Dhaqanka Isu Xoogsheegashada Carruurta Ama Cawaandadda Iyo Siyaabaha Loola Macaamili Karo (Q.1)

0
133

Dhibaatooyinka ugu badan ee ay la kulmaan dadka barbaarinta iyo korinta carruurta ku hawlani waa dhaqanka ah cawaanadadda ama u xoog-sheegashada ay carruurta qaar kula kacaan carruurta kale ee facooda ah ee ka itaalka yar.

Maadaama oo uu dhaqankani dhibaatooyin caafimaad darro oo khatar badan ku keeno ilmahana waxa dunida ka socda ololeyaal xooggan oo dhaqankan lagu tirtirayo; kaas oo ay ka mid tahay in waalidka la baro dhibta dabeecaddani leedahay iyo siyaabaha ugu fiican ee ilmaha looga jari karo, sida oo kalana ilmaha la siiyo duruus iyo waano ka jaraysa dhaqankaas.

U Xoogsheegashadu waa dhaqan ilmaha ku riixaya caadaysiga in uu dhibaato jidheed ama aflagaado iyo ereyo cay ah kula kaco ilmaha kale ee da’diisa ah, kana dhigto caado soo noqnoqota. Inta badanna ilmaha xoogsheeganaya / cawaandadoonayaa waxaa jira wax uu kaga duwan yahay carruurta kale oo dhaqankan u fududaynaya, tusaale ahaan in uu ka xoog badan yahay carruurta kale, in uu ka shacbiyad badan yahay oo carruurta kale ee ku xeerani ay isaga la jiraan ama jecelyihiin, ama in ilmuhu uu ka soo jeedo qoys ladan ama meel sare bulshada ka jooga, sidaas awgeed uu dhibaataynayo carruurta uu u arko in ay ka hooseeyaan.

Xoogsheegashadu waxa ay noqtaa qaabab kala duwan oo aynu ka sheegi karno:

  1. Cawaandad jidheed, sida in jidh ahaan uu ilmuhu ugu xadgudbo ilmaha kale; waxaa ka mid ah garaacista, xamaamta ama qalabka ilmaha kale oo uu si badheedh ah u burburiyo ama uga jarjaro, ama in uu xoog kaga qaado.
  2. Cawaandad iyo aflagaaddo hadal ah, sida cayda, quudhsiga iyo yasidda, ku dheeldheelka, u hanjabista, iyo in naanayso iyo magaco fool xun ilmaha kale uu u bixiyo.
  3. Cawaandad bulsho; waxaa ka mid ah in ilmuhu isaga oo carruurta kale is xigsiinaya uu abuuro xaalad isaga iyo kuwa kalaba ay iska indha tiraan, dhinac u faquuqaan ama ciyaaraha ka fogeeyaan ilmaha kale. Waxa kale oo dhacda in dacaayado iyo hadallo khajilaad abuuraya ay ka faafiyaan ilmaha oo carruurta oo dhami is gaadhsiiso.
  4. Cawaandadda nafsiga ah, sida si fool xun ama xaqiraad iyo cay u dhiganta oo ilmaha loo eego, ilmaha oo lagu dheeldheelo lana dareensiiyo in aanu macno ku dhex lahayn bulshada.
  5. Cawaandadda Elektarooniga; waa ilmaha oo lagu xaqiro ama looga soo hanjabo internet ka, iyada oo farriimo loo soo dirayo, ama warar ceebayn iyo sharaf dhac uu u arkayo lagaga faafiyo baraha bulshada. Waxa kale oo dhacda in la xado xisaabtiisa baraha bulshada iyo talefankiisa kaddibna xogta ugu jirta la faafiyo.

Waa maxay sababtu?

Waxaa laga yaabaa in su’aasha u horreysa ee aad is weydiinaysaa ay tahay sababta ilmaha ku kallifta in uu cawaandad iyo u xoogsheegasho kula kaco carruurta kale

Sababo badna ayaa ay xeeldheereyaasha cilminafsiga carruurtu sheegaan, waxaa ka mid ah ilmaha oo marka hore cadho badan ka qaba xaaladdiisa guriga, kaddibna doonaya meel uu cadhadaas iskaga faaruqiyo. Duruufaha qoyska ee aan xasiloonayn, tusaale ahaan labada waalid oo xidhiidhkoodu xun yahay khilaaf badanina soo dhex galo, ilmaha oo guriga ku dareemaya faquuqni iyo yasid oo doonaya in uu xaqiijiyo in aanu ahayn qofka la moodayo ee fulayga ama doqonka ah, iyo ilmaha oo dadka guriga kula nool ka tirsanaya xaqiraad iyo faquuq ayaa kallifa in uu dhaqankan ku kaco. Imuhu marka uu dhaqankan ku kacayo waxa uu inta badan doonayaa in uu carruurta kale tuso awooddiisa iyo sarrayntiisa ay tahay in ay aqoonsadaan. Mararka qaarkoodna carruurta qoysaska ladan ka soo jeeda ee qaabka kibirka iyo qabka ah lagu ababiyo ayaa kula kaca carruruta saboolka ay u arkaan ama ka hooseeya. Waana ay dhacdaa in mararka qaarkood ilmuhu hawhsan u samaynayo keliya si uu qosol iyo maadays uga dhigto, saaxiibbadiisa kalana ku maaweeliyo, ama in uu noqdo hoggaamiyaha carruurta ay isku jaalka yihiin, si taasi ugu suurtagashana uu mid ka mid ah sadqeeyo oo faquuq, cawaandad iyo xumayn kula kaco iyada oo saaxiibbadiisa kalana u jiibinayaan.

Xogo muhiim ah

Sida ay faafisay shabakadda Aljazeera, tira koobyo lagu sameeyey heerka cawaandadda iyo u xoogsheegashadu ka marayaan meelo kala duwan oo dunida ah, ayaa lagu ogaaday in guud ahaanba adduunka:

  1. Afartii carruur ah ee kastaba mid ayaa la kulma cawaandad; carruurta qaarkoodna waxa uu xaalkoodu gaadhaa in auy naftooda dilaan ama in loogu taag waayo waxbarashada, noloshana ay ugu dambaynta ka dhacaan.
  2. Shantii carruur ah ee kasta mid ayaa ku kaca cawaandad iyo in uu dhibaato u xoogesheegasho ah gaadhsiiyo carruurta faciisa ah ee dugsiga ama goobaha kale ee carruurtu isugu yimaaddaan.
  3. Boqolkiiba 8 carruurta adduunka ayaa waxbarashada ka maqnaada ugu yaraan hal maalin bishii, sabab la xidhiidha cabsi ay ka qabaan cid ku cawaandadoota iyo u xoogsheegasho ay jaalkiisa waxbarashadu kula kacaan.
  4. Boqolkiiba 43 carruurta adduunka ayaa ka baqa in lagu xadgudbo, lagu fara xumeeyo ama ficillo ku dhow lagula kaco marka ay suuliga dugsiga tagaan.

Sababo kale

Waxaa muhiim ah in aynu ogaanno in sababta carruruta ku kallifta dhaqankani aanay ahayn in ay yihiin carruur xun. Carruurtu waxa ay ku kacaan habdhaqann iyo ficillo badan, oo aanay qasab ahayn in ay ka turjumaan qofka ay run ahaan yihiin iyo dabeecadahooda shakhsiga ah. waxaana jira sababo badan oo carruurta ku kallifi kara in ay ficilka cawaandadda ama u xoogsheegashada kula kacaan carruurta kale, kuwaas oo aynu ka xusi karno:

Ilmaha oo guriga ama dugsiga kula kulma u xoogsheegasho ama dhibaatayn kale

Waxaa mararka qaarkood dhacda in ilmuhu uu dhibaato, xaqiraad ama quudhis iyo u xoogsheegasho ka tirsanayo labadiisa waalid midkood, ama cidda kaalinta waalidka ugu jirta  walaalihii walaalihii. Waxa kale oo dhici karta in uu guriga ama dugsiga ku arko carruur lagu cawaandadoonayo ama loo xoogsheeganayo, kaddibna uu u arko in ficilkaas oo uu sameeyo u uku kasbanayo awoodda iyo ixtiraamka carruurta kale ee samaysaa ku dhex leeyihiin dugsiga ama carruurta ku xeeran. dhaqannadaas oo dhami waxa ay ilmaha ku riixaan in uu isaguna markiisa carruurta kale kula kaco falal cawaandad iyo u xoogsheegasho ah. La soco…