Hargeysa (Geeska)- In kasta oo Cantar iyo Cabla ay ahaayeen lammaane carbeed oo qarniyo ka hor iyo noloshii baadiyaha ee dhulka Xijaas ee carbeed isku jeclaaday, qiso aad u dheerna lahaa. Haddana jacaylkoodaas guuldarraystay waxa uu u soo guuray dhaqanka Soomaalida oo ay marar badan is galaan kan Carabta. Sheekooyin badan iyo suugaan kala duwan ayaa ay Soomaalidu ku soo qaadday magaca lammaanahan, illaa qaarkood xitaa magaca gabadha ee Cabla ka dhigeen magaca Soomaaliyeed ee Ceebla.
Qoraa Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) ayaa qoraallo taxane ah kaga warramayey taariikhda Alle ha u naxariisto ee Faysal Cumar Mushteeg oo ka mid ahaa hormoodka fanka Soomaalida. Qoraagu marka uu ka sheekaynayey suugaantii uu Faysal ku lahaa Qaraamka. Gaar ahaan intii uu joogay Sucuudiga oo dhulkii ay Cantar iyo Ceebla ku noolaayeen ah, sida ku xusan shabakaddiisa internet ka ee ‘Dharaaro’ waxa uu xusay;
“Meeshuu Cantar Geela soo mariyiyo .. ‘Midway’ baan murti kaaga tiriyaa”
Mar kale oo isla waqtigaas uu Sucuudiga joogayna waxa uu marxuumku yidhi,
“Sidii Cantar iyo Cablaynu nahee, … Miyeynu kala caajisaynaa,”
Haddaba qormadeennan oo ay dhowaan faafisay shabakadda wararka ee Alcarabiya waxa aynu ku eegaynaa labada dhagax ee sawirkan ka muuqda oo la rumaysan yahay in ay yihiin kuwii ay agtooda ka bilaabatay qisada caan baxday ee Cantar iyo Cabla.
Cantar Bin Shadaad waxa uu ka mid ahaa fardafuulkii ugu magaca dheeraa Carabtii Islaamka hortii. Waqti lagu qiyaasay rubucii hore ee Qarnigii Lixaad ee miilaadiga, taariikhaha qaarna ku sheegeen 525 kii miilaadiga, ayaa uu Cabtar ku dhashay jasiiradda Carabta. Cantar hooyadii waxa ay ahayd Amiirad Xabashiyad ah oo magaceeda lagu sheegay Sabiiba. Inkasta oo ay xusid mudan tahay in Carabtii xilligaasi ay Xabashida (Ardul Xabash) ku magacaabi jireen dhammaan dadkii ku noolaa dhulka ay degaan Amxaarada, Oromada, Soomaalida iyo Qoomiyado kale.
Dagaal dhex maray Carabtii xilligaas iyo dadka ay Xabashida u yaqaanneen ayaa maxbuus ahaan ay Carabtu u qabatay Amiiradda Sabiiba. Kaddib waxaa ka helay Shadaad oo guursaday, waxa aanay u dhashay wiilka Cantar ee qisadiisa jacayl wehelka u noqotay ruux kasta oo jacayl daaro, halqabsigana ay ka dhigten halabuurro caan ah oo caashaqa ka hadlay. Cantar markii uu weynaaday, waxa uu jeclaaday Cabla oo ahayd ina’adeertii.
Labada dhagaxa ee aynu ka warramayno, oo la aaminsan yahay in ay ka fuqeen, kana hadheen buur baaba’day. Mid ka mid ah ayaa uu Cantar Bin Shadaad faraskiisa ku xidhi jiray, waxa aanu halkan kula kumi jiray gabadha uu jeclaa ee Cabla. Iyada oo gabayada uu u tiriyey baydad ka mid ahna laga arko magaca deegaankan iyo sifada uu kaga warramayo labadan dhagax iyo in uu faraska ku xidhan jiray, marka uu la kulmayo Cabla.
Labadan dhagax oo illaa hadda loo yaqaanno dhagaxii Cantar, waxa uu leeyahay muhiimad taariikheed oo fog. Waxa aana taas marag u ah aataarta iyo xaradhk ay xeeldheereyaasha raadraaca aataartu ku arkeen. Xaradhada isugu jira qoraalka iyo sawirrada ee laga helay ayaa lagu xidhiidhiyey waqtigii qoomkii Qur’aanku ka warramay ee Tamuud (Samuud) ee uu Alle u diray Nebi Saalix (CS).
Dhagaxan oo ka mid ah meelaha loogu dalxiiska badan yahay dalka Sucuudiga. Waxba kama ay beddelin duruufaha cimilo iyo deegaan ee soo qarniyadii ay jireen inta la ogyahay. Waxa aanay weli ku suntanyihiin caashaqii caan baxay ee ilma’adeertan.