Dhalinyaro Ku Baaqday In Laga Laabto Go’aanka Iibinta Garoonka Kubada Kolayga Burco

0
752

Hargeysa (Geeska)-Qaar ka mid ah Dhalinyarada reer Somaliland, ayaa baaq u diray Madaxweyanaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), waxayna inuu Golaha Deegaanka ee Magaalada Burco uu ka joojiyo Garoonka kubada koleyga ee Sheekh Bashiir, oo ay sheegeen inay ka iibiyeen dad ganacsto ah.

Dhalinyaran oo ka tirsanaa Dhalinyarada Gobolada Somaliland oo dhan Shir Jaraa’iid ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay wax lala yaabo tahay in la iibiyo Garoon loogu ciiyaaro, Jamaal Cali Aadan oo isagu ugu horeyn Shirkaas Jaraa’iid ka hadlay ayaa yidhi “Waxaanu Shirkan jaraa’iid iskugu nimid in aanu si weyn oo aad u balaadhan u cambaareeyno dhammaan Golaha Deegaanka Magaalada Burco, waxaana u aragna khalad inay iibiyaan Garoonkii Kubada Koleyga ee qudha ee ku yaalay Magaalada Burco ee Sheekh Bashiir, sida aynu wada la socono iibka Garoonkani laba arimood ayuu ka turjumaya oo mid waa in raadkii taariikhada ee Sheekh Bashiir la baabinayo iyo in Dhismayaashii danta guud sida la doono loo isticmaalayo”      

Bashiir Sheekkh Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir oo isna halkaas ka hadlay ayaa  ayaan daro ku tilmaamay in taariikhdii halganka ee Sheekh Bashiir la isku dayo in la baabiyo, waxaanu sheegay in aan la aqbali karin in la iibsado Garoonkaas waxaanu yidhi “Waxa aanu iskugu nimid in aanu ka caddeeyno arinta mawqifkayga ee Garoonka Kubada Koleyga oo runtii war aad u xun oo dhiilo ahi ka soo yeedhay,  oo ah in Garoonkii labaad ee kubada koleyga Golaha Deegaanka Burco ee aanu dooranay inay iibsadeen, waa arin aad u fool xul oo aanu cod dheer ku caddeeynayno in aanay hirgelayn, inaga oo og in Sheekh Bashiir ahaa halgamaa taariikh dheer leh, in Golaha Deegaanka ee Burco taarkiikhdiisi baabinayso, dawladda ku ogaysana waa ku cambaaraynaynaa iyada oo Dhalinyaradeeni Maanta aanay haysan Garoon ay ku ciyaaran Kubada”.

Maxamed Samraan oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in halkii looga baahnaa in dhalinyarada reer Somaliland halkii ay ka tahriibi loogu sameeyn lahaa  qorshayaal badan oo loogu sameeyn lahaa Garoomo ay ku dawaadan ama ay ku ciyaaran ciyaaraha inay ayaan daro tahay in Garoomadi la iibsado, oo dhalinyarada loo horseedo tahriib.

Yuusuf Cabdicasiis Sheekh Bashiir oo isna  Shirkaas Jaraa’iid ka hadlay ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaililand Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ugu baaqay inuu Golaha Deegaanka ee Magaalada Burco uu ka joojiyo Garoonka Kubada Koleyga ee ay sheegeen inay ka iibiyeen Ganacsato, waxaanu yidhi “Waxa aanu halkan ka soo jeedinaynaa haddii aanu nahay Dhalinyarada reer Somaliland oo dhan in aanu diidanay wax walba oo dadka iyo diintaba wax yeelaya, taas oo aan ninaba dan u ahayn, Xukuumadda uu Madaxweynaha ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), oo aynu ogeyn in markii loo codka la siillanyey Madxweynaha, in codka siisayey ay yihiin Dhalinyarada reer Somaliland, anaga oo og in aanu Madaxweynuhu raali ka ahayn isla markaana aanu ogeyn in la iibiyey Garoonka kubada koleyga ee Skheeh Bashiir, ayaa waxa aanu Madaxweynaha ka codsanaynaa inuu joojiyo iibka Garoonkaas, oo Umadda reer Somaliland dhex u ah”.