Dhalashooyinka Hal Xidhaalaha Noqda: Miisaanka, Dhererka, Ilkaha, Da’da Waalidka Iyo Tirada Mataanaha

0
1096

Hargeysa (Geeska)- Hooyo Biiramaati Banjaamiya oo ah 74 sano jir u dhalatay dalka Hindiya ayaa dhowaan umushay laba carruur mataano ah. Da’da ay hooyadani ku dhashay waxa ay sababtay in warbaahinta adduunku ay warbixinno iyo sheekooyin kala duwan ka samayso, waxaana si gaar ah xiise u yeeshay in ay ahayd dhalmo dabiici ah, taas oo aan laga filanayn ruux da’daas ah.

Dhacadadani waxa kale oo ay warbaahinta adduunka qaarkood ku baraarujisay in ay dib u raacaan dhacdooyinka dhalmo ee dadku la yaabeen ee adduunka soo maray. Shabakadda LCI oo laga leeyahay dalka Faransiiska oo warbaahinta arrintan wax ka qortay ka mid ahayd ayaa dhowaan baahisay liiska dhacdooyinka dhalmo ee adduunka yaabka ku noqday:

Ilmihii ugu yaraa ee noolaaday

Cisbitaalka magaalada Santiago ee gobalka California, dalka Maraykanka ayaa bishii Diisambar ee sannadkii hore qoray in gabadh yar oo 245 giraam oo keliya culayskeedu yahay ay cisbitaalka ku dhalatay. Gabadhan oo dhalatay xilli ka horreeya sidkeedii ayaa uu cisbitaalku sheegay in dhererkeedu uu 23 sentimitir oo keliya ahaa.

Inkaskasta oo gabadhan yar markii hore muddo shan bilood ah lagu hayey mishiinka daryeelka gaarka ah, haddana ugu dambayntii waa ay kortay, waxa aanu miisaankeedu gaadhay 2.3 kg.

Gabadhan yar waxaa loo diiwaangeliyey in ay tahay ilmihii adduunka ugu yaraa markii uu dhashay, taas oo ay ka horumartay ilme kale oo sannadkii 2015 kii ku dhashay dalka Jarmalka isaga oo uu miisaankiisu yahay 252 garaam.

Mataanihii saddexda maalmood kala weynaa

Caadi ahaan marka aad mataano maqasho waxa aad sawiranaysaa carruur mar saacad gudaheed wada dhashay, laakiin mararka qaarkood ayaa ay dhacdaa in ay uurka ku kala hadhaan muddo.

Waxaa la aaminsanyayahay mataanihii da’ ahaan ugu kala fogaa inta la ogyahay in adduunka ku soo kala horreeyeen 66 saacadood iyo 50 daqiiqo.

Waxa ay ahaayeen saddex mataano ah oo sannadkii 1956 kii ku dhashay South Carolina ee dalka Maraykanka, waxa ay ahayd dhalasho saddex maalmood socotay.

Mataanahan oo saddexduba ay gabdho ahaayeen ayaa Ilmaha koowaad waxa uu madaxiisu soo muuqday saddexdii subaxnimo ee labadii bishii koowaad ee 1956 kii, waxaa xigay ilmaha labaad oo soo muuqatay tobankii subaxnimo ee maalintii xigtay, halka ilmaha saddexaad uu soo muuqday sagaalkii fiidnimo iyo 55 daqiiqo ee maalintii ay afar ahayd bisha koowad. Taas oo macnaheedu yahay in dhalashada hablahani ay saddex dharaarood socotay.

Ilmihii ugu weynaa ee dhasha

Gabadh u dhalatay dalka Fiyaatnaam ayaa amakaag qaadday markii ay ogaatay in ilmaha ay dhashay uu yahay 7.1 Kiiloogaraam. Ilmaha yar aabihii ayaa wakaaladda wararka ee Faransiiska u sheegay in uu rumaysan kari waayey, markii uu dhakhtarku u sheegay in ilmaha u dhashay miisaankiisu uu 7.1 kiiloogaraam yahay. waxa uu sheegay in sababta uu yaabku ugu sii batay ay ahayd dhakhaatiirta oo intii ay gabadhu uurka lahayd aan ogaanin miisaanka weyn ee ilmahan, balse taas beddelkeeda baadhitaankii dhalashada ka horreeyeyba loogu sheegay in ilmuhu uu shan kiiloo yahay.

Inkasta oo ilmahani uu miisaan aad u weyn ku dhashay haddana miisaanka tan iyo sannadkii 1955 kii ku jiray buugga layaabka adduunka lagu ururiyo ee ‘World Genius Book’ waxa uu caddaynayaa in muddadaas ilmihii ugu weynaa ee dhashaa uu yahay ilmo yar oo talyaaniga ku dhashay iyada oo uu miisaankiisu ahaa 10.2 kiiloogaraam.

Ilme 12 ilig leh

Caadi ahaan carruurtu ilko kuma dhalato, umana soo baxaan illaa uu ilmuhu gaadho lix bilood, marka laga reebo xaalado dhif ah oo tusaale ahaan la arko in ilmuhu ha lama laba ilig ku dhasho. Laakiin sannadkii 1990 kii waxaa boqortooyada ku dhashay ilme yar oo leh 12 ilig.

Ilmahan oo loo bixiyey Sean Kenny waxa ay ahayd gabadh, waxa aanay dhakhaatiirtu markiiba ku sameeyeen qalniin ay ilkaha kaga saarayaan iyaga oo ka baqa qaba in ay ku keenaan dhibaato dhinaca cunto qaadashada iyo nafaqada ah.

Siddeed mataano ah

Hooyo lagu magacaabo Naadiya Salmaaayaa bishii koowaad ee sannadkii 2009 kii, waxa ay mar keliya umushay siddeed carruur mataano ah oo lagu qalay cisbitaal ku yaalla gobalka California ee dalka Maraykanka.

Hooyadan ayaa marka hore si dabiici ah u qaadin uurkan, balse dhakhaatiirta ayaa ku beeray, inkasta oo ku talagalkoodu ahaa in ay ilme keliya beeraan.

Dhammaan mataanahan ayaa xaalad dabiici ah ku dhashay, si caafimaad qabtanaha u koray.

Aabihii ugu da’da weynaa

Nin u dhashay dalka Hindiya ayaa sannadkii 2010 kii loo aqoonsanyahay in uu ahaa aabihii ugu da’da weynaa adduunka, kaddib markii isaga oo 94 jir ah uu ilme ugu dhashay cisbitaalka. Laakiin sannadkii 2012 ka ayaa aabo kale oo Hindi ahi uu kaalintaas ka leexiyey aabahaas hore, kaddib markii isaga oo 96 sano jiray ay xaaskiisa oo 51 sano jirtay ay ilmo u dhashay.

Hooyadii ugu da’da weynayd

Sida aynu bilowgii qormada ku sheegnay hooyo Biiramaati oo ah 74 sano jir u dhalatay Hindiya ayaa dhowaan hooyo noqotay. Talefishanka CNN ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in Afartii bishan Sagaalaad ay hooyadani laba carruur ah oo mataano ah u dhashay odaygeeda oo isaguna 80 sano jir ah. Inkasta oo uurqaadku aanu dabiici ahayn ee lagu beeray hooyada, haddana arrinta mucjisada ahi waa in ay hooyadan jidh ahaan iyo hormoonno ahaan ka soo baxday dhammaan hawlihii hooyonimo ee ilmaha uurka ku jiraa u baahnaa.

Biiramaati waxa ay kaalinta koowaad ka qaadday gabadh ka horreysay oo isla dalkaas u dhalatay oo iyaduna hooyo ku noqotay da’da 72 sano jirka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here