Dhaq-Dhaqaaqa Gacmaha Ayaa Aad Ka Garan Kartaa, In Hadalkiisu Uu Ka Turjumayo Waxa Uu Maanka Ku Hayo (1)

0
494

Hargeysa (Geeska)- Dunidu waxa ay cilminafsiga ka gaadhay heer uu qofku garan karo xaaladda nafsiga ah ee qofka hortaagan, ma qof hammi iyo murugo ku furan yihiin baa, hadalka uu ku leeyahay run ma yahay, qofkani naftiisa ma ku kalsoon yahay, ma yahay qof jecel in uu isagu taliyo iyo xaaladaha kale ee la mid ah.

Dr. Laura Anaczkova oo bare sare ka ah jaamacad ku taalla dalka Czech, kuna xeeldheer cilminafsiga ayaa ka hadashay macnaha laga dheehan karo xarakaadka hadalka ku ladhan ee qofku kaco marka uu kula hadlayo iyo xidhiidhka uu xarakaadkaasi la yeelan karo shakhsiyadda qofka iyo dabeecadihiisa daahsoon.

Dr. Laura Anaczkova bilowgaba waxa ay sheegtay in ereyada uu qofku ku hadlayaa ay boqolkiiba 7 keliya ka sheegayaan macnaha dhabta ah ee uu qofku u jeedo, halka xarakaadka jidhkiisu ay ka sheegayaan in ka badan boqolkiiba 50 ujeedadiisa. Waxa aanay xaqiijisay in siddeeda ilbidhiqsi ee ugu horreeyey kulanka aad qofka la yeelato aad ku fahmi karto in qofkani uu yahay, qof kalgacal badan ama dhibirsan iyo in kale, haddii uu waqtigu intaas ka sii yara kordhana waxa aad garan kartaa shakhsiyadda iyo dabeecadaha hoose ee qofka; tusaale ahaan haddii marka uu fadhiyo uu labada lugood is dulsaaro ama labada gacmood isa-saaro waxa aynu ka dheehan karnaa in qofkani uu ku jiro xaalad difaac iyo wax-iska-caabbi ah. Dr. Laura oo sii wadda tusaalaynta arrintan ayaa intaas ku sii dartay, “Haddii uu qofku kuu yimaaddo isaga oo soo yara foorara, taas macnaheedu waa in uu hammi iyo murugo badan xambaarsan yahay. Haddii ku soo hor fadhiisto isaga oo laabta bannaystay, si nafis ka muuqdo u fadhiya labada gacmoodna furan yihiin, waxa ay taasi muujinaysaa in uu diyaar u yahay in uu ku dhegeysto iyo in uu falanqayn kula galo” Ugu dambayntiina waxa ay sheegtay in ka waramista macnayaasha ku duugan xarakaadka gacmaha oo keliyi ay u baahan tahay in kitaab dhamaystiran laga qoro, waxa aanay soo qaadatay dhowr ka mid ah xarakaad jidhku sameeyo marka uu qofku hadlayo iyo sida ay uga turjumayaan shakhsiyadda qofka, haddaba hoos ka dheeho tusaalayaashaas Dr. Laura oo uu Geeska Afrika afsoomaali u rogay.

1. Beenta lama qarin karo: Dr. Laura waxa ay tidhi, “Ilmaha yari marka uu doonayo in uu been sheego isaga oo aan is dareensanayn ayaa uu gacantiisa dhigaa meel aan ka fogeyn afka, ama labada gacmoodba waxa uu isugu geeyo afka hareerihiisa isasga oo aad mooddo in uu jiro dareen hoose oo faraya in uu joojiyo beenta uu ku hadlayo, laakiin xarakaadkaasi waa keliya marka uu ilmuhu yar yahay oo si fududna waa loo garan karaa, laakiin marka uu weynaado xaalku waa uu sii adkaadaa oo sidaa sahalka ah laguma fahmi karo beenta qofka” Dr. Laura waxa ay intaas ku dartay in qofku marka uu weynaado uu si badheedh ah uga dheeraado ficil kasta oo caddayn kara in uu been sheegayo, laakiin haddana waxaa weli jira dareenkii iyo damiirkii hoose ee qofkan ku riixayey in uu sameeyo xarakaad laga garan karo in uu been sheegayo, tusaale ahaan waxa uu si yar u taabtaa sanka ama waxa aad arkaysaa isaga oo xoqanaya inta u dhaxaysa sanka iyo afka.

Dr. Laura oo sii sharraxaysa xarakaadka gacanta iyo sida ay beenta qofka u fashilin karaan ayaa sheegtay in mar kasta oo qofka hadlayaa uu afka ama ama guud ahaanba meel wejiga ka mid ah gacanta saaraa aanu macnaheedu ahayn in uu been sheegayo, waxase ay mararka qaarkood muujinaysa in qofkani arrinkan uu ka hadlayo si toos ah u gudo gelin oo uu jiro wax uu ka war-wareegayo sheegistiisa ama in aanu hadalkiisa caddaynayn oo uu wax qarinayo ama xitaa in waxa fiican ee uu sheegayo wax ka duwan oo xun uu maskaxda ku hayo. La soco…