Dhakhtar Sabool Ah Oo Barnaamjka ‘Qalbi Idhma’an’ Ka Diiday Lacag Xarun Caafimaad Loogu Dhisi Lahaa

0
865

Bishii Soon ee sannadkan barnaamijyada talefishanada dunida muslimka ka baxay kuwooda loogu hadal haynta badnaa waxaa ka mid ahaa barnaamijka samafal ee, ‘Qalbi Idhma’an’ oo ah lacag ay hay’adda bisha cas ee dalka Imaaraadka Carabtu si kedis ah ugu caawiso dadka saboolka ah.

Qays oo ah nin dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Imaaraadka ayaa soo jeediyoa barnaamijkan oo la bilaabay bishi shanaad ee 2018 kii, laakiin wejigiisa kamaradda waa uu ka qariyaa oo inta badan waxaa la daawadaa sii jeedkiisa iyo kelya muuqaalka qofka saboolka ah ee uu caawinayo, arrintaas oo kor u sii qaadday xiisaha loo qabo barnaamijka.

Haddaba haddii in badan kamaradda Qays ay qabatay dad farxadda lacagta iyo waxtarkiisa la muusoonaya, markan waxa aynu ka warramaynaa nin isagu diiday gacan qabasho dhaqaale oo uu Qays u soo bandhigay. Sida ay baahisay majaladda Albayaan ee ka soo baxda dalka Imaaraadka Carabta, soo jeediyaha barnaamijka ‘Qalbi Idma’anna’ oo arrintan ka hadlaya ayaa sheegay in mararka qaarkood ay dhacdo in isaga iyo kooxda hawlwadeennada ka ha barnamaijku ay masaafad dheer u safraan sidii ay u gaadhi lahaayeen qof ay qorsheeyeen in noloshiisa lagu sameeyo isbeddel muhiim ah, laakiin ay kala kulmaan jawaab ka yaabisa. Qays waxa uu tusaale u soo qaatay dhakhtar Maxamed Mishaali oo xarun caafimaad ku leh magaalada Danda ee dalka Masar, isaga sheegay in uu dhowr jeer ka warwareegay in uu xitaa la kumo. “Gurigiisa ayaa aanu tagnay, haddana markii uu iman waayey ayaa aanu tagnay rugtiisa caafimaadka. Saacado badan ayaa aanu sugnay si uu noogu soo baxo, laakin dan nagama uu gelin… hawl adag ayaa ay nagu qaadatay in aanu ka soo saarno xaruntiisa caafimaadka” ayaa uu yidhi Qays. Isaga oo intaas ku sii daray in qof jidka marayey ay ku qanciyeen in uu caawiyo, oo si dhakhtarku u soo baxo uu iska dhigo in uu xanuunsanayo. Beentaas ah in uu caawiyo qof jidka dhexdiisa ku xanuunsaday oo aan rugtiisa caafimaadka la soo gaadhsiin Karin, ayaa ay ahayd sida keliya ee uu ugu soo baxay.

Markii uu soo baxay ayaa uu Qays u tegey, isaga oo iska dhigaya ruux buka. Waxa uu u sheegay in uu yahay nin Imaaraati ah oo xanuunsanaya wax lacag ahna uu haysto 5 gini oo doolar ahaan noqonaysa 3 senti, halka cisbitaalka laga qaado 10 gini oo u dhiganta lacag inyar ka badan Nus Doolar (0.63). Dr. Mishaali waxa uu u sheegay in Shantaas lagu qaabilayo.

Markaa kaddib Qays waxa uu soo saaray Jeeg lacagi ku qorantahay oo uu doonay in uu Dr. Maxamed Mishaali guddoonsiiyo, isaga oo sheegay in ay tahay caawimo uu doonayo in uu rugtan caafimaad dib u habayn iyo cusboonaysiin ku sameeyo. Laakiin dhakhtarku waa uu diiday in uu guddoomo lacagtaas, isaga ku yidh, “Warkaas uma baahni, waxa aan doorbidayaa in cisbitaalkan aan wax ku taro saboolka iyo dadka baahan, inta aan geeriyoonaayo” Dr. Mishaali waxa uu Qays ka codsaday in caawimada uu isaga siin lahaa uu siiyo hay’adaha samafalka ama in uu ugu tabaruco xarun lagu daryeelo darbi jifka oo ku taalla magaalada.

Dr. Mishaali waxa uu Qays u sheegay in uu awoodi karo in uu cisbitaalkan ka raro meeshan uu ku jiro oo ah dhisme aad u liita, una guuro deegaan dhismayaal qurux badan leh, laakiin sababta aanu sidaas u yeelaynin ay tahay isaga oo diiddan in uu ka fogaado dadka baahan. Maadaama oo xaafaddan uu hadda ku yaallaa ay tahay xaafad ay ku badanyihin dadka saboolka ahi.

Maxamed Mishaali waxaa lagu tilmaamaa caalim ka mid ah culimada caafimaadka ee dalka Masar, waxa aanu ku xeeldheeryahay caafimaadka uur ku jirta, isaga oo sida oo kalana qaaday takhasusyo la xidhiidha caafimaadka carruurta. Dadka degmadiisa iyo guud ahaan dadka warkiisa maqlayba aad ayaa ay u jecelyihiin, adeeggiisan caafimaad ee samafalka ah oo socday muddo 50 sano ka badanina waxa uu ka mid yahay waxyaabaha loogu hadal hayn badan yahay dalka Masar.

Marka laga tago khibraddiisa caafimaad ee dadku aad u jecelyihiin kana sheegtaan dabiibka fiican, waxaa jira in dadka waayeelka ah ee deegaannada uu ka shaqeeyaa ay aaminsan yihiin in daacadnimadiisa awgeed ay gacantiisu barakaysantahay, sidaas awgeed aanay ogolaan in loo geeyo cid aan isaga ahayn.

Dr. Maxamed Mishaali waxa uu ka dhashay qoys aad u faqiir ah, oo waalidkii uu dhib iyo saxariir badan la soo maray nolosha isaga iyo walaalihii oo Shan ah. Mar uu ka warramayeyna waxa uu yidhi, “Saboolnimo ayaan ku soo koray, aabahay ayaa ii dardaarmay in aan hoos u ogaado u samafalka dadka saboolka ah. Sidaas awged uma baahni gaadhi iyo labbis kumannaan Gini la iga siiyo, xabbad saanwiij ah oo aan gaajada iskaga ilaaliyo ayaa igu filan”

Inkasta oo uu Mishaali hadda da’yahay haddana waxa uu ku adkaystaa in uu shaqaynayo inta uu ogyahay in maskaxdiisu taam tahay, awoodina karo in uu soo kaco.