Borama: SOLJA Oo Qabatay Kulan Lagu Xoojiyay Xidhiidhka Saxaafada Iyo Hay’adaha Amniga

0
918

Picture1Borama(Geeska)-Uurka  suxufiyaiinta Somaliland ee solja ayaa maanta huteelka rays ee magaalada borama ku qabatay kulan lagu xoojinayo xidhiidhka saxaafada iyo hayadaha amniga iyo garsoorka ee gobolka awdal kulankaasoo ay ka caawisay hayada NED ururka solja ayaa waxaa kasoo qayb galay 20 suxufi oo ka hawl gala magaalada boorame iyo masuuliyiinta gobolka awdal oo kala ah gudoomiyaha gobolka awdal Cabdoo ahmed ayir maayarka  boorame saleban xasan xadi iyo Xeer-ilaaliyaha gobolka awdal abdilahi maxamed ali Taliayaha qaybta bilayska ee gobolka awdal cabdi khayre dugsiiye  Taliyaha saldhiga dhexe ee boorame maxamed yuusuf iyo Isku duwaha wasaarada warfaafinta ee gobolka awdal abokor xasan caafi

Ugu horayna waxaa kulankaa ka hadlay xoghayaha guud ee ururka solja maxamed-rashid muxumed faarax waxaanu yidhi ujeedada kulankan aanu idiinku qabanay waxaa weeye sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka saxaafada iyo masuuliyiinta gobalka oo aanay iskugu  arag iyo sidii loo yarayn lahaa xadhiga  suxufiyiinta taasina ay ku yaraanayso marka loo maro xeerka  saxaafada Somaliland ee lasoo dacweeyo iyo in sidoo kale suxufiyiintu ay yareeyaan khaladaadka ay ka galayaan masuuliyiinta oo ay hadii warbeena ay baahiyaaan ay raaligalin ka bixiyaan oo beeniyaan warkaa

Waxaa isaguna halkaa ka hadlay iskuduwaha wasaarada warfaafinta ee gobolka awdal abokor xasan caafi waxaanu yidhi maayarka iyo badhasaabka gobolka awdal ayaa maalin kasta la iska caayaa suxufiyiinta gobolka awdala aqoon malaha ururka soljana marka la xidho ayay qaylisaa isagoo sidoo kalena ururka solja kula taliyay inay waxbaraan suxufiyiinta  boorame

Waxaa isaguna halkaa ka hadlay maayarka magaalada boorame saleebaan xasan xadi waxaanu sheegay in  aanu xidhin suxufi saxaafaduna ay tahay mid bulshada  hawl wanaagsan u haysa laakiin qolada website-yadu habeenkii ayay shaqeeyaan sidaa anaguna maalintii ayaanu shaqaynaa markaa waa in maamul habeenkii shaqeeya la helaa

 Waxaa kale oo Isaguna halkaa ka hadlay  xeer ilaaliyaha guud ee gobolka awdal Cabdilaahi mahamed ali

Waxaanu  sheegay  in ay  danbi tahay qof shakhsiyadiisa  in wax laga sheego lakiin waxa wax laga qori karaa shaqada uu bulshada u hayo.

Ugu  danbayna  waxaa halkaa ka hadlay gudoomiyaha  gobolka awdal  Cabdoo Ahmed Ayir waxanu yidhi saxaafadu dhaliisha qofka way sheegi karaan laakiin inay qarimada iyo dhaliisha qofka kala saaraan, waxanan idin sheegaya in aynu ogaano waxa ana aan madax ku ahay adna aad wariye ku tahay waa jiritaanka dalka markaa horta horeba aynu ilaashano qaranimada

Hadaba dood iyo istusaalayn ka dibwaxa laysku raacay 3 qodob oo kala ah :

In saxafada iyo masuuliyiinta gobolku si wada jira ay u ilaaliyaan sumcada,wadashaqaynta iyo hormarinta gobolka Awdal

Waxa kale oo laysla gartay in saxaafadu muhiim tahay in ay sumcada iyo anshaxa dhawraan halka saraakiisha gobolkuna ay dhawraan shurcda ay habla dhaqanka saxafada

Waxa kale oo kulankaa laysla qaatay in guud ahaan gobolka awadal saxafada lagu dhaqi doono xeer.NO 27/2004 waxaanay ururka SOLJA qofkasta oo kamida  masuuliyiintii shirka joogay siisay hal nuqul oo ah xeerka saxafada Somaliland ee xeer.NO 27/2004 ka qaybgalayaasha oo dhanaa guud ahaan 30 qof oo kala ahaa  20 wariye halaka intakalena ka socdeen ciidanka nabadgalyada, sadexda darajo ee maxkada sida degmada,gobolka iyo racfaanka,xeer-ilaalinta gobolka, isku guwaha wasaarada warfaafinta, duqa dagmada boorame iyo badhasaabka gobolka.