisan, sida uu u macaamilo marka uu carruurta kale ku cawaandadoonayo iyo sababta ku kallifta. Iska jir canaanta badan, waayo ilmuhu waxa uu u baahan yahay in uu barto in qaladaadka uu galay oo uu qirtaa aanay sababayn dhibaato ku dhacda. Isku day in aad fahamto sababta runta ah ee ku riixaysa dhaqankan iyo halka ay dhibtu ka timi si ay kuugu suurtagasho in aad daweyn karto.

Inta badan ilmaha u xoogsheegashada ku dhaqmaa waxa uu eedda dembiga oo dhan ku riixaa kuwa kale. Macnuhu ma’aha in uu been sheegayo ama doonayo in uu been kuu sheego, balse waa in uu dunida u arko hab marmarsiinyo u noqon kara habdhaqankan, waxa aanu ku dadaalayaa in uu helo sabbo macquul ka dhigaya in falkan uu ku kaco. looma jeedo in aad marmarsiinyihiisa aqbasho, balse waxaa loo jeedaa in aad dareensiiso in aad dhegeysanayso, kaddibna qaladiisa tusayso. Waa in aad u sharraxdo in habdhaqankan u xoogsheegashada carruurta kale ahi uu yahay habu u isagu kaskiisa ku doortay, qof kastaana uu masuul ka yahay waxa uu isagu doorto. Ka caawi in uu fahmo raadadka taban ee habdhaqankiisani uu dadka kale ku yeelanayso, tusaale ahaan weydii bal waxa uu isagu dareemi lahaa haddii uu yahay qofka loo xoogsheeganayo, kaddib jawaabta uu ku siiyo dood uu fahmi karo kala gal.

Ficil kastaa abaal marin buu leeyahay

Waxaa muhiim ah in adiga oo aan ciqaabin haddana uu ilmahaagu fahmo in dhaqanka u xoogsheegashadu uu yahay mid aanad aqbali karin, si dhibyarna u dhaafi doonin. Waxa jira habab kala duwan oo ilmaha aad u ciqaabi karto adiga oo aan garaacin. Tusaale ahaan ilmaha oo aad ku ciqaabto in aad ka joojiso isticmaalka iyo ku ciyaarista qalabka elektarooniga ah sida taleefanka gacanta ama isticmaalka internet ka. Haddii uu yahay carruurta jecel bixista iyo la ciyaarista asxaabta waxa aad ku ciqaabi kartaa in aad muddo ka joojiso.

Waxa se mar kasta waajib ah in ciqaabta waalidku ay noqoto mid muddo gaaban ah, natiijo la taaban karaana ka dhalato.

Taageer tallaabooyinka anshax marinta ah ee dugsigu arrintan ka qaato

Waxaa lagama maarmaan ah in waalidku uu taageero ciqaabta uu dugsigu marinayo ardaygiisa dhaqankan lagu arko. Laakiin dugsiguna waa in uu marka hore waalidka tuso nooca ciqaabta si uu u hubiyo in ay u dhiganto dembiga loo haysto iyo in aanay ilmaha dhibaato gaadhsiinayn jidh ahaan iyo nafsad ahaan labadaba.

Waa hab fiican oo ilmuhu ku baranayo in falalka u uku kacayaa ay keenayaan ciqaab. Waalidku waa in uu la socdo habdhaqanka ilmihiisa, iyo isbedellada hadba ku soo kordhaya si uu uga feejignaado in habdhaqanka ilmuhu uu jidk saxda ah ka baydho.

Guriga ka biloow

Carruurta ku nool deegaan ay ku badan yihiin khilaafka, aflagaadada iyo ereyayada anshaxa ka baxsan ama gacan ka hadal jidhkooda dhibaato la gaadhsiinayo, waxa ay inta badan la soo baxaan dabeecad ah in ay iyaguna ku dhaqmaan dhaqan la mid ah isla kaas deegaanka ay ku barbaareen ka jiray. Waalidku waa in uu hubiyo in habdhaqanka labada waalid iyo guuda haan guriga ka jiraa uu yahay mid aan sidaas aynu xusnay ahayn, sida oo kalana waa in uu la socdaa dhaqanka carruurtiisa ka dhex socda, iyo sida ay ula macaamilaan carruruta kale ee facooda ah.

Waa in waalidku uu ilmaha ku tababaraa habdhaqanka fiican ee uu dadka kula macaamilayo, iyo sida ay tahay in uu u maamulo dareenkiisa cadhada.

Wax badan ka ogoow nolosha bulsho ee ilmahaaga

Si aad u fahanto sababaha raadka taban ku yeelan kara habdhaqanka ilmahaaga ee guriga ama dugsiga ama meel kasta oo marka uu joogo uu cawaandad samayeeyo, la xidhiidh waalidiinta carruurta uu ilmahaagu saaxiibka la yahay iyo macalimiintiisa iyo maamulka dugsiga.

Ogow in carruurta kale qudhoodu ay ficilkan u xoogsheegashada iskula kacaan? In saaxiibbadii qaar ka mid ahi ku dhaqmaan ama ilmahaaga qudhiisa ula yimaaddaan? Aad u faham cadaadisyada nafsadeed ee ilmuhu ka tirsanayo dugsiga ama macallimiinta? Ku dadaal in ilmahaagu uu qayb ka noqdo ciyaaraha, kulamada carruurta iyo hawlaha waxbarashada ka baxsan ee dugsiga bannaankisia ka dhacaya, si ay ugu suurtagasho in uu barto saaxiibtinimada, sida xidhiidhada cusub loo sameeyo iyo sida loo maamuli karo dabeecadaha kala duwan ee carruurta uu la macaamilayo oo dabcan mid dabeecaf fiican iyo mid dabeecada dagba ku jiri karaan.

Qaybta 4aad

Ku beer dareen naxariiseed

Ilmahaaga bar in ay qalad tahay in quudhsi iyo hoosayn uu u arko kala duwanaanshiyha dadka, haddii ay tahay isirka, diinta, muuqaalka, nooca shakhsiyadda qofka, ama saboolnimada iyo xaaladdiisa dhaqaale.

Waxaa fiican in ilmaha aad uga sheekayso raadka nafsadeed ee u xoogsheegashadu ay ku reebayso carruurta lagu samaynayo, iyo dareenka iyo afkarta dhibbaneyaasha.

Carruurtaada bar xirfadaha xidhiidhka fiican ee bulshada

Mararka qaarkood cawaandadda waxaa iilmaha ku dhiirriya ilmaha oo aan lahayn xirfad gaar ah ama awood uu cadhadiisa ku xakamayn karayo. Dhaqankani waxa uu jawaab u yahay ilmaha oo awoodi kari waayey in uu la qabsado xidhiidhka bulsho ee dadka ku xeeran, isla markaana uu xakamayn kari waayey loollanka isaga iyo carruurta u dhexeeya oo ay ahayd in aanu gacan ka hadal gaadhin. Sababahana waxaa ka mid noqon kara mushkilado la xidhiidha kalsoonida nafta oo ka luntay iyo dareenkii ammaan oo ka maqan.

Sixitaanka qaladaadka

Marka aad ciqaabto ilmahaaga ficilkan u xoogsheegashadak u kacay, waqti kaddib marka uu xasilo u sharrax in waxa dhacay uu ahaa qalad sidaas awgeed ay waajib tahay in uu saxo. Bar ilmahaaga in uu raalligeliyo ilmaha uu ficilkan kula kacay, laakiin xorriyad u sii in uu isagu doorto habka uu u raalligelinayo, toos ama taleefanka oo uu kala hadlo midka ay la tahay in uu samayn karo. Sida oo kale ku dhiirrigeli in uu hadyad u qaado carruurta saaxiibbadii ah oo uu ku jiro qofkii uu ficilkan kula kacay.

Ilmahaaga oo aad arrintan si toos ah ugala sheekaysataa waxa ay kaa caawinaysaa in aad fahamto sababta, laakiin haddii aad aragto in ilmahaagu aanu sababaha arrintan ku riixaya sharrixi karin, ama uu weli yahay ilmo da’ ahaan yar oo aan si maangal ah uga hadli karin, waxaa waajib noqonaysa in aad u tagto dhakhtar takhasus ah si uu qiimeeyoxaaladda ilmaha ee maskaxeed iyo nafsadeed labadaba.

Xogo muhiim ah

Adduunka afartii carruur ah ee kasta mid ka mid ah ayaa ay ku dhacdaa u xoogsheegasho iyo cawaandad kaga timaadda faciisa. Xaaladdan oo muddo dheer ku socotay awgeed waxa ay carruurtan ku keentay xaalado nafsadeed oo qaarkood in ay is dilaan gaadhay.

Shantii carruur ah ee kasta mid ayaa qirtay in uu u xoogsheegtay ama fal cawaandad ah kula kacay ilme faciisa ah.

Boqolkiiba 8 ka mid ah carruurta ku dhaqan dalalka kala duwan ee adduunka ayaa qiray in ugu yaraan bishii ay hal mar dugsiga uga maqnaadaan baqo ay ka qabaan in carruurta dugsiga qaar ka mid ahi u xoogsheeganayaan awgeed.

Boqolkiiba 43 ka mid ah ardayda dunida ee sahaminta lagu sameeyey ayaa qiray in ay ka cabsi qabaan tacaddiyo jinsi oo lagula kaco marka ay suuliga dugsiga tagaan. Dhammaad