Deg Deg: Ku Simihii Xeer Ilaaliyihii Gobalka Sool Oo Caawa la toogtay

0
496

 laascaanoodHargaysa(Geeska )- Ku simihii Xeer ilaliyahii gobalka Sool Marxuum Maxamuud Aw Cali, ayaa caawa toogasho lagu dilay, isagoo marayay duleedka gurigiisa oo ku yaala gudaha magaaladda   Laasacaanood.

Toogashadan lagu dilay xeer ilaliyahii gobalka Sool Maxamuud Aw Cali ayaa dhacday abaaro tobankii fiidnimo ee caawa sida uu noogu waramay maayarka magaaladda Laasacaanood Kayse Maxamed Xaaji, waxaana lagu soo waramayaa in aan falkaas cid loo qaban, inkasta oo ay hawlgal xoogan isla markiiba bilaabeen ciidamadda booliska ee magaaladaas.

Maayarka magaalada Laasacaanood Kayse Maxamed Xaaji oo wargaysa Geeska Afrika ugu warmayay falkan dilka  ah, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxa la toogtay xeer ilaaliyahii gobalka Sool, waxaana lagu ag toogtay xaafadiisa isaga oo ag jooga, cid dishayna la garan maayo ee waxaan u malaynaynaynaa kuwii afka duuban jiray inay dileen, wakhtigan ayaanay ciidamadu wadaan hawlgal, laakiin wali layma soo sheegin in cid loo qabtay falkaas.”

Dililka qorshaysan ee magaaladda Lasacoonood lagula beegsado masuuliyiinta xilka haya ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay ahaa kuwo istaagay, kadib markii si adag looga hawlgalay joojinta dilalkaas qorshaysan, waxaana falkan dilka ah ee habeenkii xalay ahaa dhacay uu mar labaad soo celinayaa baqdintii xooganayd ee masuuliniinta xilalka gobalkaas ka hayaa ay qabeen oo in muddo ah ay ka nasteen.