Deeq-bixiyayaasha Oo Aqbalay Inay Somaliland Ka Taageeraan Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha Oo Ka Madaxbanaan Tirokoobka Wasaarada Daakhiliga

1
772

Picture7Hargeysa(Geeska)-Qaadhaan bixiyayaasha taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland ayaa aqbalay codsi ay wada jir ugu direen saddexda xisbi qaran iyo guddiga doorashooyinka qaranku, kaas oo ay kaga codsadeen inay ka caawiyaan sidii loo samayn lahaa diiwaangelinta cod bixiyayaasha doorashada.

Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in wakiilada wadamada deeq bixiyayaasha ah ee fadhigoodu yahay Nayrobi ay ku soo wargelineen xisbiyada iyo guddiga doorashooyinka inay aqbaleen codsigaas ah inay maalgeliyaan diiwaangelin ka madaxbanaan diiwaangelinta madaniga ah ee ay wasaaradda arrimaha guduhu ku tiro koobayso shacabka Somaliland. Sida ay ilahaasi tibaaxeen qaadhaan bixiyayaashu waxay dhawaan Somaliland u soo diri doonaan dhawr shirkad ajanebi ah oo ka caawin doonta doona sida loo samayn karo diiwaangelin lagu sameeyo cod bixiyayaasha taas oo sahli doonta in laga hortago musuq iyo ku shubasho ka dhacda doorashada madaxtooyada iyo Baarlamaanka oo la qoondeeyay inay qabsoonto sannadka 2015.

Go’aankan ay wadamad deeq bixiyayaashu ku balan qaadeen taageerista diiwaangelinta cod bixiyayaasha ayaa ah talaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca Doorashada madaxtooyada iyo Baarlamaanka iyo weliba inay ku qabsoonto jawi xor iyo xalaal ah.

Xisbiyada qaranka ayaa la filayaa inay wadamadan u diraan dhambaal mahadcelin ah oo ay ugaga mahadceliyaan aqbalaada codsigooda.

Comments are closed.